SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciidanka Booliska Wajaale oo Gacanta ku Dhigay Labo ka mid ah Dambiilayashi Jidgooyada ku layay afartii marxuum

    Posted by Sawnews.tk on July 30, 2009

    booliskaWajaale(SAWNEWS)-Ciidamada Booliska Magaalada Wajaale ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan Labo nin oo ka mid ah kuwii Jidgooyada dhigtay ee Raga kulaayey Wadada u dhaxaysa Gabiley iyo Borama.
    Siduu BNN u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Wajaale  ayaa sheegay in Ciidankiisu ku guulaystayn gacan ku dhigista Dambiilayaashaas oo ku dhuumaalaysanayey guri ku yaal Magaalada.

    Taliyuhu waxa uu intaa ku daray Labada nin ee la qabtay ayaa ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland, waxana Ciidanka Booliska Wajaale gacanta ku dhigeen iyagoo Sakhraansan oo dhac dhacaya.
    Siduu talyuhu sheegay waxa labada nin loo soo gudbin doona Dhinaca Hargeysa si maxkamad loogu saaro looguna Qaado Dambiyada ay galeen  ee Dilka, Jidgooyada iyo Dhaca iskugu jira.

    Qabashada Labadan nin ayaa ka dambeysay kadib markii ay Ciidanka Booliska Gabiley ku fashilmeen inay gacanta ku dhigaan Niman iyaguna ka tirsanaa kuwii Jidgooyada dhigtay dilkana geystay, oo ku jiray Guri ku yaala Gabiley, kuwaas oo markii Ciidanka Boolisku hareereyeen Gaadhi ku baxsaday Si Xoogana iskooga Difaacay ciidanka Booliska.

    Talabada Talyaha Wajaale iyo Ciidankiisu qaadayn ayaa ah mid Maydhay Guuldaradii hore ee ciidanka Gabiley kala kulmayn.

    BoramaNews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: