SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Koomishanka Doorashooyinka oo ku Dhawaqay in Diiwaangalin la’aan lagu Galo Doorashada

    Posted by Sawnews.tk on July 28, 2009

    electionHargeysa(Sawnews)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Go’aamiyey in Doorashada Madaxtooyada lagu Galo Diiwaan Galin la’aan siday Ansixiyeen Labada Gole Barlaamaan ee Somaliland.

    Warsaxafadeed uu Soo Saaray Gudoomiyaha Koomishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa u dhignaa Sidan:-

    Markaanu  aragnay baaqashada liiskii codbixiyayaasha ee kamadambaysta ahaa  ee Hay’ada Interpeace laga sugay ee u mudaysnaa shalay oo ay bisha July ahayd 27, 2009.

    Markaanu eegnay in muhiimada doorashada Madaxweynuhu dhawrka goor u baaqatay ay ahayd in la helo liis xalaal ah oo aan ku celcelis lahayn.

    Markaanu eegnay in muhiimada Diiwaangelinta codbixiyayaashu ahayd in la helo doorasho xalaal ah oo qofkiiba hal mar kaliya codkiisa dhiibto.

    Markaanu aragnay daraasad laga sameeyay Serverka iyo tayadiisa software ku inay aad u hoosayso oo aanay lahayn hufnaantii looga baahnaa, markaanu aragnay in aan tiradii xogihii laga soo diiwaangeliyay dalka oo dhamayd 1,363,162 oo codbixiye marka laga reebo 96111 codbixiye oo lagu reebay xoftii sawirka iyo farta oo midna lahayn tayadii lagu kala saari lahaa.

    Markaanu aragnay natiijada Serverku qabtay ee ah 120219 xogood isla markaana ay noqotay niitajada 1,146,832 xogood.

    Markaanu aragnay soo jeedimaha lagu marin habaabinayo ummada  ee afka loo gelinayo in lagu doorashada natiijada aanu serverku kala saarin

    Markaanu aragnay in hawshii Serverka ay dayaceen shirkadihii qandaraaska la siiyay oo aan lagu maamulin laguna daba galin inay ka soo baxaan waajibkooda.

    Markaanu aragnay warbixinyii qabiirka Maraykanka ahaa oo si cad u sheegaysa in aan la isticmaalin software kii loo baahnaa inuu isku shaan-dheeyo labada xogood ee farta iyo sawirka wajiga taasi oo cadaynaysa inaan wax shaqo oo hagaagsan laga qaban arrintaasi.

    Markuunu aragnay in sii daba gal danbe  oo serverka lagu sameeyaa u adeegayn doorasho wakhtigeedii qabsoonta.
    wuxuu GDQ qirayaa in mashruuca Diiwaangelinta codbixiyayasha somaliland ugu fadhiyo qiimo aad u wayn dhaqaale badana qaadhaan-bixiyayaasha iyo dadwaeynaha somaliland kaga baxay taasina ay tahay maadaamo oo aan doorashadan wakhti lagu kala shaandheeyo loo helin in doorashooyinka danbe lagu talogalo in laga sii shaqeeyo oo la hufo si doorashooyinka danbe loogu galo haday suurto gasho.

    Waxa oo ay GDQ u arkeen inay muhiim tahay in dib loo eego shirkadihii hawsha loo igmaday si loo xisaabiyo lacagtii qaadhaan bixiyayaasha ka baxday.

    Hadaba anaga oo maanta maanka ku ahayna xilka qaran ee aanu u hayno iyo maslaxada ummadaba, DDQ waxay si aqlabiyad ah ku go’aamiyeen soo jeedinta in doorashada Madaxtooyada ee Somaliland lagu galo diiwaangelin la’aan maadama oo aanay najiito xalaal ahi ka soo bixin serverkii. Doorashoodiina ay ku qabsoonto wakhtigii ay u mudaysnayd ee 27 september 2009

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: