SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Beesha Dhaxe Isha ay Ku Arkeen Calanka caruurtu Sidatay Maxay Ugu Arki Waayeen Hanadada Iyo Aqoonyahanka Reer Awdal Ee La Gawracay ?

    Posted by Sawnews.tk on July 21, 2009

    ist2_6212280-orange-man-and-the-big-questionKuwa wali hiin raagaaya , harsi iyo hooyaad diiday , hubka iyo warmaha haysta , ee balada heeryaysan , hagartana isula jooga , hoygooda duminaaya , ubadkana hadhka u diiday Hooyooyinkood qadiyay , dariskuna habaaraayo , halka godon is wada taabtay , nolashooda ka horjeeda , misana hiilka doonaaya , arigtada halkaa taala mid been ku hana qaaday , hungo inay tahaan sheegi.
     
    Dhiigii  iyo xinjirihii nadiifta ahaayee ka daatay shacabka aan waxba galabsan , illinta hooyada ooynaysa ee wiilkeedii iyo rageediiba iyagoo safara la Gawracay , ee hadana dhegta dhiiga loo daray si xuna loo  warey meydkoodii. Wixii hanti ay wateena la boobay iyadoo magac qabiil la huwanyahay laguna ugaadhsanayay magac qabiil . Waxa waajib ah in  cadawga raga laayay iyo kuwa hoos cararaayaba maxkamad sharciya la hor keeno laguna fuliyo  shareecada Islaamka .

    Sida hada xaaladu tahay wali beesha dhexe lagama hayo ficil daacad nimo ka muuqato oo ay ka galeen falkan naxdinta badan ee lagu Gawracay Hanadadii iyo aqoonyahankii Reer Awdal marka laga tago qiiro iyo guhaad aan dhab loo arkayn oo waliba si hayb sooc u aloosan sida dab hoos ka nool oo kale.

    Marka aad milicsato inta badan Websiteda laga leeyahay Hargaysa iyo burco ayaa waxa aad ku arkaysaa qoraal, o dubkaaga iyo damiirkaaguba diidayaan , waxa aad   dareemaysaa sida ay dhagaha uga furaysteen dilkii foosha xumaa ee ka dhacay inta u dhaxaysa Gebiley iyo Dilla , taasi badelkeeda waxa ay ka dhigeen inay buun buuniyaan oo ay sida qadiifadaha guryaha lagu qurxiyo ugu xardhaan website dadooda , afar caruura oo boorama calan ku qaadatay  kuna canaantaan reer Awdal iyagoo mayd u yaalo ” Cakuye Ha samayn lahaydaa !!! Maxaa qiil ay ciirsadaan u noqon doona saxaafada  beeshe dhexe  , Cudur daar sidee oo kala ah ay sharaftoodan madoobaatay ku cadayn doonaan .”

            Caku iyo Nin Hooseeya , Hanka Gaaban hadaf kiisa , Xaq Waxaad Ku Hanan Wayday , Sharci Waxaad Ku Heli Wayday , Samo Waxaad Ku Hagi Wayday , Been Kuma Hawadinaysid , Boob Kuma Hirgalaynaysid , Hayb Qabiil Ku Heli Maysid .
     
     
     Waxaa kaloon la yaabay  Masuuliyiinta xisbig kulmiye sobabta ay u yaraysteen Falkan fooshu xun iyagoo arinkaasi markay ka hadlayeen yidhi ” Waxaan ka xunanahay dhibta meeshaasi ka dhacday ee labada dhinac soo kala gaadhay ” Waa anfariir iyo yaabe !!!! Ma dhib laba dhinac soo kala gaadhaa jirtay mise safar meel socday oo xaq daro lagu laayay ayuu ahaa arinku ?
     
    Waxaa la yidhi waagii dawladii kacaanka ahayd horteed ayaa waxaa arbaca turub ku ciyaaray suuqii ceelgaabta ee magaalada muqdisho afar nin oo uu ku jiro nin u sharaxnaa baarlamaankii cusbaa  ee markaas  la dooranayey magaciisana la yidhaahdo jinni boqor  afarta nin laboba waa isku jaal  markaasaa waa meel illaahay wax ka wadaaye ninkii jinni boqor ee musharaxa ahaa  ayaa Raani turub xaday intii ciyaartu socotay labadii nin ee ka soo hor jeeday ayaa odaygii tuugadii ku qabtay  dabadeedna mid ayaa yidhi ” Ma ninkaan raani turub ku aamini waayey ee xaday ayaan  baarlamaan dhan ku aaminaa ” !! Hadaba waa su aale ma nimankaa dilkaa iyo gawracaa ka dhacay Inta u dhaxaysa Dilla iyo Gabiley  qariyay ee Islaanimo wadani nimo walaaltinimo u damaqan waayaybaan kursi iy hogaan ku aaminaynaa ? Jawaabtu Waa Maya oo Maya .
     
       “Kulmiyahan hidin waayay ereygiisa huri waayay , hal qabsiga ka dhigan waayay, hal adayg u dhihi waayay, himilada ku sixi waayay , midnimada horseedkeeda , hiilka uga dhigi waayay , misana raba hal garadnimada , aragtida halkaa taalaa , inay tahay mid hoosaysa oo been ku hana qaaday , hungo inay tahaan sheegi. “
     

    Xaga xukuumada markaan usoo laabano Waxa shaki aan ku jirin in xukuumadu ay dhayl satay arinkan  , wali lama hayo talaabo meel mara oo ay ciidanka abnigu ka qaadeen isla falkan , marka laga tago mudaharaad Boorama ka dhacay oo wiil yar  oon waxba galabsan lagu dilay . Hadaan meesha wax ku jirin maxaa marada cad loo saaray nimankii qacan ku dhiiglayaashii oo loo soo qaban waayay , Waa kuwa jaan dheerta ku tumanaaya  duleedka meeshii ay wax ku dileene ” Wax aan aqbali karno maaha ama  caqliga gali kara ciidanka qaranka Somaliland ayaa awoodi waayay inay soo qaban kari waayaan budhcad aan ka banayn 30 qof “.

     Waxaanu ogsoonahay in marka gaal cad la dilo jawaabta iyo fal cilinta ay qaado xukuumadu iyo sida   looga wada daroomo dalka gudihiisa sidoo kalana waxay markaaba bilaabaan soo qabashada dambiilayaasha ka danbeeyay falkaasi iyagoo u adeegsanayaa xeeladkasta iyo awood kasta oo ay ku soo qaban karaan  , hadaba maxay tahay sobobta ay dhagay jalaq usiin laadahay ama ay uga aamustay muwaadiniinta xaq darada lagu Gawracay iyagoo safara ? Jawaabtu miyayna noqanayn dhiiga Gaal ka cad ayaa ka  qaalisan kan muwaadinka ah.

      “Hurgumada baksoon wayday , daawada la heli waayay , dhulkayga hadhiinoobey , aqoon yahanka hagi waayay , ee hoos u dhugan waayay , sida haadka duulaaya , siyaasiga hungiri qaaday  , hadba dhan u hayaan raaca , anagoo halkaa taagan , midka tiisa ka hor mariyay misana raba horyaalnimada , taariikh u hana qaada , arigtida halkaa taala inay tahay mid hoosaysa oo been ku hana qaaday , hungo inay tahaan sheegi . “

      Waxa kaloo iyadna is waydiin mudan waa maxay  sobobta Odayaasha Hargaysa ka yimid ay iskaga soo horaysiiyeen lacagta ay ugu yeedheen tacsida  Ma gabadh baa la bixinayaa mise meesha caroosbaa ka jira ?  Waa maxay sobobta keentay sheekaad iyagoo ragii falka gaystay ay wali ku raaxaysanayeen goobtii Raga ay ku gawaraceen iyagoo ku labisan Funaanado holof ah iyo saraawiil daba gaab ah  ? Waxase taariikhdu ay xusi doontaa hadii la soo cadeeyo in ay Salaadiinta Reer Awdal ka gudoomeen lacagtaasi  . Waxaan xasuustay sheeko dhacday septemper 11  “Waqtigii la duqeeyay labadaa daarood ayaa waxa dhacday in ay qaadhaan lacaga isku qoraan ama ay bixiyaan qaar ka mida maal qabaneeda aduunka , Ragaasi waxa a mid ahaa nin ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudi Arabia oo isna ku deeqay lacag fara badan nasiib darase markiiba lacagtiisii loo soo ceshay iyadoo loo sobabeeyay in dadka falka gaystayba ay yihiin carab ama Islaam sidaaa ahaana looga baahnayn wax lacaga “. Markaa dunida dal gaal iyo ku muslinba laguma hayo in  lacag iyo sheekooyin kale la furo wali ragii wax laayay oo aan la soo qaban , maxkamadna la hor keenin

          “Kuwa Yidhi Hab Dhaqameed Ka Anagaa Hormuud ka ah , Shacabkooda Hanan Waayay , Hubka Dhiga Ku Odhan Waayay , Runta soo Hor Dhigi Waayay , Hadimada Ka Qaban Waayay , Misane Raba Hab Maamuuska , Aragtida Halkaa Taala Inay Tahay Mid Hoosaysa Oo Been Ku Hana Qaaday , Hungo Inay Tahaan Sheegi. ” 

      Ugu danbayntii Waxaan ku soo xidhayaa maqaalkaygan Hadii aan la soo qaban dhiig miiratadii falkaasi gaysatay ” Xasuuqii Shacabkayga Xisaab Baa Ka Danbayn. ”

    Cabdilaahi Xaaji Saciid

     
      cubeesh@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: