SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maxkamada Gobolka Awdal Oo Maanta Xukun Ku Riday Gabadh Khamri Lagu Qabtay Todobaadkii Hore.

    Posted by Sawnews.tk on July 22, 2009

    27.JPGBorama-(Sawnews)-Waxaa saaka asubaxdii ay maxkamada gobolka Awdal ay xukun lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax ku xukuntay gabadh todabaadkii hore Boolisku ku qabtay iyada oo wadata gaadhi kaligeed ay wadatay iyo 89 dhalo oo khamro ah.

    27.JPG

    Gabadhan oo la yidhaahdo Suleekha Cabdi Cawad ayaan kula sheekaystay maxkamada dhexdeeda Aniga iyo suxufiyiin kale inkasta oo anaan sawir ka qaadin hadalkeedana anaan duubin waxaanay noo sheegtay iyada oo english kaliya uun nagula hadlaysay in aanay u haysan in dhulkan khamarad ama Alchosha sida ay iyadu isticmaalaysay in ay mamnuuc tahay waxaa kale oo ay noo sheegtay in ay caruur leedahay oo u nin Swedish ahi u qabo, waxaanay intaas ku dartay in uu og yahay oo ay u sheegtay, waxaan waydiinay waxa ay ku falaysay khamriga intaas le’eg waxaanay sheegtay in ay iyada iyo saaxiibadeed ay xaflad ugu talo galeen in ay ku cabaan.

    38.JPG

    Ka dib waxa uu garsooraha maxkamada gobolka Awdal Axmed Cabdilaahi Buubaal ( Qaadi ) ku dhawaaqay xukunka ay maxkamdau ku riaday oo ah sadex milyan oo ganaax ah, lixbilood oo xadhig ay dibada joogayso ah iyo khamrada oo lagu daadiyo meel fagaare ah oo ay dadku wada arkayaan.

    45.JPG
    66.JPG

     

    Wariye:-
    Abokor Hasan Affi

    Lughaya

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: