SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa soo jeediyay in laga noqdo Go’aanka lagu laalay Natiijadii Diiwaangalinta

    Posted by Sawnews.tk on July 31, 2009

    salebaniyociro1-150x150

    Hargaysa(Sawnews)Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa warsaxaafadeed ay si wada jir ah oo ay maanta soo saareen ku sheegeen inay aad uga xun yihiin Go’aankii Komishanka Doorashooyinku ay ku laaleen Natiijadii ka soo baxday diiwaan galintii waxaanay soo saareen laba qodob oo ay u arkaan in lagaga bixi karo xaalada ka dhalatay laalida natiijadaasi waxaanu war-saxaafadeedkoodaasi u dhigan yahay sedan “

      

    waxaan u aragnaa Go’aanka Guddida Doorashooyinka Qaranku ku laaleen natiijada ka soo baxday Diiwaangalinta mid qaldan oo shuruucda dalka iyo himilada ummadda reer Somaliuland ka soo horjeedda.

    waxaan u aragnaa in shacbiga reer Somaliland oo ay caawiyeen Deeq-bixiyayaashu ku guuleysteen Diiwaangalinta, natiijo Doorasho lagu galaana ka soo baxday.

    diiwaangalinta waxa ummadda reer Somaliland ka galay dadaal fara badan, hawl midho dhalisay iyo Maaliyadda culus oo aan la qiyaasi karin. sidoo kale, Deeq-bixiyayaasha caawiya Somaliland ayaa iyana Maaliyad balaadhan ku bixiyay.

    waxaan u aragnaa in Go’aankani dhaawacayo xidhiidhka aan la lahayn mujtamaca dawliga ah, Deeq-bixiyayaasha, Dawladaha daneeya Somaliland ee sida tooska ah u caawinayey Doorashooyinkeena. sidoo kale, waxa Go’aanku uu dhabarjab iyo tumaati ku yahay dadaalkii aan ugu jiray ictiraaf raadinta Somalalind mudada dheer.

    waxaan u aragnaa go’aanka eriska Wakiilka hay’adda Interpeace mid aan laga fiirsan cawaaqibka ay dhalin karto.

    haddaba gudoonka baarlamaanka jsl waxa uu soo jeedinayaa:

    1. in si degdeg ah looga noqdo Go’aanka laalista Diiwaangalinta,laguna dhaqmo natiijada Diiwaangalinta.

    2. in Hay’adda Dastuuriga ahi ka wada tashadaan sida ugu dhakhso badan sidii ay Doorasho ugu qabsoomi lahayd waqtigeedii (27.9.2009).

    Allaa Mahad leh

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: