SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • BAAQ KA SOO BAXAY AQOONYAHANKA AWDAL EE UK.

    Posted by Sawnews.tk on July 23, 2009

    BAAQShir ay isugu yimaadeen aqoonyahanka iyo waxgaradka Awdal   17/07/09 galbeedka magaalada London  ayay si adag ugu canbaarenayaan dhacdadii waxashnimada ahayd  iyo jid gooyada ee ka dhacday jidka u dhaxeeya Dilla iyo Kala bayr.Iyaga oo marka hore tacsi u diraya eheladdii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii lagu layey jidgooyadii iyo dhamaanba shacabka reer Awdal & Somaliland.   

     WAXAYNA SOO SAAREEN QODOBADAN HOOS KU QORAN. 

    1 Waxan canbaaraynaynaa falka waxashnimada ah ee lagu xasuuqay dadkii safarka ahaa ee marayey jidka u dhexeeya Dilla iyo Kalabaydh. Falkaasi oo ahaa mid qorshaysan oo ah arrin ugub ku ah mandiqaddaasi, oon wali ka dhicin guud ahaanba Somaliland.   

    2 Mar labaad waxan canbaaraynaa Saxaafadda ,Ururradda Siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka kale ee sida qaldan u turjumay dhacdadan waxashnimo ah, iskuna xidhaya falkan jid-gooyadu ay fuliyeen iyo muranka laga dhex abuuray dadka walaalaha ah ee wada dega deegaanka Ceel-Bardaale. 

    3. Waxan aaminsannahay dadka isku xidhaya falka dadqalnimo  iyo argagixisnimo iyo muranka ceelbardaale in ay yihiin kuwo aan daacad ka ahayn nabadgalyada wadanka iyo himilada ummadda ,waxayna  calaamad u tahay tuhunkii ku jiray ummadda ee ahayd  in dad badan oo siyaasiyiin ahi ku lugleeyihiin MU’AAMARAADKII IYO XASUUQII KA DHACAY Jidka u dhaxeeya DILA IYO KALABAYDH.  

     ARRINTA DEEGANKA CEELBARDAALE  

    Arrinta Ceelbardaale waa mid soo jireena, taariikh dheerna leh. Xalka kaliya ee dhibaatadanina iyaga ayay saran tahay. Waana in ay xalkeeda u hawlgalaan inta IS-DHASHAY ee Ilaahay dejayey degaankaasina u wada munaafacaadsadaan si cadaalad ah, waayo iyaga ayaa og siday ugu soo wada noolaayeen FAC-KA-FAC, si caqli iyo cadaaladana iskugu horfadhiistaan una xalilaan dhibaatadaasi soo noqnoqtay ee soo Jireenka ah. 

    Guurtidii loo xil saaray Arrinta CEEL-BARDAALE waxaan ka war qabnaa in min bilow ilaa go’aan ayna ku wada qanacsaneyn hab-socodkii hawshaasi labada dhinac ee loo GAR-NAQAYEY ayna mar kastaba wax tabanayeen dhinac odayaasha   DILA lana tixgali waayey, ayna diideen oy ku qanci waayeen GO’AANKII soo baxay, GO’AANA waxa u SHARCI yahay una gudbaa fulin marka labadii dhinac ee arrintu kadhaxaysay ay isla qaataan wadana saxeexaan 

    Sidaasi awgeed waxan aaminsanahay in arrinta khilaafka beertaha CEEL-BARDAALE la siyaasadeynayo oo ay ku lug leeyihiin dad aan u danaynayn labada kooxood ee Ilaahay deegaanka ku wad abuuray Isna dhalay, kalana tageyn. 

    Waxan ku talinaynaa, indheer garatka ,culimada iyo hogaannada bulshadu in ay ka hortagaan balaayadan huruda ee la toosinayo.  

    Waxan leenahay arrinta degaanka ha loo daayo dadka iska leh ee aan marna ku kala tegayn.Waxan kula talinaynaa kuwa leh danaha gaarka ah ee ka baxsan danta masaakiinta meesha ku nool , siyaasi, Dawlad ama Ganacsatoba ha ka baxaan hana u dayaan inta ay wax ka dhexeeyaan. 

    Ugu danbayntii , waxan aamminsannahay in aanu falkani bahalnimada ihi ahayn mid reer Gabiley  loo nisbayn karo ee ay fuliyeen habaarqabeyaal dangaar ah leh oo adeegsaday maan gaab,iimaan-laawayaal iyo dibjir. 

    Waxan leenahay Dawladu waa inay si degdeg ah u soo qabataa gacan ku dhiiglayaashan.Salaadiinta iyo indheer garadka Gabiley waa inay Muujiyaan xilkasnimo keenaanna dadkii ficilka fuliyey. 

    Ugu danbayntii ,waxan ku dardaaraynaa  dadka jecel danaha nabad gelyada iyo Somaliland in ay ka hortagaan dadka beryahan danbe shaqada ka dhigtay kala fogaynta bulshada. Wax kastana Siyaasadeynaya. 
     

    Wa bilaahi Tawfiiq.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: