SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Hay’adda UNFPA Oo Cisbitaalka Fistulaha Ee Magaalada Borama Ka Fulin Doonta Qalliin Bilaasha

    Posted by Sawnews.tk on July 25, 2009

    print_logo-150x150Borama(Sawnews) Hay’adda UNFPA ayaa hotelka Ambassador ee magaalada Hargeisa ku kala saxeexday heshiis
    nuxurkiisu ahaa sidii hay’addani uga gacan siin lahayd cusbitaalka Fistulada inuu qalliin bilaasha u fidiyo haweenka danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland iyo wadamada aynu jaarka nahay.
     
    Heshiiskan ayay kala Saxeexdeen Masuulka UNFPA ee iyo Wasiirka
    Caafimaadka Somaliland Mudane Cabdi Haybe Maxamed oo u saxeexay
    Cusbitaalka Fistulaha ee Borama, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen
    Agaasimaha Cusbitaalkaas Dr. Ibraahin Siciid Qaws iyo masuuliyiin
    kale.
     
    Cusbitaalka Fistulaha ee magaalada Borama ayaa xilligan u fidiya adeeg
    caafimaad oo bilaasha haweenka uu ku dhaco cudurka Fistulaha, waxana
    dumarka uu daaweeyo ay isaga kala yimaaddaan gobollada Somaliland iyo
    weliba wadamada aynu jaarka nahay.
     
    Xanuunkan Fistulaha ayaa inta badan ku dhaca hooyooyinka xilliga ay
    foosha ku jiraan, kaas oo keena inay isu furmaan saxarada iyo kaadidu,
    taas oo geyaysiisa haween badani inay ka quustaan nolosha. Balse tan
    iyo intii la furay cusbitaalkan ayay hooyooyin badan oo guryaha ku
    xeraysnaa ay fursad u heleen inay adeegyadan caafimaad ee bilaashka ah
    ka faa’iidaystaan.
     
    Kaalmadan Hay’adda UNFPA u fidisay cusbitaalkan ayaa fursad u siinaysa
    in boqollaal haween ahi oo cudurkani ku dhacay fursad u helaan adeeg
    caafimaad oo bilaash ah.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: