SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xalay oo masaajidka Sheekh Cali Jawhar Lagu Qabtay Xuska Nabiga (NNKH) ee Israa Wal Micraaj(Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on July 20, 2009

    isra05Waxaa u soo jeedin lahaa reer Gabiley hadii ay soo qaban kari waayaan gacan ku dhiiglayaashii in odyaashooda iyo culamdoodu is keenaan oo dhahaan waan soo qaban kari waynay inamadaydii ee inagu aan xidhnaano inta la soo helayo waayo sidaas waxaa ku jirta sharaftooda oo waxaa laga yaabaa in ay ceebtii wax ka badh ka maydho ……………..Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar  BOORAMA (Sawnews) Waxaa xalay lagu qabtay masaajidka jaamaca ah ee weyn ee lagu magacaabo misjidka Sh. Cali Jawhar xaflad weyn oo lagu xusaayey dheelmintii nabiga (NNKH) laga qaaday Makah ee la geeyey Alqudus isla markaana la si geeyey Samaawaadka sare ee loo yaqaano Micraajka waxaana ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Boorama waxaana soo jeedinayey dhacdadaas sidii ay u dhacday Sh. Cali Aadam Nuur ( Cali Dheere), Sh. Cilmi Xuseen iyo Sheekhul Baladka Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar.

    Waxaanay ka warameen culimadu sida ay dhacdadaas taariikhda ahayd ay u dhacdaysanadii tobnaad ee soo saarida Nabiga(NNKH) oo ay ahayd in ay k amid hay mucjisooyinka Nabiga, taas oo Ilaahay (SWT) ugu talo galay in uu Anbiyadiisa wqax ku tuso, waxa ay aad ugu dheeraadeen sida arintaasi u dhacday iyo waxyaabihii waaweynaa ee Nabigu kula kulmay intii u sii socday dhulka iyomarkii uu samada Fuulayba, waxaanay tulaase u soo qaateen in u safar Qurayshi lahayd kula kulmay dhexda iyaga oo Rati ka lumay waanu u sheegay waanay maqleen codkii Nabiga waxaanay qoladii safarka ahayd is yidhaahdeen waar codkii Muxamed muuna ahayn kaas Awrka inoo tilmaamayaa laakiin waxba waa arki waayeen waxaa kale oo ay culiamdu sheegeen in u Qudus ku tijiyey Abiyadii kale oo dhan oo ay hlkaas ku tukadeen salad Jamaaca ah, waxaa kale oo Nabigu arkay ayey sheegeen culimadu waxybaao badan oo ay ka mid ahaayeen habar duqa oo nabiga u dhawaaqaday ka dibna nabigu la hadli waayey oo Jibriila (NNKH) yidhi ka soco sidoo kale Oday duqa oo isna u dhawaaqay oo Jibriil yidhi ka soco markii uu nabigu waydiiyeyna jibriil ugu jawaabay Habartu waa aduunyadii intaas hada cimrigeed ka hadhay ayaana aduunyadii ka hadhay hadii aad u jawaabi lahaydna ummadaadu waxa ay noqon lahaayeen aduunyo raac odayguna waa Ibliis.

    Waxaa kale oo nabigu habeenkaa arkay qolyo beero maalintkii qodanaya isla barina ay u bislaanayso oo goosanaya markii uu jibriil waydiiyeyna wax uu u sheegay in ay yihiin mujaahidiinta Ilaahay dartii u dagaalanta, waxaa kale oo u arkay dad hilib bisil iyo mid qaydhin is ag yaalaan oo kan bisil ka tagaya kan qaydhiina cunaya markii uu jibriil u sheegayna waxa ay noqdeen ninka xaas xalaal ah leh ama naagta la qabo oo hadana gogol dhaafka yaqaana , waxaa kae oo uu arkay nin afka maqas laga jaryo mar kastana afkii hadana sidii ku soo noqonayo waxaanu jibriil ugu sheegay in uu yahay dadka fidnada ku khudbadeeyada.

    Markii taariikhadaa laga soo waramay mudo saacad iyowaxogaa ahna ay soctay ayaa sheekhul baladku waa sheikh Cabdilaahiye ka hadlay dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday wadada u dhaxaysa Dila iyoGabiley waxaany yidhi waxaan filayaa in aanan aqbalayn wax ka yar in mujrimiintii la soo qabto oo sharciga Ilaahay lagu xukumo markii reer gabiley odayaashooda waxaan odhan lahaa hadii aad soo qaban Kari waydaan idinka kuwiina sharafta lihi ha is xidhaan oo jeelka ha is keenaan inta laga soo qabanayaa Daalimiintaas dhibka gaystay waayo taasi waxa alaga yaaba in ay muujiso daacadnimada aad arinta ka tihiin oo ceebtiina wax idnka maydho.

    Salalnews

    isra04isra05isra01isra02

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: