SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasaaradda Qorshaynta Oo Ku Eedaysay Hay’adda Interpeace In Aanay Haysan Ruqsad Ay Dalka Kaga Shaqayso.

    Posted by Sawnews.tk on July 23, 2009

    logoHargeysa(Ramaas)  Ku-simaha Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Qorshaynta Axmed Cabdilaahi Nadiif (jeex) isla markaana ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ayaa sheegay Hay’adda Interpeace inaanay Wasaaraddooda ka Diiwaan-gashanayn oo ay sharci la’aan dalka kaga shaqaysato.

     

    Agaasimaha Guud waxa uu sheegay Hay’addaha dalka ka shaqeeya inay ruqsadda siiyaan marka ay eegaan inay buuxinayaan shuruudo ay ku xidhaan oo kala ah:

     

    1: Sharciga ay dalkoodda kaga shaqaystaan.

    2: Sharciga lagu Diiwaan-galiyay.

    3: Caddeymo la xidhiidha shaqooyinka ay soo qabteen.

    4: Codsi ay soo qortaan.

    5: Hay’adda ay khusayso shaqadda ay qabanayaan inay arji ka soo qortaan.

    6: Qorshaha ay dalka u wadaan iyo Miisaaniyadda ay u sidaan.

     

    Intaa marka ay keenaana ay siiyaan Heshiis ay soo buuxiyaan una fasaxaan wixii ay dalka ka qabanayaan sidaasi darteed waxa uu Agaasimuhu sheegay inaanay jirin Hay’adda Interpeace meel ay soo martay oo ay ka qaadatay ogolaansho.

     

    Axmed Cabdilaahi Nadiif (jeex) waxa waxa uu sheegay Hay’adda Interpeace inay dalka ku timid inay wax inagala qabato Doorashooyinka, iyadoo soo martay Akamiyadda Nabada iyo Horumarinta iyo Guddiddii Doorashooyinka ee hore, inaguna wakhtigaa nidaamkaasi wuu inagu cusbaa oo cid wax inagala qabata ayaynu u baahnayn, markaa sidaas ayay ku bilowday hawsha markaa waxay ahayd inay ciddii ay la shaqaynayeen soo mariso nidaamkaas balse may dhicin ilaa hadana sharci la’aantii bay ku shaqeeyaan.

     

    Agaasimaha Guud waxa uu intaa raaciyey Wasaaradda Qorsheynta inay u Diiwaan-gashan yihiin toddobaatan Hay’adood oo ah kuwa Caalamiga ah, dhamaantoodna ay sifo waafaqsan sharciga Dalka uga hawlgalaan, marka laga reebo Hay’ada Interpeace iyo Hay’ada Awepa mooyee. Waxaanu xusay Hay’ada Awepa lafteedu inay la soo xidhiidhay baarlamaanka oo iyadoo fulisay Mashaariic badan oo waxtar u leh baarlamaanka sida dhismaha hada ay ku jiraan iyo Hall kale oo casriya oo ay Golaha Wakiiladda u dhisayaan, laakiin ilaa hada iyana wasaarad ahaan aanay sharciyaysnayn waxanu ku taliyay in looga baahan yahay Hay’aduhu inay sifada sharciga ah raacaan.

     

    Sidoo kale, Jeex waxa uu ka waramay marxaladihii kala duwaanaa ee ay Somaliland u soo martay xidhiidhka ay la leedahay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga ahba waxaanu xusay inay kolba heer soo gaadhayeen ilaa hada ay Hay’adaheenii Wadaniga ahaa la dherersanayaan kuwii Caalamiga ahaa sida Havayoco oo kale oo uu sheegay inay Mashaariic ka fuliyaan Dalalka aynu jaarka nahay, isagoo xusay wax badan inaynu ku weynay ictiraaf la’aan.

     

     

     

    Source: Waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: