SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ragii Budhcadii oo ka baxsadey Ciidanka Booliska ka dib iska Difaac Xoog leh.

    Posted by Sawnews.tk on July 25, 2009

    news-iconGabiley(Sawnews)Sidii maanta aan  idiinku  sheegnay  wararka yagii  hore  waxaa  manta   galinkii  danbe  iska hormaad xoog leh ku  maray Ciidanka booliska iyo Ragii budcada ahaa ee jidgooyada ku laayey Afarta nin, iska horimaadka oo ka dhacay magaalada Gabilay

    Goob jooge  ku  sugan Magaalada Gabilay oo  aan  khadka talefanka  ku waraysanay ayaa noo sheegay  in  raga budhcada ahi  ay joogeen  Magaalada Gabilay in mudo ah.

    Maanta Abaaro 2:00 pm  ayaa iyagoo ku sugan Gbailey waxaa  arkay  Ciidanka booliska, ciidanku  waxaa  uu  isku  dayey  in  uu qabto ragan budhcada ah  ka dib  waa  ay  iska difaaceen.

    Iska difaacistaas  oo in mudo ah socotay  oo xabada dhawaaqeeda  laga  maqlayey Magaalada  ayaa  waxa  lagu  war  helay  ugu danbaytii  in  ay  baxsadeen ragii budhcadii.

    Mar  aan  waydiinay  goob joogaha tirade Raga Budhacadaa  ayaa waxaa uu sheegay  in ay ahayeen dhawr nin balse aan la hubin tiradooda dhabta ah madaama ay la dagaalamayn ciidanka.

    Is difaacista Nimanka Dambiilayaasha ah iyo waliba ka awood badashada ay ka awood bateen ciidanka Booliska ayaa ah Waji gabax iyo jab ku yimid Nabada iyo In lagu guulaysto in la xaliyo dhibaatooyinka iyo colaada dhex taala beelaha walalaha.

    Waxay tani ka dhigan tahay Ceeb lasoo daristay Dowlada iyo Ciidanka Booliska ee hawshan loo xilsaaray, waana Fashilkii Seddexaad ee is dabo joog ah ee dowladu kala kulanto arrinta ceelbardaale. 

    Israsaasaynta maaanta ayaa lumisay Waanweyn lagusoo qaban lahaa nimanka Jariimada galay ee dadka laayey ee waliba jidgooyada dhigtay, iyadoo ciidanku u muuqdayn qaar ku deg degay iyagoon awood u lahayn inay wax qabtaan.

    Isku soo duubo, waxa la odhan karaa waa Dib u dhac weyn oo ka muuqda ciidanka Booliska ee Degmada ee kari wayey inay maleeshiyaad yaryar gacanta ku dhigaan, waxayna Gabi kasii tuuren hawsha Nabadaynta ee dowladu markii hore u dabo fadhiisatay Ergooyinka, taas oo u muuqata in dowladu markale sii fogeysay xalka arrinta.

     

    Borama News

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: