SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Siyaasiyiinta iyo Saxaafada Hargaysa oo Indhaha Ka Xidhay Xalka Dhibta Ka Taagan Galbeedka Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on July 21, 2009

    justice1 Boorama (Sawnews/Harowo) – Ku dhawaad laba todobaad mashaqadii ka dhacay jidka Gabilay iyo Dila, waxay noqotay mid hadal haynteeda iyo warkeedu ku baahay daafaha dunida, iyada oo cid walba wixii dhacay ka warqabto. Waxa kale oo intaas dheer dadaalo nabadeed oo ay wadaan ergooyin iskugu jira Madax-dhaqmeed iyo Wadaado ka soo jeeda dhamaan beelaha Somaliland, lamana garan karo sida ay u damin karaan waxgardkaasi dhinbiisha holacu ka baxayo ee lagu soo dhex tuuray dadka walaaha ah, taasi oo hurin karta colaad aan mudo damin oo jiil ka jiil gaadha. Hadaba, waxaa muhiimadeeda leh in aan fiirino sida ay uga hadleen siyaasiyiinta iyo saxaafada Hargaysa dhacdadaas foosha xun ee ugubka ku noqotay dadka Somaliland.

    Inkasta oo aaanay fiiro gaara siin saxaafadu hadana way qoreen wixii dhacay wax ka mida, waxaanad moodaa in ayna ahmiyad weyn siin sidii ay u siiyeen dhacdooyinkii kale ee ka dhacay Somaliland. Waxa aad u yar qaylo dhaanta iyo gurmadka la rabay inay ku baaqaan, isla markaana kama hadal halista ay ku keeni karto degenaanshaha iyo wadajirka Somaliland iyo raadka ay ku yeelan karto doorashada soo socota, taasina waa ay saxaafadda Hargeysa ku fashilantay, isla markaana lidi ku ah horumarka saxaafadda Somaliland.

    Waxa jirta in marmar TVga Qaranka laga sii daynayo baaqyo nabadeed, kuwaas oo inta badan lagu sheego “nabada hala adkeeyo iwm”. Dhinaca Wergaysyada ayaa iyagu indhaha ka xidhay inay Faalooyin ka qoraan sidii loo heli lahaa dambiilayaashii falkaa foosha xunle geystay iyo weliba in xal laga gaadho arinta gabaadka looga dhiganayo dhacdadan ee beelaha ku diriray xuduuda Gabilay iyo Baki.

    Arimahaas bedelkooda waxay ka dhigeen wargaysyada Hargaysa inay buunbuuniyaan Go’aanadii laga biyo diiday hala fuliyo, taas oo looga arkay dhanka G/Awdal saxaafad beelaysan oo u hadlaysa hal dhinac oo keli ah. Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa waxay iska indho tireen sheegista mawqifka go’aanka ay qabaan dhinaca Reer Baki, kuwaas oo iska daadifeeyey inay aqbalaan go’aan lagu degdegay, isla markaan baalmarsan awooda gudida wax dhexdhexaadinaysay.

    Saxaafada hargeysa waxay meesha ka saartay in la heli karo xal kale oo nabad dhalin kara, kuna salaysan cadaaladda hadii midkii hore la isku mari waayay, waxayna cod baahiye cod-dheer ah u noqotay dhinaca keli ah, iyaga oo aad moodo in ay qiil u raadinayaan fal-dambiyeedka ka dhacay jidka. Halkaasna waxa ka cad in ay ka maqan tahay doorkii dhexdhexaadnimo ee saxaafadu lahayd iyo isku soo jiidista beelaha deriska ah.

    Afkaarta fiican ee la kala aaminsan yahay oo saxaafadu soo bandhigtaa waxay soo dhaweynaysaa xal u helida mushkilada taagan.

    Dhanka kale Siyaasiyiinta magaca leh ee qaarkood hogaanka ka yihiin golayaasha Qaranka, xubno baarlamaan Qaran ka mid ah iyo Axsaabta siyaasada ayaan qarsan sida ay isku barbar dhigayaan soo qabashada dambiilayaasha iyo fulinta go’aanka lagu Kala baydhsan yahay. Weedhaha ay siyaasiyiintu isku barbardhigayaan labadaas qodob, waa mid tusaale cad u ah koolkoolinta masiibada taagan, isla markaan meesha ka saaraysa xal waara oo laga gaadho arimaha jira, dhanka kalana noqon karta safasho cad oo ay ka maqan tahay dhexdhexaadnimadii masuulnimo. Aragtida dadka qaarkii ayaa aaminsan in ayna siyaasiyiintaasi ku fiirin xaalada Jidaas ka jirta Muraayad Qaran, balse ay u xidheen mid beelaysan, iyaga oo aan u danaynayn dadka dhibaatadu kala dhextaal ee shacabka ah.

    Siyaasigu waa ninka ugu lexejeclada badan Dalka iyo dadkiisa, sidii aan uga baranay marxuumkii M/weyne Cigaal ee soo afjaray colaadihii beelaha Somaliland soo kala gaadhay, ee horseedka ka ahaa geedi socodka dimuqraadiyada tubteeda aan hore ugu soconay.

    Dhinaca kale siyaasiyiinta dawlada kaga jira G/Awdal, ayaa doorkii ay ku lahaayeen xiisada taagan ka maqan yahay, isla markaana aan la garanayn ujeedadeeda, waxayna shacabku maanta isweydiinayaan: Miyay hurdaan oo waxa dhacay ayayna ogaynba? Ma waxay taageersan yihiin dhalinyarada cadhaysan ee calankii Soomaalida qaadatay? Maxay tahay Siyaasada kaga aadan mashaqadan dhacday? Waxa looga fadhiyaa jawaabaha su’aalahaas.

    Si kastaba ha ahaatee lama odhan karo indhaha ayaa laga laabanayaa xaalada maanta dalku marayo, waayo waa wakhti la rabay in la galo tartan kursi oo ay dalka hadheeyeen ololihii doorashada Madaxtooyadu. Waxaana loo baahan yahay sidii “xeegana xeego ku noqon lahayd ilakana ku nabadgeli lahaayeen”. Taas macnaheedu waa sidii waa sidii nabadana loo adkayn lahaa, durbaanka doorashaduna u hirgeli lahaa.

    Ugu dambayna waxaa loo baahan yahay in cid walba doorkii ay lahayd ka qaadato xaalada taagan, talaabadana loo qaado si wadajir ah, dhanka suluxana laga horaysiiyaa wax walba. Hadaba marka la eego guuxa ka baxaya shacabka reer Awdal ilaa wakhtigii ay dhacdadani dhacday iyo go’aankii hore ee dhanka Dilla laga biyo diiday iyo cabashooyinkoodii dhegaha laga furaystay, waxaa la odhan kara saxaafada iyo siyaasiyiintu waxay indhaha ka laabteen xaalada ka taagan galbeedka Somaliland xalkeeda…!

    Hashim Goth

     Boorama, Somaliland

    Email: hashimgoth@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: