SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Guddoomiyaha Ergada Daminta Xiisadda Falkii Jidgooyada Ee Afarta Nin Lagu Dilay Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Halka Wax U Marayaan

    Posted by Sawnews.tk on July 22, 2009

    News-and-EventsGabiley-(Sawnews)-Guddoomiyaha ergada madax-dhaqameedka iyo culimada isu xilqaamay daminta shaqaaqada ka soo cusboonaatay deegaanka Ceelberdaale Sheekh Maxamed Cali Geeddi, ayaa markii u horreysay saxaafadda uga warramay halka ergo ahaan ay u marayso hawsha dhexdhexaadinta ee ay muddooyinkii u dambeeyey ka dhex wadeen beelaha reer Gabiley iyo Boorama.

    Sheekh Maxamed Cali Geedi oo magaalada Arabsiyo ugu warramay shalay weriyayaal ka tirsan Jamhuuriya, Telefishanka HCTV iyo idaacadda Radio Horyaal, waxa uu sheegay in wax badani uga qabsoomeen hawlihii dhexdhexaadinta lagu soo afjaray xiisadda ka dhalatay falkii jidgooyada ahaa ee afartii nin ee reer Boorama lagu dilay, isaga oo xusay in waxa ugu wayn ee ilaa hadda ku guulasteen ay ugu horreyso xabbad-joojin ay labada dhinac kala dhexdhigeen iyo in gaadiidkii jidgooyadaas lagu dhacay la soo celiyo.

    Guddoomiyaha ergada dhexdhexaadinta oo arrimahaas ka hadlayey waxa uu yidhi; “Waxaannu ku guulaysanay in aannu marka hore labada dhinac xabbad joojin kala dhex dhigno, taasna waannu ku guulaysanay oo intii aannu hawshan ku jirnay waxba ma dhicin. Ta labaad, falkii xumaa runtii xagga Gabiley ayuu ka dhacay, wixii laga doonayeyna hawlihii intii badnaa way qabteen, gawaadhidii la dhacay shalayba [Sabtidii] way soo wareejiyeen, annaguna waxaannu ku wareejinay ciidammada.

    “Ta kale hantidii iyo lacagtii dadkii dhintay qaraabadoodii sheegteen ayaannu kala hadalnay reer Gabiley, wayna aqbaleen oo waxay yidhaahdeen wixii nagu cadaada waannu bixinaynaa oo oggol baannu nahay.

    Tan soo qabashada raggii falka gaystayna way ku jireen ajandaha oo ooddo dhacmeed siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraa.”

    Sh. Maxamed Cali Geeddi oo la waydiiyey waxa ka jira warar sheegaya in guddigan ay ku lug leedahay xukuumaddu, waxa uu yidhi; “Waxa wanaagsan in horta sida wax u bilaabmeen aad la socotaan, waxaannu ka koobannahay oo isugu nimi culimo, waxaanuna is-nidhi dhibaatada dhacday waa in aynu wax ka qabanno, annaga dawladdii tilifoon noomay soo dirin oo namay amrin, laakiin iimaankayaga ayaa nagu kellifay in aannu dhibaatada Ceelbardaale wax ka qabano, markaasaanu is-abaabulnay oo dadkii kalena u yeedhay, sida salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradkaba, markaa yaan nalagu tuhmin in aannu dhinac u xaglinayno oo dawladdani namay soo dirin, mucaaradna namay soo dirin ee annagaa Illaahay dartii isu xilsaarnay in dhibaatada wax ka qabano, ragga ergada ku jiraana maaha rag dawladda ku jira amma asxaabta ku jira, runtiina arrintani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid nabadeed oo dhaqan waxyaabahaas oo dhanna way ka baxsan tahay.”

    Waxa kale oo guddoomiyaha la waydiiyey waxa ka jira eedaymo iyo dhaliilo ay ehelada iyo beelaha afartii nin ee jidgooyada lagu dilay u soo jeediyeen ergada, iyagoo ku eedeeyey in muddadii ay Boorama ku sugnaayeen aanay la kulmin waxa uu ku jawaabay; “Inta aannu ognahay reer Awdal dadkii madaxda u ahaa, culimada u ahaa, salaadiinta u ahaa ee miisaanka lahaa waannu iswada aragnay oo wadahadalnay oo wada fadhiisanay, wixii aannu ula tagnayna way naga qaateen, laakiin waxa laga yaabaa ummad walba waxa kollayba ku jira dad arrintaa la wado ee nabadaynta ah mucaarad ku ah, waxaanna laga yaabaa dadkaas inay qolooyinkaa yihiin, balse annagu waxaannu ogsoonahay reer Awdal si fiican bay noo soo dhaweeyeen, tacsidii iyo nabadayntii aannu ula tagnayna way naga qaateen.”

    Mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd; “Dhibaatada degaanka lagu muransan yahay ee Ceelbardaale muddo dheer ayey soo taxnayd, ergooyin badan baa sidii loo soo afjari lahaa galay Guurti ayaa go’aamo ka soo saartay dhibaatadiina ilaa hadda way taagan tahay, markaa ergadiinan hadda faraha ku haysaa ka garnaqidda muranka Ceelbardaale ma bar bilow ayaad ka soo qaadaysaan mise waxaad ku kooban tihiin daminta xiisadda ka dhaltay afaratii nin ee jidgooyada lagu dilay?” Waxa uu yidhi; “Horta ergadan waxa soo kiciyey falka dambe ee dhacay oo runtii ahaa fal aad u xun oo dhib iyo khasaare aad u weyn geysan kara. Markaa oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala qaadaa, annagu dawlad ma nihin, balse waxaannu nahay dad culimo iyo salaadiin ah, laakiin ujeeddadayada u horreysaa waxay tahay in arrinta gacanta lagu qabto oo xabbad-joojin iyo nabadgelyo la helo.

    Ta labaad waxaannu u soconaa in arrinta iyo khilaafka jira si salmi ah lagu dhammeeyo oo xal lagu gaadho, ta u dambeysana lama gaadhi karo haddaan iminka dhacday oo wax laga qabto si nabadgelyo ahna lagu dhammeeyo.”

    Ugu dambeyntii waxa Sheekh Maxamed Cali Geeddi waxa uu guu dahaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan shacabka degaanka muranku in ay ilaaliyaan nabadgelyada oo ah shayga qudha ee beesha caalamku ku majeerato Somaliland, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo wax u dhimaya.

    Waxa kale oo ergada Sheekh Maxamed Cali Geeddi hoggaaminayey shalay hudheelka Dalxiis ee magaalada Arabsiyo kulan kula yeesheen salaadiinta iyo madax-dhaqameedyada reer Gabiley, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyey falkii jidgooyada ahaa ee afarta nin lagu dilay

     

    Jamhuuriya Online 

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: