SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ganacsatada Wajaale oo Sidii Bakaaraha Muqdishu Raba Inay Ciidan Samaystaan

    Posted by Sawnews.tk on July 29, 2009

    wajaale-dhinaca-ethiopiaBorama (Sawnews) – Ganacsatada meheradaha ku leh magaalada magaalada Wajaale ayaa laga soo sheegayaa in ay ka bilaabeen magaalada Wajaale dhaqaale ururin ay ugu talo galeen Amaanka maalkooda iyo naftooda, taas oo mehered kasta oo ganacsi lagu qoray qaadhaan lacageed, sidaas waxa u sheegay shabakada wararka Harowo.com mid ka mida ganacsatada waaweyn ee magaalada wajaale degen, ganacsadahaas oo codsaday in aan la sheegin magaciisa wuxuu sheegay in gudi ka mida ganacsatada magaaladu hawshan lacag ururinta ah ka bilaabeen magaalada, taas oo ay noogu sheegeen ilaalinta Amaanka magaalada Wajaale ayuu yidhi Ganacsadahaasi.

    Wuxuu intaas ku daray in la rabo markaas in la samaysto ciidan ilaaliya magaalada iyo ganacsigeeda, ama waxaa dhici karta ayuu yidhi in Xukuumada laga codsado ciidan Booliis ah oo ay kaga dalbadaan dhaqaalahaas, sababta keentay Cabsida ganacsatada Wajaale ayuu ku tilmaamay in ay tahay Shaqaaqada Celbardaale ka taagan iyo dilkii 4ta ganacsade ee k dhacday Jidka Kalabaydh iyo Dila dhexdooda, Xaaladahaasi waxay abuureen ayuu yidhi Ganacsadahaasi cabsi faro badan oo habeenkii ka jirta Wajaale, taas oo la sheego in dhanka Galbeedka laga soo duulayo, oo la leeyahay waxaa lagu jiraa Hartii ilma miigane, tii Xasan Sheekh iyo garbihaadlay ayaa la soo socdaa, arimahaas oo la waayo ayuu yidhi ninkaas ganacsadaha ahi marka waagu baryo subaxdii, waana xaalad abuur cusub oo shaki lagu kala gelinayo amaanka shacabka ka ganacsada Wajaale.

    Hadaba mar aan isku daynay in aan wax ka ogaano hawshaasi dhanka masuuliyiinta dawlada ayaan la xidhiidhnay maamulka ka dhisan magaalada Wajaale, balse nasiib daro telefoonadooda lana siiyay waxay ahaayeen qaar sheegaya in uu ka xidhan yahay, balse dad kale oo ganacsato ah oo iyaga laftoodu ka gaabsaday magacooda ayaa noo sheegay in hawshaasi jirto.

    Xaalku si kastaba ha ahaadee waa markii u horaysay Somaliland oo ahayd meelaha lagu faano nabadgelyada, isla markaana suuqyadeeda ay banaanka yaaleen lacagaha iyo dahabka oo aan lagu ilaalinayn wax hub ah, ay soo food saarto goob halbawle ganacsi u ah suuqa ganasatada Somaliland warwar dhinaca Amaankooda ku saabsan, waana calaamad muujin karta kalsooni daro laga muujinayo hayadahii Amaanka ee dalka dhisnaa.

    Ilaa hadana lama garan karo hawshan in ay ka warqabaan iyo in kale maamulka uga wakiilka ah xukuumada deegaankaas iyo in kale, dhanka kalana lama oga in hawshan laga warqabo xaga xukuumada sare iyo in kale, hadii ay Xaaladaha Amaan daro iyo colaadaha beeluhu sii socdaana waa xanuun ku fidi kara dalka intiisa kale, waana hawl loo baahana yahay in degdega loo daweeyo meel kasta oo ay shaqaaqo ka taagan tahay, habasayeeshee wakhtigana waxaa mashquuliyay Golayaashii Qaranka Somaliland Doorashada iyo Serfarka InterPeace, sidaas awgeedna waxa la odha karaa kamaba warqabaan xaalada nabadgelyada dalku halka ay marayso.

    Hashim Goth

    Harowo.com,

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: