SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Waddo Laami ah oo Isku Xidhi Doonta Somaliland iyo Jabouti oo Dhismaheeda la Bilaabay

    Posted by Sawnews.tk on July 21, 2009

    roadSaylac (Sawnews/Bnn) Waddo Cusub oo Laami ah oo isku xidhi doonta Somaliland iyo Jabouti ayaa dhismaheeda laga Bilaaba Degmada Saylac iyadoo isku xidhi doonta ilaa Jabouti.

    Wadadan cusub oo laami ah oo 50 km dherkeedu yahay ayaa laga hirgelinayaa deegaanka u dhaxeeya Saylac,Lawyacaddo ilaa Caasha-caddo, oo ay ku baxayso $1 Million(hal milyan oo doolar), taasi oo halbowle u ah isku gudubka dalalka Somaliland iyo Jabuuti, . Sida TV-ga Qaranku Xalay ku waramayey 
    Guddoomiyaha Gobolka Salal  Mr. Cawaale Ismaaciil Xasan, waxa waddan oo dhismaheedu uu bilaabay gacan ka geysatay dawlada Hoose Degmada Saylac, oo bixisay 10 kun oo doolar, waxa kale oo  ka qaybgalay isla taageero dhaqaale ka geystay Hotel Maansoor ee Hargeysa, Shirkada Telsom iyo Ganacsade Muuse Caamir.

    Guddoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in xukuumada Jamhuuriyada Jabuuti ay keentay cagafyada shaywalada, kuwa dhagaxa jabiya iyo iska ragooyinka, taasi oo uu uga mahad celiyay.

    Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Saylac Maxamed Cumar Cawad, oo guddoomiye u ah Guddi shan xubnood ah oo maamulaya dhismaha wadadan laamiga ah ee cusub, ayaa wasaarada hawlaha guud ugu baaqay inay gacan ka gaysato hawlaha dhismaha wadadan oo xudun u ah isku socodka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

    Maayarka Saylac, wuxuu tilmaamay in dhismaha jidkani uu socon doono muddo siddeed bilood ah, waxaanu ganacsatada Somaliland, qurba jooga ugu baaqay inay dhankooda ka caawiyaan

    Waa Markii ugu horeysay ee La dhiso Wado Laami ah oo isku Xidhaysa Jabouti iyo Somaliland oo Ganacsi xoogani ka dhaxeeyo iyo xidhiidh Walaltinimo, waxana la filayaa in wadadani wax weyn ka badalo Xidhiidhka Labada Dal iyo Isku Socodka.

     

    BNN

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: