SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Diidmada Shuruudaha Deeqbixiyayaasha Ee Dhinaca Doorashooyinku Ma Tahay Diidmada Ictiraafka Somaliland?

    Posted by Sawnews.tk on July 21, 2009

    wariye-hyane.jpgBorama-(Lug)-Somaliland ayaa sannadka 2009 u yahay mid ka mid ah sannadihii ugu xumaa ee soo mara tan iyo markii ay  reer Somaliland iska xoreeyeen  dalkii hore loo odhan jiray Soomaaliya. Sidoo kale ayaa sannadkan 2009 yahay  sannadkii ugu rajada xumaa  jiritaanka Somaliland.

    Tan iy Bilowgii 2009 oo ku eg dhammaadka wakhtiga xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa lagu ducaysanayey inuu sannadkani noqdo mid reer Somaliland ku gaadhaan bashbash iyo  barwaaqo iyo ictiraaf caalamka laga helo balse 2009 isku beddelay  sannad wax kastoo   Somaliland  ahaydba  lagu illoobay  waxyaalaha haatan ka taagan dhinaca doorashooyinka iyo siyaasadda iyo amniga Guudba.

    Cid kasta oo dalkan ku nool ayaa waxa kale oo ay ogyihiin abaarta naafaysay dadka tyo duunyada, tahriibta sii badatay, shaqo la’aanta iyo hoos u dhaca dhinaca nolosha dadweynaha, waxase waxaasoo dhan kasii daran heerka maanta ay marayaan arrimaha nabadgelyada  ee ka dhashay Ceelberdaale ,jidgooyada lagu laayey dad rakaab ah  oo aan waxba galabsan, muddo kordhintii, khilaafkii guurtida, khilaafka axsaaabta siyaasadda, muranka komishanka doorashooyinka iyo khilaafka deeqbxiyayaasha haatan taagan ee u dhexeeya deeqbixixiyaasha  iyo dawladda Somaliland kuna saaabsan  sidii ay udhici lahaayeen doorashooyinka dib u dhacay ee madaxtooyada Somaliland.

    Ninkastoo neceb ama jecel Somalilandba waa uu arkayaa mustaqbalka madow ee kusoo foolleh haddii an arrimaha taagan waxba laga qaban, shicib iyo dawlad iyo axsaabna aan talomideysan laga gaadhin xaaladda taagan ee dalka haysata , maalin kale ayaa laga sheekaysan doonaa natiijooyinka kasoo baxa.

    Soomaalida ayaa tidha Ninka Aan Garan Waxa Taagan, Waxa Soo Socda , taasoo macnaheedu noqon karo in Somaliland  gasho marxalad  ka duwan tii nabadda iyo barwaaqada lahayd ee ay kusoo noolaayeen 18 sano oo dalkani xor ahaa.

    Waxa maanta ugu daran laba arrimood oo midkood yahay dhaawaca ka dhashay midnimada beelaha Somaliland ee ka dhalatay jidgooyadii dadka lagu laayey isla markaana aan weli ku jirin gacanta dawladda iyo arrinta labaad oo ah khilaafka deeqbixiyayaasha iyo xisbiga UDUB  ku diideen in la eryo xubno ka tirsan komishanka doorashooyinka  oo ay deeqbixixiyaaashu ku haystaan musuqmaasuq  iyo arrimo kale. 

    Haddaba markaad u dhabo gasho deeqbixiyayaasha hadalhayntoodu ku badatay dawladda iyo warbaahinta ayaa laga yaabaa in dad badani u haystaan inay yihiin gaalo dhulka iska joogjoogta oo mucaawino siisa dawladda, qaarna waxay u haystaan basaasiin dalka  joogta halka kuwa kale fahamsan yihiin inay yihiin safaaradaha caalamka ka jooga Somaliland, kuwaasoo  masuul ka ah ama fure u ah ictiraafka Somaliland iyo mucaawinada  dawladdu ka haqab beeshay.

    Deeqbixiyaasha oo inta badan ka kooban dalalka hore uga maray dhinaca dhaqaalaha iyo farsamada ayaa inta ilaahay ka sokaysa     dawladaha maanta ka jira adduunweynaha  u yeedhiya shuruucda  dimuqraadiyadda, xuquuqda bani aadaamka, cilmiga iyo teknoolijiyada iyo arrimaha siyaasadda, arrimahaasoo ay u samaysteen nidaam khaas ah oo ay ku maamulaan dalalka kale, inta badanna tooda in la raaco mooyee  cid kastoo ka hor timaaddaa   ay la kulmaan qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid shaqaaleba, sidaa darteed ayaa diidmadoodu dal aan la aqoonsanayn ka dhigi kartaa dal aan jirin .

    Maanta dawladda Somaliland waxay ku socotaa dhaqaalaha ay bixiyaan EU-da, UNDP, WFP, UNICEF, USAID, iyo ururada samafalka caalamiga ah ee  iyaga la shaqeeya kuwaasoo dalalka dunida saboolka ah ka caawiya dhinacyada nolosha , waxbarashada iyo caafimaadkaba marka lagu daro gurmadka dhinaca cunto yaraanta.

    Somaliland  ayaa sidooa kale la ogyahay in cashuurta yar ee kasoo baxda dekedda Berbera aanay dabooli Karin baahida dalka taalla, isla markaana dalka ka caawisay doorashooyinkii dhinaca dimuqraadiyadda ee Somaliland soo martay saddexda jeer, balse maanta ka duwan sidii hore lagana shaki qabo inay dalkan dooashooyinba ka dhici waayaan.

    Deeqbixixyaasha  iyo xukuumadda Somaliland ayaa haatan isla maraya meel aad u xun, xidhiidhkooduna hoos usii dhacayey tan iyo markii lagu dhaqaaqay diiwaangelinta  codbixixyaasha Somaliland, Waxayna deeqbixixyayaashu bixiyeen talooyin iyo maaliyad malaayin doolar gaadhaysa oo reer Somaliland shaqooyin badan ka heleen mashaariicda Interpeace wakiilka uga tahay caalamka intiisa kale, Waxay deeqbixixyaashu  dhawr jeer soo jeediyeen in wax laga qabto komishanka qaranka ee la ogyahay masuuliyadda ka saran dalka iyo ilaalinta doorashooyinka.

    Komishanka Somaliland u qaabilsan doorashooyinka oo tan  iyo markii diiwaangelinta ay madmadow badani soo kala dhexgalay  interpeace ayaa haatan maalinba maalinta ka dambaysa wakhtiga doorashooyinku soo dhawaanaya isku haya tallabadaasi, iyadoo xukuumadda iyo xisbiga udubna markasta ka hor imanayaan qorshaha interpeace ee doorashooyinka, waxana haatan la marayaa in afar xubnood oo komishankaasi ka mid ah oo ay soo jeediyeen dawladdu iska diidday, Waxa ku xigaa muxuu noqon karaa? Waa doorashooyin dhici maayaan, ictiraafna jiri maayo haddii doorasho dhici weydo yaa ka masuul noqon doona  waxa ka yimaadda arrimahaas? Siyaasiyiinta iyo shacbiga ayaa jawaabteeda leh.

     

    Wariye:-
    Maxamed Cumar Sh.(Hyane)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: