SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad lagu soo gabagabeeyey Tafsiirka quraanka Kariimka oo xalay lagu qabtay masaajidka Sh. Cali Jawhar.(Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on July 29, 2009

    tafsiir04BOORAMA(Sawnews) Waxaa xalay lagu qabatay xaflad balaadhan oo loo soo agaasimay si heer sare ah masjid Jaamaca Sh. Cali Jawhar, taas oo lagu soo gunaanadayey tafsiirka Quraanka Kariimka ah kaas oo la soo bilaabay bishii may 2007 lana soo gabagabeeyey xalay oo ay ku beegnayd 28/07/2009, waxaana tafsiirka akhrin jiray Sh.Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar.


    Waxaa xalay ka soo qayb galay xafladaas dadwenye aad u fara badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay hor kacayaan culimada, odayaasha dhalinyarada iyo guud ahaan ardaydii( Xertii) raacan jirtay tafsiirkaas, waxa ay xafladu ku bilaabantay hadalo ay culimada qaarkood kaga waramayeen fadliga iyo mucjisooyinka Quraanka waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Sh, cilmi Ismaaciil oo ka mid ah culimada Boorama waxaanu aad ugu dheeraaday fadliga iyo mucjisooyinka Quraanka isaga oo aad ugu tirtirsiiyey ardayda iyo da’yarta in ay bartaan Quraanka kuna dhaqmaan, waxyaabaha u ka sheegay mucjisooyinka Quraanka waxaa ka mid ahaa isaga oo yihi erayga bil waxa uu Quraanka lagu sheegay laba iyo toban jeer, maalina waxa quraanka dhexdiitas lagu sheegay 365 jeer oo u dhiganta maalmaha sanadka Qamariga ah, waxaa kale oo erayga Bari iyo dhul qalalan lagu sheegay quraanka dhexdiisa 13 jeer taas oo boqolkiiba ka dhigan 28.8% oo ah inta ay sheegeen saynisyahanada Badna waxaa lagu sheegay 32 jeer oo boqolkiiba u dhiganta 71.2 oo ah inta biyuhu dhulka ka fadhiyaan, mucjisaadkaas iyo kuwa kale oo badan ayuu sheehu ka waramay.

    Waxaa kale ka hadlay Dr. Maxamed Bile oo ka waramay ama ka sheekeeyeen in la ixtiraamo culmada iyo fadliga ay bulshada iyo Ilaahay agtiisaba ku leehiyiin waxaanu intaas kudaray in ay culimadu yihiin kuwa ina soo gaadhsiiyey diinta iyaga oo Nabiga(NNKH) ka wakiil ah qofkii aan sheikh lahayna maba ah in wax laga dhagaysto.

    Waxaa isana ka hadlay Sh. Xasan Deheeye Axmed oo ka hadlay in uu kitaabka Ilaahay noqdo kan la isku xukumo isla markaana uu meel kasta oo nolosha ka mid ah uu isagu ka taliyo, waxaanu dadka ku adkeeyey doorashada soo socota in shardi looga dhigo cida quraanka wax ku xukumaysa kii wali Baynal code iyo wax la mid ah ag tagana laga tago.

    Ugu danbayntii waxaa halkaas ka hadlay Xaaji Axmed Miisaan oo ka mid aha odayasha magaalada Boorama waxaanu ka waramay in uu u soo joogay waqtiyo ay masaajida magaalada qof gaboobay mooye qof dhalinyaro ah aan lagu arki jirin, maanta waad u jeedaan in odayaashuba ku yar yihiin ayuu sii raaciyey waxaa kale oo uu dadka aad ugu booriyey in diinta la barto laguna dhaqmo             

    salalnews.tafsiir02tafsiir04

     

     

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: