SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Waxaan cagaha wax ka dayey markay iskuqabsadeen ha la dilo iyo la dili maayo”. Qof ka Badbaaday Dilkii Raga la Qafaashay

    Posted by Sawnews.tk on July 20, 2009

    qaasim-muxumed-geele.jpgBorama-(Sawnews)-Nin dhallinyaro ah kana mid ahaa gaadiidleydii kooxaha dableyda ahi ku qabsadeen  jidka isku xidha Dila iyo kalabaydh ayaa ka hadlay sidii uu uga soo baxay gacanta dableydii halkaasi ku qabsatay isla markaana  wax ka sheegay sida loogu qabsaday jidgooyada loo dhigtay .

     

    qaasim-muxumed-geele.jpg

    Qaasim Muxumed Geelle kana mid ah ciyaartoyda kubadda koleyga ee G/Awdal  oo arrintaasi waraysi iga siiyey ayaa yidhi :

    “Waxan watay gaadhi Surf ah oo markii aan Boorama ka ambabaxay galabnimadii dadka lagu qabsaday jidka isku xidha Dila iyo Kalabaydh. Waa gaadhiga ila saarnaa nin ka mid noqday dadkii halkaasi  dableydaasi ku dileen . Meeshu waxay u dhaweyd qiyaas ahaan Dila, gaar ahaana agagaarka jufada,  waxay ahayd goor fiid ah sacadduna ku dhaweyd cabbaare 8dii fiidnimo. markaan kusoo dhawaaday meel qabriyo ah, ayaan arkay dad hubaysan oo wata direys u eg kan ciidanka qaranka, afka iyo wejiyadana way duubteen. markii ay i joojinayeen waxa meesha taagnaa  gawaadhi farabadan oo tobaneeyo gaadhayey, waxana xagooda aan ku arkayey gaadhi  kale oo surf ah oo aanan midabkiisa aqoonin balse lambarka gaadiidka dawladda  sitay, umana fiirsan markii ay i joojiyeen ayey markiiba igu yidhaahdeen furaha gaadhiga keen, waan u dhiibay, haddana mobile-ka keen waanan u dhiibay, kaddibna jeebadaha waxa ku jiray oo lacag ahaa ayey la baxeen, waxayna igu amreen inaan dhex seexdo dadkii halkaa ay hore ugusii haysteen, ashahaado, xagga qibladana u jeeso ayey igu khasbeen. Intaasi markii ay dhacday ayaa mid ka mid ah raggii dableyda ahaa i gartay, miyaanu ahayn  innamadii ciyaartoyda ee reer Boorama, haabaan idhi, kasoo bax meesha ayey yidhaahdeen oo waxay ii kaxeeyeen meel ka durugsan meesha dadkii hore la jiifiyey. Markii aan cabbar soconnay ayey yidhaahdeen  istaag. way wada hadleen, midbaa yidhi “Waar lacag iyo gaadhiba waan ka haysanaaye aan iska sii deynno, kii kale ayaa diiday oo yidhi ma inuu na sheego ayaad doonaysaa, kaddibna qorigii uu gaadhka igaga hayey ayuu u cabbaystaya kii kale ee lahaa aan sii deynno, markay intaasi dhacday ayaan cagta wax ka dayey, tacshiirad xoog leh ayuu mid igu soo ridayey ilaa intii aan ka baxayey meeshii oo ahayd meel bannan ah balse madowga habeennimada ay waxba arki waayeen sidaa ayaan kusoo galay markii aan dhexda kusoo cabbay biyo markaa jiifay waddada dhexdeeda oo cagta gaadiidku midabkoodii beddeleen, cagaha saantiiba iga baxday . “

    Qaasim oo aan wax ka weydiiyey inuu arkayey dadka la laynayey iyo tiradooda ayaa yidhi:

    “Meesha waa la jiifay cid dhimatay iyo cidnool  ama cid la dilay maan kala garanayn oo meesha waxa ka jiray walaac iyo jaahwareer, dadka dabaday ayaa la dilay, waxa qudha oo aan arkayey markii baynaadda qori siteen ay ku dilayeen marxuumkii ila socday. waxayna tiradoodu gaadhaysay ilaa 18, waxanan qoryo ku arkayey ilaa sideed ka mid ah  kooxadaasi ‘.

    Leave a comment