SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Mar hadii nabadii cidhiidhi gashay dawladii an ku faanaynayna maleeshiyo beeleed ka xoog badanyihiin lana gaadhay heer dadka la gawraco in taasina caqabad kale oon wadankiiba loo tegi karayn noqoto…..+ Buraanbur by Isniino Mohamed saad

    Posted by Sawnews.tk on July 22, 2009

    Asalaamu calaykum, Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh.  Waxaan aad iyo aad uga xumahay waxyaabaha lama ilaawaanka ah ee ka dhacay wadankeenii  Somaliland taas oo saamaysay dhamaan dadka ka soo jeeda Somaliland gudaha iyo dibaddaba. Hadaba aniga oo ka mid ah haweenka kasoo jeedda Gaballada Salel iyo Awdal ayaan waxan had iyo jeerba jecelahay inaan war wanaagsan ka maqlo wadankaygii,  maalin walba waxaan furaa shabakadaha Gabaladan u adeega badanka ama laga leeyahay, kuwaa soo inta badan ku mashquulsanaa tartan siyaasaddeed,  balse dumarku ayna xiisayn siyaasadda inta badan. Awal waxaaban ku caajisi jiray siyaasad iyo rag is caydhsanaaya anigoo ka jeclaa inaan maqlo waxaasaa horumar loo sameeyey , barwaaqaa wadakii kadhacday  iyo nabadbaa saaka waa ku baryey,  balse imika wixiiba wax ka daran baa yimiday oo waxaa la sheegayaa dad baa la gawracay! dariiqaa la joogsaday ciidamo anan kuwa dowladda ahayn oo hadana baabuurtii dawladda wataa dadkii laynaaya iyo wax cabsi iyo anfariirle.

    Haweenka Europe  ama Uk jooga ayaa waxay ku hamiyaan sanad walba inay tegaan xagaaga wadankii, in kastooy duruufaha qurbaha awgood u tagi kariwaayaan sanad walba kuna qasabto labadii sano ama sadexdiisanaba mar, halka kuwa America iyo North America Joogina halmar tii tegtaa ayna ku soo dhicin dhawr sano oo soo socda fogaanshaha iyo duruufaha kaleba awgood. Sobobta dumarkani u jecelyihiin inay sanad walba wadankii gaadhaan baa ah iyaga oo ku caajisay ama ku daalay qurbaha dhibtiisa, indhuhuna u baahan yihiin dhulkay ku barbaareen inay kusoo nastaan soona daawadaan amaba qaraabadii siyaartaan. Hadaba malagayaabaa mar hadii nabadii cidhiidhi gashay dawladii an ku faanaynayna maleeshiyo beeleed ka xoog badanyihiin lana gaadhay heer dadka la gawraco in taasina caqabad kale oon wadankiiba loo tegikarayn noqoto.
    Dhibaatadani intay na dhicin waxaan qorshaystay inaan wadankii gaadho si ayna cidiba iigaga waramin, indhahaygana ku soo arko wixii jiraba,  sidaan damacsanaana waa sidan hooskuqoran.

    Bulshooy war is burinaayoo midba mid uu ka badin
    Baaba’a Soomaalid iyo sheeko anan u bogin
    Websiteka ka buuxa iyo caajis baa isbarkaday

    Baladkii nagadheer akhbaar laguma baahi baxo
    Baydkaan furo shabakadaha bilowga sheekadii
    Bilisba kamahelo qoraalkii maxaa uga ba’ay
    Rag uunbaa is baacsanaaya an waligoodna kala baxayn

    Nin walba beeshiisii intuu baayac geelahaa
    Butter na soo mari warkii Jam na baro kudare
    Badhax intay noqotaybuu xiisihii ka ba’ay

    Burdaha waan eegay faalkana badhbaan aqaan
    Hadaan xidigaha bildhaantoodii baadi tegay
    hawada baadh baadhay qiiqbaanan kababaxayn

    Magaalo balaadhan London baaxadeeda wayn
    Warshado baylaaya iyo horowmar waxay bideen
    Baabuurtay la ceeridiyo uumibaa badelay

    Pollutionka gaaladii keentay boynayaan
    Baladka uga guuraay wadankii u baylahsheen
    Indhaha ka badbaadi summerkani baxbaanlahaa

    Intaan la isku bixin diyaaradaha laysku badan
    Badelbaa wakhtigii kadhecee biiriyaayla odhan
    Ticketka booboo mar uun biligdhe baan lahaa

    Balef adoon sheegin adigoon warkaaga bixin
    Boorama kadeg baan lahaa maray habeenbadhtahay
    Boonbaan ka qureeco lahaa bidi dadkoona kicin

    Makaan bada gaadho barkintayda Saylac dhigo
    Baaraashkii Djabuutu baasaboorla’aan kumaro
    Buseel ad iloobin iyo dabaal baan ubax islahaa

    Barina soonoqodka anigoon sina u baqayn
    Dhulka halkii bilicle meeshay barwaaqo taal
    Bankaan soo mar islahaa kabahaba intoon la boxo

    Wakhtigu waa bil qudha dhulkuna wuu balaadhanyehee
    Anoon badhbadhin barqadiiba Sigib ka dhaca
    Baaraysamaroon (borama)habeenaan ku beri lahaa

    Baahida an uqabo dalxiis maalmo kuma bogtee
    Buurtii Sawqaylo baarkeeda sare istaag
    Bustaanada Harowo iyo beerihii Jigjiga
    Beryo ad ku seexatide dhulkaba soo baraan lahaa

    Wararku waa beene runta soo bogaan lahaa
    Boqorka loo doortay beledkiina soosalaan
    Bilaash uma tegine nabadaa badbaadiyoo
    Rayaale u biiri votekaan ubadi lahaa

    Armaanse kabaxay axdigii been armuu noqdaa
    Naftaydaan balamiyey badankeed cadhaysantahay
    Imika iyo bilawna schedule kii armaan bedelay

    Plankaan dhisaayey badankiisu wuxuu ahaa
    Intaanan kabixin dalkeen boringkii kunoqon
    Haweenkaad kabaaday batarkii lasoo ciyaar
    Party yada RAYS HOTEL baan u borotan lahaa

    Waxaase burburiyayee xiisihii badh go’ay
    Bishani madaxeeda sheekada lasoo bandhigay
    Nabadii la biree qarankii xabaal labade
    Waxaa loo badheedhay waligii waxaan ba’ayn

    Badhbuu kasinaaday Africanku kala badhtamin
    Ba’dooy Soomli iyaduna ku badisaytaa
    Wanaaguu ku bukoodo xumohooy barbaariyaan
    Bilado ay iskugutolaan bilaawahay shacbiga marshaan.

    By Isniino Mohamed saad

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: