SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kulankii Shalay: Maxay ka Wada Hadlayn Ergada nabadaynta iyo Beesha Gabiley

    Posted by Sawnews.tk on July 20, 2009

    Arabsiya(Sawnews/Bnn)-Ergadii nabadaynta ee ku hawlanayd daminta colaadda iyo shaqaaqada Deegaanka Ceelbardaale oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaaladda Gabilay, ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Odayaasha iyo Wax-garadka Degmada Gabilay.

     

    Kulankaas oo ka dhacay Magaaladda Arabsiyo oo lagaga hadlayay sidii xal looga gaadhi lahaa kooxdii fulisay dilkii jid-gooynta ahaa ee dhawaan lagu laayay dad safar ku marayay jidka u dhexeeya Dila iyo Kalabaydh ee Gobolada Awdal iyo Gabilay.

    Ergada nabadaynta oo shalay lagu wareejiyay tiro gawaadhi ah oo ka mid ahaa Gaadiidkii ay Kooxda dilka fulisay qafaasheen, ayaa kulankoodan maanta salka ku hayay sidii loo soo qaban lahaa Gacan-ku-dhiiglayaasha iyo sidii loo keeni lahaa inta ka dhiman Gaadiidkii iyo hantidii saarnayd ee qafaalashada loo haystay. Ergadan nabadaynta ee iskeed isu xilsaartay, waxay hore kulamo ula yeesheen Madax-dhaqmeedka, wax-garadka iyo aqoonyahanka Gobolada Gabilay iyo Awdal.

    Kulanka Shalay ayaa la iskugu afgartay in Hawsha nabadaynta halkaa laga sii wado si loosii ambo qaado inta dhiman, oo ugu horeyso in gacanta lagusoo dhigo ragii dilka geystay iyo in la Xaliyo Colaada Ceelbaradaale.

    Ergada Xalinta Arrintan ayaa ku dhiiri galiyey Beesha Gabiley inay Gacanta kusoo dhigaan nimankii Falka Geystay iyagoo sheegay in loo baahan yahay in nimankaa Sharciga la mariyo oo Ciqaabtay mutaan la marsiiyoi.

    Ergada uga Qaybgalaysa Beesha Gabiley ayaa iyaguna sheegayn inay dhinacooda diyaar u yihiin inay nabada qaatan oo la xaliyo Colaadan taagan, si bay yidhaahdeen dadka walalo ah Dhibaatooyin dambe u dhex marin

    Shaqaaqada Ceelbardaale ka taagnayd ayaa hadda u muuqata mid sii qaboobaysa, isla markaana si dhakhso ah guul looga gaadhi karo, haddii sida ugu haboon loo soo dhamaystiro qodobada Ergada dhexdhexaadinta ee isu xilsaartay soo afjaridda colaadda ka aloosnayd Deegaanka Ceelbardaale.

    Bnn-Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: