SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xafladii Qalin Jabinta Dufcadii 8eed ee Jaamacadda Caamuud (+Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on July 27, 2009

    8Xaflad aad loo agaasimay oo oo ka duwanayn qalinjabinadii hore arrimo ay kaga mid yihiin dhinaca dhaqanka iyadoo lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee wilwalaha iyo Sayliciga oo caan ay ku yihiin dadwaynaha reer Awdal iyo Salal ayaa manata lagu qabtay Jaamacadda Camuud.

    Waxay arrintaasi dad badan oo aan hore ugu arki jirin munaasibadihii qalinjabinada loo samaynayay oo aan tani ku jirin ayaa dareenkooda waxay ku biirtay farxad iyo raynrayn oo ka markhaati kacaysa in jaamacada Camuud ay heelan tahay soo noolaynta dhaqanka iyo hidaha ee reer Somaliland .

    Arday gaaraya tiradooda 147- Arday ayaa xafladaan maanta ka qalinjabiyeen oo iskugu jiray Diploma iyo Degree waxay kala qalinjabiyeen shan kuliyadood oo kala ah:

    •  Dawada iyo Qaliinka

    •  Deegaanka iyo Beeraha

    •  Sharciga iyo Qaanuunka

    •  Maamulka iyo Maaraynta

    •  Waxbarashada

    Xafladaan waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Gudoomiyaha gobolka Awdal, Maamulka Jaamacadda Camuud, Ardayda dhigata Jaamacaddasi , Waalidiintooda, Qurba joog iyo hay’adaha FC Denmark, ADT, European Union, iyo NGO-yo wadaniya oo kala duwan.

    Mas’uuliyiin kala duwan iyo Arday ayaa xafladaan intii ay socotay hadalo xiiso galiyay kasoo qeyb galayasha ka jeediyeen waxaana ugu horeyn ka hadlay Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud waxuuna sheegay in intii ka dambaysay qalinjabintii todobaad oo ku beegnayd 10 guuradii Jaamacadda Camuud ayaa waxa uu ku tilmaamay in ay gaadheen guulo badan oo la taaban karo waxuuna carabka ku dhuftay in Camuudi ay tarantay oo maanta ay shaqaynayaan midhihii ay soo saartay.

    Prof. Saleebaan waxa uu sidoo kale sheegay in jaamacadda 1998 bilowgeedii ay dhigan jireen 600 balse maanta horumar waxa ay tiradu maraysaa 1600 oo Arday oo kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada wax ka barta, waxuu sheegay inay ka horl galaan 118 macalin oo Ajanabi iyo muwaadiniin iskugu jirta, waxa uu u mahad celiyay hayadaha FC-Denmark, European Union , ADT, iyo hay’ada Progressiyo, oo uu cadeeyey inay qayb ka yihiin horumarka jaamacadu ku talaabsatay waxuuna intaasi raaciyay inay dhismayaal kala duwan oo dabaqyo ah mudadaasi lagu kardhiyay jaamacadda, waxa kale oo ay jaamacaddu samaysay hanti ay leedahay, waxuuna sheegay in maanta mushaharka jaamacadu ay bixiso uu gaadhayo $45000 Bilkasta waxuuna uu carabka ku dhuftay in 20 guri ay uga kiraysan yihiin magaalada oo ay degaan dadka ka howlgala Jaamacadda,

    Sidoo kale, waxaa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi Cige ayaa isaguna mahadnaq iyo hambalyo u jeediyay Ardayda maanta qalinjabinaysay Maamulkooda iyo waalidiintoodaba, dadaalka badan ee ay sameeyeen.

    Guddooomiyaha waxuu tibaaxay in loo baahan yahay in nabadgalyada xoojinteeda meel looga soo wada jeesto si dalku horumar ugu talaabsado waxbarashadduna inoogu hano qaado.

    Wasiiru Dowlaha waxbarashada Somaliland Garaad ayaa ka hadlay munaasabadaasi waxuuna amaan u soo jeediyay Maamulka Jaamacadda Camuud oo uu ku tilmaamay inay horseed u yihiin aqoonta dalk.

    Waxuu sheegay cadeeyey inaanay Wasaaradda Waxbarashadu ka hagranayn iskaashina la yeelanayso sidii ay Arday aqoon casriyaysan ay u soo saari lahaayeen waxuuna waliba xusay in Arydayda qaybta Waxbarashada ee Macalinimada ka soo baxda ay wasaaradu howlgaliso wakhti kasta intii ka soo baxda.

    Wakiilka European Commission ayaa isna ka hadlay xafladaasi waxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay hantidii ay bixiyeen oo wax badan lagu qabtay waxuuna balan qaaday inay had iyo jeer  hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Jaamacadda Camuud waxna aanay ka hagranayn.

    Si kastaba ha ahaatee, xafladaan oo lagu tilmaamo tii ugu qaban-qaabada badneed ee Jaamacadda Camuud soo marta waloow Jaamacadda Camuud xafladihii ka dhacay ee Ardayda ku qalinjabinayeen aysan kala dhicin ayaa kusoo gaba-gabowday jawi wanaagsan oo aad u degan.camuud_shah%20(13)camuud_shah%20(25

    camuud_shah%20(10)camuud_shah%20(11)camuud_shah%20(9)camuud_shah%20(7)camuud_shah%20(6)camuud_shah%20(5)camuud_shah%20(4)camuud_shah%20(1)camuud_shah8camuud_shah%20(8)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: