SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Cali Gurey oo loo Magacaabay Afhayeen UDUB

    Posted by Sawnews.tk on July 31, 2009

    gurayHargeysa(Sawnews)-Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray ku magacaabay inuu Afhayeenka  UDUB noqdo Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).
    Cali Guray oo ka tirsanaan jiray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaana mawqifkiisii siyaasadeed ula guuray xisbiga UDUB, ayaa warsaxaafadeedka afhayeenka loogu magacaabay waxa uu u qornaa sidan;

    “Markaan arkay baahida uu xisbigu u qabo kaalinta afhayeenimo in loo magaacbo masuul buuxin kara awgeed.
    Isla markaana la tiashi la sameeyay talo qabeenka iyo gudoonka bisbigaba waxaan su buuxa ugu magaabay unuu noqdo afhayeenka xisbiga laga bilaabo 30/07/2009 Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

    Haddaba Mr. Cali Maxamed Yuusuf, waxaan kugu Warglinayaa inaa laga bilaabo 30/07/2009 aad xilkaaga afhayeenimo ee xisbigu kuu igmaday aad ugudato si buuxda hadii eebe idmo.”

    Cali Gurey ayaa ka mid ahaa Jabhadii SNM ee la dagaalamaysay Taliskii Siyaad Bare, xil-magaacaabistani cusub ee wakhtigan ayaa ku soo beegantay wakhti uu dalku xaaladiisa siyaasadeed meel xaraarad leh mareyso, isla markaana ay kacsan tahay.

     

    Boramanews

    2 Responses to “Cali Gurey oo loo Magacaabay Afhayeen UDUB”

    1. ubaxle said

      Ubaxle
      Aad ayaan u hambalyeynayaa in la magacaabo Cali-guray Afhayeenka Udub wakhtigan, waayo waa wakhti ay ku haboon tahay, uuna kaalin umada anfacda ka qaadanayo taariikhdaasi si mug leh wax uga tarayo tartanka uu xisbiga ugu jiro in mar kale hogaaminta dalka hanan karo.

      Hambalyo Udub GOD halis ayey shaxdaasi degtay.

    2. khaliil said

      waxaan halkani hambalyo uga soo dirayaa gudoomiyah cusub ee xisbiga UDUB ee talada hayaa umagacaabey xilkaasi oo uu yahay ninka soo bixi kara jagadaasi
      waxaanan kul lee nahay hanagon kuu ka seexda xilakaasi
      Hamblyo Hamblyo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: