SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wafti Culus oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye oo Booqday Boosaaso, Puntland.

    Posted by Sawnews.tk on July 21, 2009

    News-and-EventsWefdi balaadhan oo ka tirsan xibiga mucaaradka ee KULMIYE, ayaa maalmahan-ba ku sugnaa magaalada dekeda ah ee Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland. Ma cadda ujeeddada dhabta ah ee safarkan, haseyeeshee, sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Boosaaso xubnaha wefdiga oo uu hoggaaminayo gacsadaha sida aadka ah ugu ololeeya xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Shugri, ayaa la sheegay in booqashada safarkiisu la xidhiidho olole dhaqaale loogu raadinayo xisbiga KULMIYE doorashooyinka soo socda.

    Waxa kale, ilahaasi tibaaxeen in booqashada wefdigaasu ka dhalatay codsi uga yimi dhinaca Guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka xisbiga KULMIKYEee GOBOLADA Bari Md. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaana wararku intaa ku darayaan in wefdigu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo noqon doonaan dhinaca Somaliland, gaar ahan magaalada Hargeysa .

    Maxamed Shugri, ayaa ka mid ah xubnaha ugu fir fircoon ee ka tirsan golaha dhexe iyo ka fulinta ee xisbiga Kulmiye, sidoo kale waxa uu ka mid yahay gudi dhawaan xisbigu u saaray in ay ururiyaan dhaqaale lagu galo doorashada fooda inagu soo haysa, taasi oo ay wararku xaqiijinayaan in uu socdaalkani uu hada Boosaaso ku joogaa uu ka midyahay mid arimahaasi la xidhiidha.

    Waxa Maxamed Shugri uu u mari doonaa meelo badan oo xisbiga Kulmiye u qorshaysan, oo la filaayo in uu dhaqaale ka heli doono xisbiga Kulmiye.

    Xisbiga kulmiye, ayaa geed dheer iyo mid gaabanba isugu taagay xiligani sidii uu dhaqaale uga heli lahaa doorshada soo socota ee madaxweynaha, iyaga oo isku dayi doona  cid kasta oo ay ka helayaan dhaqaale, kuwaasi oo ay ku jiraan cadawga shicibka Somaliland, sida ay hada wadaanba, waftigan Maxamed Shugri ayaa dhuumasho dalka kaga baxay, iyada oo uu isagu ku macneeyay socdaalkiisa mid ganacsi, hase ahaatee xaqiiqda ka fog.

    Saalim Xasan – Boosaaso, Somalia

    Email: saalimxasan@hotmail.co.uk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: