SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Qareen Somaliland ah oo xisbiga Kulmiye ku edeeyey inay ka danbeeyo xasuuqii dhacay

    Posted by Sawnews.tk on July 22, 2009

    JAMHUURIYADA SOOMALILAND

    qareen  XAFIISKA  QAREEN   C/NAASIR

          Date : 21/07/09

    Ku:  Saxaafada Madaxa banaan Ee JSL                                       Fadhiyadooda

    Ujeeddo : War-saxaafadeed.

    Aniga oo ah Qareen C/Naasir Yuusuf Sh Cabdilaahi kana mid ah Qareenada ka hawl gala Gobolka Awdal iyo Guud ahaan JSL, waxaan Maanta oo ay bishu tahay 21/07/09  aan iskugu kiin yeedhay warsaxaafadeedkani oo gun dhigiisu yahay dhawr Qodob oo aan kaga hadli doono Xaalada Guud ee dalka .

    1-    Arinta Ceel-Bardaale

    2-    Go’aanka Golaha Guurtida Ee Degaanka Ceel-Bardaale

    3-    Shuhadada Safarka ah ee lagu xasuuqay  Dilla Aerie

    4-    Kulmiye iyo Arinta Ceel-Bardaale iyo xidhiidhka ka dhaxeeya.

    5-    Ururka Qareenada ee Solla iyo Hay’adaha  Xuquuqal Insaanka aamuskooda

    6-    Nabad Galyada Guud.

    Hadaba, waxaan si kooban aan uga hadli doonaa kolba qodob aniga oo soo koobi doona.

     1- Arinta Ceel-Bardaale.

     A-    Waa arin la isku hayo deegaan,  dadkaasi oo ah dad wadaaga dhalasho, iskuna ah inan iyo abtigii, waana wax Waligeedba  dhici jirtay in la wadaago degaan iyo in la isku qabtaba waana la kala bixi jiray dhib kasta oo la isla maraba, waana arin asal ahaan u taala cida uu degaan ka dhaxeeyo iyo in ay iskula tagaan cida ay ku qancayaan xukunkooda oo marka horeba dhinac kastaaba la yimaado Cida uu ku kalsoon yahay, waa haddii ay arintu tahay tii geedka, si hadhaw aanu dhinacna ugu mar-mar siyoon, hadiii ay tahay tii Garsoorkana cidi dacwooto cidna is difaacdo, Waxaanan usoo jedinayaa dadka walaalaha in ay ilaashadaan wada noolaashaha iyo walaalnimada.

    2- Go’aanka Golaha Guurtida Ee Degaanka Ceel-Bardaale.

     Golaha Guurtidu waa Gole Xeer Dejineed kana mid ah labada Gole,   ee uu ka kooban yahay labada aqal ee Xeer dijineed  ee ay leedahay Jamhuuriyada  Somaliland, Sida Qodobka 57aad ee Dastuurka,  kana kooban yahay  82 Xubnood  oo la  id ah kan baarlamaanka, la iskuna yiraahdo Parliamen, iyada oo Dawlada Somaliland ay qaab ahaan u dhisan tahay sadex geesood la odhan karo.

    a-         Parliament    (Golaha Barlamaanka iyo Golaha Guurtida)

    b-        Judicature     (Garsoor )

    c-         Executive      (Fulinta oo ah Xukuumada). 

    Maadaama aynu soo sheegnay sadexdaa  waaxood, ee ku qoran Dastuurka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee loo codeeyay  May / 31 /2001 laguna aqbalay  97%, waa iswaydiine  goormaa la badalay mise anigaa yara maqnaa , waxaan uga jeedaa goorta ay Golaha Guurtidu isku badaleen Gole Garsoor meelna kagama yaalaan meel ay ka garsoori karaan Xeer ahaan iyo Constitution ahaanba ay ku noqdeen Gole gali kari Gar iyo Xaq Soor, maxaa yeelay maaha xeerkeeni mid sidaasi u qoran kaliya waa Gole Xeer Dejineed, waana Gef ay ka galeen umada iyagaana mas’uul ka ah wax kasta oo dhib ah oo yimiday amaba imaan doona wakhtiga dhaw iyo ka fogba,  wixii ka baxsan sharciga ee ay ku baalmaraan , waa meelma meesha ay sharci islaam  ahaan qabaa’ilo wax loogu kala xukumo,

                Tusaale ahaan:

    Waxay  u xukumeen Jibriil Abokor waxayna ka xukumeen Reer Nuur.

    Hadaba, halkeebay Jibriil Abokor xoolo ku wadaagaan amaba Reer Nuur,  waa ayaan daro u soo hooyatay Somaliland, waxaanan Leeyahay Meel Aar ka kacay  atoo fadhiisay, Guurtidu waa tii masiibada ka Gurman jirtay,  Ee maaha tani dadka isku diraysa ee horseeday waxaa dhacay Ee waliba ku andacoonaysa Madaxwaynahaanu u gudbinay siduu u Fulin lahaa.

    Waxaanan leeyahay aniga oo habraacaaya Qodobka  61-aad Dastuurka Qaranka JSLand meel ay kaga taalo iyo sabab ay ku galaan midnaba ma jirto waana xaaraan in Sadexda waaxood ee Qaranku wax aanu xeer sheegin midi mida kale ugu gudubto.

     Waxaa kale oo dhaqanka Soomaliyeed ka mid ahaa in xukun kasta oo dhaca hadii ay cidi diido ay tiraahdo Geedkaasi Geed-baan ka leeyahay ay odhan jirtay xaqbaad u leedahay,  (Gudigaasina odhan jireen waayahay)  Goormay Guurtidu noqdeen Kitaab Munasal ah oo aan rafcaan  (Appeal) lahayn, reerkaasi wuxuu isla maalintaasiba ku dhawaaqeen in ayna arinaasi ku qanacsanayn (Aqbalaynin) miyayna ahayn  in la yiraahdo waar garbaad u leedihiine gar naqshada,  waa maxay arintani dhinaca ka raran ee ninkii hadlaaba ku ambabarsan yahay  hala fuliyo go’aanka Guurtida.

     Aniga waa ila Cajaa’ib?!!!!   

       3-    Shuhadada Safarka ah ee lagu xasuuqay  Dilla Area

    Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan Eheladii, Qaraabadii, ay ka baxeen walaalaha shuhadada ee lagu laayay dilla agteeda oo ah mid aan la ilaawi Karin inta ay taariikhdu jirto iyada oo hore loo arag.

    Waxaan aad iyo aad ula yaabay iguna  qasbay in aan warsaxaafadeedkani qabto Saxaafada Somaliland iyo qodob aan dib ka sheegi doono oo kala garan waayay dagaalka beelaha iyo xasuuqa (Dilla Aerie)  ka dhacay,  uuna  ugu danbeeyay Maqaal ku soo baxay Jamhuuriya Cadkiisii  3924  ee soo baxay 19/July/2009 una qornaa  (Gaadiidkii Lagu Dhacay Ceel Bardaale oo lagu Wareejiyay Ergada Madax-dhaqameedyada )

     Taasi oo ah been aan Sal iyo Raad  toona lahayn mana jirto gawaadhi lagu dhacay Ceel – Bardaale ee waa xasuuqii ka dhacay meel aan dilla ka fagayn laguna laayay dadka (Biri magaydayda ahaa) Jamhuuriyana waxaan leeyahay haday iskaga kaa qaldantay walaal Ceel Bardaale iyo Kalabaydh waa laba Degaan  waana  masiibo intaan jiray igu maqal iyo aragba ah,  taasi oo ay taariikhdu qori doonto, dadkaasi oo cidii xasuuqday ilaa iyo hada ay yihiin kuwa aan sharciga la hor keenin una muuqda in aan la horkeeni doonin, Maadaama Golihii Guurtida ee arintani lahaa uu noqday Garsoor waa taasi cadaynteedu waxaan sheegaayay ay maanta kaalintoodii Guurtinimo ay  maqan tahay soona gali Karin Maadaama ay yihiin kuwii shalay codsanaayay in la fuliyo  waxay ku sheegeen Go’aan, waayo go’aan maaha go’aan haddii dhinac diido.

     4-    Kulmiye iyo Arinta Ceel-Bardaale iyo xidhiidhka ka dhaxeeya.

     13/7/09 ayay ahayd wakhti Magaalada Boorama  waagu ugu baryay Maydka Shuhadada Afarta (4) ah ee  lagu laayay habeenkii Sabti wadada  ( Near  Dilla)   ee masiibadu ka dhacday,  wakhtigaasi oo dadku badankoodu Salaadii Subax  ka dib u dareereenku tukashada iyuo aaska maydkaasi Magaalada uu ugu baryay, Maxaase aroortaasi dhacay

    • Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye oo ka hadlaaya BBC-07:00 Aroornimo isaga   oo afkiisa ku balaadhiyay in dagaalka ay labada dhinac Joojiyaan taasi oo dadkii kumaanka kun ahaa ku noqotay lama filaan iyo  dhabar jab, iyo tiiraanyo labaad ,  Isla markaana aan laga  filaynin in uu ku hadlo hadalkaasi mas’uul heerkaasi taagan sida (Muuse Biixi  Cabdi) oo kale, waana wax taariikhda ku qorantay maalintaasi, In xasuuqaasi lagu tilmaamo in la qaboojiyo rasaas socota waa sida uu hadalka u dhigaye Maxaa yeelay Ma Dilla iyo kalabaydhbaa Muuse Biixi u noqday Ceel-Bardaale.
    • Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo markii arintani uu ka waraysanayay Wariyaha BBC-da Axmed Siciid Cige , uu su’aal ka waydiiyay dadka lagu Xasuuqay Dariiqa isku xidha Dilla iyo kalabaydh,  Isla markaana xoolahooda iyo gawaadhidii ay wateenba lagu dhacay : wuxuu ku jawaab celiyay : waa jawaabtii Fulin la’aantii Xukunkii Guurtida Ee uu Madaxwaynuhu Fulin waayay, Waxaan leeyahay Waa kaa Axmed Siilaanyo  Ilaahay uu Colooshiisii Banaanka soo  dhigay,  kuna Faraxsan yahay Xasuuqa dhacay iyo waliba gawaadhi iyo hantida lagu  dhacayba,  Wayna muuqataa in uu arintani mas’uulkaasi qaran qayb ka ahaa, Maxaa yeelay haddii waxa la xukumay.

    a-     Cida ku dacwiyaysaa’i xaq u Yeelan lahayd.

    b-    Loo mari lahaa dariiqii sharciga ahaa ee Garsoorka

    c-       ayna u bislaan lahayd Fulintii sharci.

    Isla markaana cida wax aga xukumay diidi lahayd Ma dad safaraa loo xasuuqi lahaa mise awood dawladeedbaa lagu Fulin lahaa, Jawaabta dhabta ahi waxay tahay  Maya – Maya – jawaabta dhabta ahi waxay tahay in sharciga la daba joogo.

     5-      Ururka Qareenada Ee Solla iyo Hay’adaha Xuquuqal Insaanka.

     Waa mid aan aad iyo aad ula yaabanahay masiibada dhacday inta ay leeg tahay,  guud ahaan nabad galyada iyo isku socodka dalka waxa ay u dhintay oo aan qarsoodi lahayn oo maanta Galbeedka S/Land ay cabsiyi hadhaysay,  Sababta looga hadli waayay gaar ahaana Ururka Qareenada Soomaaliland ee Solla iyo waliba Hay’adaha Xuquuqal insaanku waxa ay uga aamuseen wallow ay afka ku dhufteen hay’addo ka mid ah kuwa xuquuqal insaanku waxaan leeyahay waa mid aan la siinin xaqa iyo difaacista masiibada dhacday ee ay ka gaabiyeen dhamaan cidii ka mas’uulka ahayd, waxaanan ka codsanayaa in arintani la siiyo doorkeeda isla markaana wixii talo sharci ah ay ka bixiyaan ururka qareenadu oo caado awalba ay u ahayd in ay iftiimiyaan marka uu dhaco murug sharci.

     6-    Nabad Galyada Guud.

     Dawladu iyadaa ka mas’uul ah nabad galyada iyadaanu Ilaahay,   kala xisaab tamayaa

    Iyadaana loo doortay  Fulinteeda ee Maxay tahay Fulini Maxayse dawladu Fulisaa

     Waxay ila tahay inta xeerka taqaanaana ilaa maanta ay qarinayaan mas’uuliyadihii la kala lahaa, 18-ka sanadood ee  ay Somaliland soo jirtay sadex madaxwaynaa soo maray waa meelma meesha uu madaxwayne ku fuliyay Xukun cid loo xukumay cidna laga xukumay , Fulintu waa wax sharci ah waxaanan la fuliyaa wax sharci ah , waxaanan sharcigu sheegayaa in la fulin karo xukun kasta oo ka soo baxa Darajooyinka Maxkamada ee kala sareeya,  isla markaana uu dhamaystay xukunaasi amaba u bislaaday waxa la yiraahdo Fulin laakiin anigu maan garan arinta ilaa Masaajidada laga  sii hadlaayay inta aanu dhicin xasuuqani lana lahaa  Madaxwaynahu ha  Fuliyo, iyada oo cida ku dhawaaqaysaaa’I aanay xaqa fulintaba waxba ka garanayn.

     Gunaanad

     Waxaan ku soo gaba – gabaynayaa, maanta wax la Fuliyaa meesha ma yaalo ee waxaa yaala, in la soo qabto cidii xasuuqa u gaysatay (4) qofood ee shuhadda ah lana horkeeno cadaalada taasi oo uu ilaa hada ciidanka Nabad Galyada iyo kan Qarankuba ay ka baaqsadeen soo qabashadooda  maxaa yeelay islaan baa waxay tidhi (Ninka xoogaa lihi kama dhali waayin inantaydee waa hagranayaa) Ciidanka Nabad galyada iyo kan  qarankuba  waa hagaranayaaye hawshooda  ha qabsadeen. Markaasi ayaa laga wada hadli karaa Yaa gar leh Yaa gar daran. Markaasayna umuda dhinac kawada joogsan.

    Qareen C/Naasir Yuusuf Sh Cabdilaahi/ Borama/ Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: