SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • “Reer Gabilay waxba yaanay ergada meer- meerin’e ha soo dhiibaan ragga jariimada galay ee qaadicul dariiqa ah”.

    Posted by Sawnews.tk on July 21, 2009

    “M/Weyne Rayaale lixdii sanadood ee uu xilka hayay wuu ka nasiib badan yahay labadii Madaxweyne ee isku reerka ahaa ee ka horreeyay” Wareysi : Suldaan Maxamed C/Laahi Xuseen Galaal

    galaal1_thumbnailHargeysa (Sawnews) – Suldaan Maxamed C/laahi Xuseen (Galaal), ayaa shaaca ka qaaday in nabadgelyada Somaliland ay halis geli karto haddii aan gacanta lagu soo dhigin oo aan sharciga la horkeenin kooxdii dablayda ahayd ee afar nin oo safar ahaa ku dilay jidka u dhaxeeya degmooyinka Kala-baydh iyo dilka.

    Suldaan Maxamed C/laahi Galaal, wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu caawa siiyay weriyaha Shabakada Ramaas News ee Somaliland Cumar Maxamed Faarax, waxaanu kaga xog waramay habkii loo waajahay hubka dhigistii maleeshiyo beeleedyadii dagaalkii sokeeye ka dib.

    Suldaanku wuxuu mar kale muddo toban cisho gudahood ah si adag uga hadlay wax uu ku tilmaamay saamaynta xun ee ay nabadgelyada dalka ku yeelan karto haddii aan sharciga la horkeenin dadkii dilkaasi fuliyay, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland lixdii sanadood ee uu xilka hayay wadanku nabadgelyo ayuu ahaa labadii madaxweyne ee isku reerka ahaa ee ka horreeyay wuu ka nasiib badnaa oo waxba may dhicin, maanta arrintan foosha xun, mar labaad ayaan saxaafada ku soo noqday toban cisho horteed ayaan idin la hadlay, waxaan ahay suldaankii nabadgelyada Somaliland dhaliyay ayaan ahay ee dagaalkii sokeeye soo afjaray, waxaan u arkaa in nabad gelyadii dalka ee aanu dhisnay ay halis ku timid, daydaygii waanu soo xaraynay, inamada wadada istaagay ee daydayga ah ee fuliyay falkan foosha xun leh ee laga dambeeyo, ee la doonayay in intaas ka badan ay reer Booramena sadqeeyaan oo la kala yaaco, halis baynu galay laakiin reer Boorame Sharaf iyo magac ayay sameeyeen way is adkeeyeen.”

    Suldaan Galaal,wuxuu si gaar ah fariin culus u diray Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan iyo taliyaha ciidanka Qaranka oo labaduba ka soo jeeda beesha dablaydan dilka fulisay, waxaanu yidhi “Waxaan la hadlayaa suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan iyo taliyaha ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, Suldaanka waan salaamayaa waa nin dhalinyaro ah dhawaan baa la caleemo saaray, waxaanu sheegayaa aabahaa wuxuu ahaa raggii nabad gelyada keenay ee ka soo shaqeeyay, suldaan waxaan kaa rabnaa in aad cumaamadaada ku badbaadiso dal iyo dad oo aad taariikhda gasho oo aad soo qabataan inamadii dilka foosha xun fuliyay.”

    “Taliyaha Ciidanka Qaranka, waan salaamayaa waa inan wanaagsan, waxaan leeyahay waa laba daran mid dooro waa inamadii xaafadiina ee jariimada galay in aad soo qabato iyo in kale, haddii ay dawlad tahay iyo haddii ay shacaba cid aqbalaysaa ma jirto falkan laga dambeeyay ee la doonayay in lagu kala diro Somaliland oo Boorame iyo Hargeysa la kala xidho,” ayuu yidhi Suldaan Galaal.

    Suldaan Maxamed C/laahi oo aanu weydiinay cida uu tuhusan yahay inay ku dambeeyeen falkan, ayaa wuxuu yidhi “Adeer anigu ku odhan maayo waa cidaasi, laakiin gacan siyaasadeed ayaa ka dambaysay rag damac siyaasadeed leh ayaa ka dambeeyay waana la heli doonaa, waxaan leeyahay reer Gebilay ergadan dul fadhida yay meermeerine reer Gabiley ergadan ragan ha u soo dhiibaan ragan jariimada galay ee qaadicul dariiqa ah.”

    Suldaanku wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in aan dhulka muranku ka taagan yahay aan dhulka muranku ka taagan yahay ee Ceel-bardaalle aan la gudo gelin laakiin la dhameeyo halista dilkan jidka ka dhacay.

    “Badbaadada arrintani waa badbaadinta jiritaanka Somaliland waxaanan si adag ugu dardaaraynaa haddii aanu nahay beesha Garxajis in ragaasi dilka gaystay, mana rabno in dalka la inaga burburiyo,” ayuu yidhi Suldaanku.

    La soco qayb kale oo aad u xiiso badan oo Suldaan Galaal kaga hadlayo nabadayntii dagaalkii sokeeye.

     

    Source Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: