SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ergadii Gurmadka ka ahayd Falkii Jidgooyada iyo Xurgufta Beelaha Gabilay iyo Dila oo maanta gaadhay deegaanka Ruqi

    Posted by Sawnews.tk on July 28, 2009

    ergada-ruqi-300x225Waxa lana yidhaa Dawlad Eedooyin” Odayada reer Ruqi”
    Borama(Saylac.com)- Ergadii gurmadka ka ahayd falkii jidgooyada ee lagu laayay 4 qof ee ganacsatada ahaa iyo xurgufta beelaha ka soo kala jeeda gabilay iyo Dila, ee maalmahanba ku sugnayd magaalada Boorama, ayaa maanta ka ambabaxday dhanka magaalada Boorama, iyaga oo u socdaalay dhinaca magaalada Ruqi oo ah deegaanka Dibiraweyn ee degmada Baki.

    Ergada oo ka koobnayd 15 xubnood oo kala yimid Ceerigaabo, Buhoodle, Burco iyo Hargaysa, waxaa weheliyay 10 duqayda Boorama ah iyo wadaado oo iyagu ku jiray ergadaas, kana soo raacay dhanka magaalada Boorama, Ergada halkaas tegtay waxay wada hadleen duqayda deegaankaas iyo maamulka degmada Baki, waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay duqa degmada Baki Bare Jaamac Yuusuf oo sheegay in ay maamul ahaan iyagu ka taag daran yihiin dadka shacabka ah, meesha ay wax ka dhacayaana ay tahay degmadooda, wax hawl ah oo ku leeyihiina ayna jirin, waayo si wax u socdaanba lanagama talogeliyo oo ciidamo iyo madax Hargeysa ka timaad ayuun baa socsocota ayuu yidhi Gudoomiye Bare, wuxuuna ergada ka codsaday in ay wax ka qaban karaan hadii ay helaan cid la shaqaysa oo wax weydiisa maamulkooda, isla markaana weerarka gabilay kaga imanaya Bakina qabata ayuu yidhi Gud.bare Jaamac.

    Ergada hadashay waxaa ka mid ahaa Sh.Cawil Faarax, Sh.Sharif Ibrahim, Suldaan Rashiid Sul.Cali Ducaale, Garaad Maxamed Garaad Sulaymaan iyo Sul.Axmed Nur oo dhamaantood ahaa ergada ka timid gobolada kale waxayna u sheegeen beesha ay u tegeen ee Ruqi in ay yihiin ergo wada nabadayn iyo in xiisada taagan la dhameeyo si nabada oo qaranka Somalilandna ku sii waaro, isla markaana ay aqbalaan dhankooda ree Baki(Ruqi)in colaada laga gaadho nabad, sidaas awgeedna la kala qaado ciidan beeleedada dagaalamaya, dhanka Gabilayna ay hawshan oo kale ka wado ergadan oo kale, oo ka badan inta socota halkan, reer gabilayna sidaas oo kale lagu qancinayo, waxa intaas dheeraa wacdi iyo waano loo jeediyay duqaydaas kulanka lala yeeshay oo lagaga hadlayay nabada iyo derisnimada in la dhawro iyo wanaaga ay leedahay, xaga islaamnimadana loo noqdo.

    Intaas Ka dib waxa la hadlay Ergada duqayda Deegaanka oo uu ka mid ahaa Cabdi Cali Agoon wuxuu ka waramay marxaladaha ay soo martay colaada maanta balaadhatay ee labada dhinac, wuxuu sheegay in wakhtigii diiwaangelinta lagu bilaabay rasaas ilaa maantana ay ku socoto deegaankooda, cid wax ka qabata dawlad iyo shacaba ay waayeen, maalintaas waxa halkan aad nagula hadlaysaan joogay Wasiirka Arimaha gudaha, M/xigeenka iyo Jananka Boliska ayuu yidhi Cabdi Cali, dhanka kale wuxuu cabasho ka muujiyay taliyaha ciidanka Boliska Gabilay ninka la yidhaa C/laahi oo sheegay in uu reerihii qixinayo oo habeenkii isagoo ku ridaya suug iyo rasaas kale oo cabsi gelin ah, fariintaas gaadhsiiya ayuu yidhi dawlad iyo cid walba, wuxuu intaas ku daray in iyaga la yidhaa Dawlad Eedooyin oo waxan ay ugu wacan tahay dawladii hore iyo midan maanta ee Somaliland, wuxuu intaas ku daray Oday Cabdi Cali in nabad laga heli karo dhankooda, hadii la qabto ninka safarka laynaya, beeralayda dilaya, xoola dhaqatada dilaya, ee ilmaha xoolaha u eegaya ee la jooga dilaya, waa ninka aan Abtiga ah u nahay ee Ina Raage dhalay,hadii kale ciidamada dawladu hanaga dhexbaxaan waan heshiinaynaa reer Abtigayo ayuu yidhi Cabdi Cali.

    Waxa kale oo hadlay Aw Xasan Irkabe oo isagu dhaliilay ergada leh waa la soo qabanayaa dadkii geystay jidgooyada wuxuuna yidhi geel ninkii dhacay doondoonayaa geelaas lama helo ayay Soomaalidu tidhaa, ma Jananka ciidanka iyo taliyaha boliska gabilay ayaa raadinaya raagaas taasi caqli gal maaha ayuu yidhi Aw Xasan, waxa isna hadlay Maxamed Aw Ciise oo ka mida odayada Ruqi wuxuuna sheegay in ergada iyo culimada loo soo diray ee ka hadlaya waanada fiican iyo wacdiga diiniga ah looga baahan yahay in xagaas gabilay loo diro, malaha qolyihiinanan maba arkaan ayuu yidhi Maxamed Aw Ciise ee ergada loo diraa waa mid tidhaa dadka laaya oo aan ula hadal sidan aad noola hadlaysaan, dhamaan duqaydii halkaas ka hadashay oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Xasan Xadi iyo Abiib waxay isku wada raaceen in nabad laga helo ayna yihiin difaac naftooda iyo maalkooda ah, sidaas awgeed ay sugayaan waxa ay yeelaan dhanka gabilay iyo sida ay u fuliyaan taladiina Ergo ahaan.

    Ugu dambayn waay ergadii iyo duqaydii deegaankuba ku kala tegeen is afgarad iyo faham fiican, ergadiina waxay u gudubtay dhanka degmada gabilay oo ay ku sugnaayeen sidan oo kale Ergo ka mid ah ergadan iyo duqaydii dhanka gabilay.

    Hashim Goth
    Borama
    Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: