SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciidamada Booliska SomaliLand Oo Albaabada U Laabay Xarunta TV Horn Cable TV, Xabsigana U Taxaabay Madaxii Wararka

    Posted by Sawnews.tk on July 29, 2009

    hctv-150x150 Ciidamada Booliska Somaliland  ayaa  xabsiga u taxaabay Madaxii wararka ee Telefiishanka Horn Cable TV  Maxamed Cabdi Sheekh [Ilig] oo wakhtigan ku xidhan Saldhiga New-Hargeysa, isla markaana waxay gebi ahaanba al-baabada u laalaabeen oo la xidhay  Xafiiska Telefiishanka oo ay shaqadii ka socotay  ayey ciidamo xoogan oo hubaysan oo waaran la’aan ugu galay Xarunta, kadibna xishay.

    Siday wararku sheegeen, ma jirin wax waaran ah oo ay Maxkamadi u soo jartay qabashada wariyahan  xanibaada Xaffiiska. Isla markaana ilaa iyo hadda lama oga sababta  loo xidhay xarunta  Tilifiishanka  iyo Wariyaha ee ka dambaysay ee loo cuskaday.

    Sidaa waxa noo xaqiijiyey  Madaxa Barnaamujyada ee Telefiishanka Horn Cable TV Cabdixakiin Maxamuud Shirwac  oo ay shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.ocm khadka Teliofoonka kula xidhiidhnay imikadan isaga naxsan iyo an-fariirsan, isla markaana waxa uu noo sheegay inay xarunta warlaliyaha  ay ka cabsi qabaan in la xidho.

    Ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuummada Somaliland oo la xidhiidha xadhiga Telefiishnaka Madaxa-banaan ee Horn Cable TV, hasayeeshe  Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa  dhawaan  gaashaanka ku dhufatay dacwad uu u soo gudbiyey Xer-ilaaliyaha guud ee qaranka JSL oo uu kaga dalbaday in la hakiyo hawlgalka shaqo ee Telifiishanka Caalamiga ah ee HCTV, oo uu ku eedeeyey inuu baahiyey warar aan isku dheeli-tirnayn oo fidmo kiciyey.

    Qaraarkan ay maxkamadu soo saartay oo ku taariikhaysnaa 13/7/2009 kuna saxeexanyahay Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa C/raxmaan Jaamac Hayaan ayaa ku tilmaamay eedeeynta ka dhanka ah Telefiishanka HCTV ee uu u soo gudbiyey xer ilaaliyuhu inaanu ku soo cadeyn qodob sharciya oo loo cuskado hakinta hawlgalka TV-ga, taasina ay ka hor imanayso dastuurka.

    Arrintan ayaa ku soo beegantay wakhti Maxkamadda Gobolka ee Magaaladda Hargeysa, ay shalay markii saddexaad bilawday dhagaysiga dacwadda Wariyayaasha Idaacadda Radio Horyaal ee Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo maalintii 15-aad ku xidhan Xarunta Ciidamada baadhista Dambiyada C.I.D-da ee Caasimadda Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: