SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • BAAQ CUQAASHA AWDAL, SELAL, AND GABILEY WAQOOYIGA MARAYKANKA

    Posted by Sawnews.tk on July 19, 2009

    BAAQKU:    Madaxweynaha Somaliland, Mudane Dahir Rayaale,

    KU:    Gudoomiyah Golaha Guuritda,

    KU:    Gudoomiyaha  Golaha  Baarlamanka ,

    KU:    Ururada Bulshada Qaybaheeda kale Duwan,

    KU:   Gudoomiyayaasha 3da Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland, 

    UJEEDO: Tacsi, Canbaareyn iyo Baaq Nabadeed 

    Hadaanu nahay Cuqaasha jaaliyada Awdal, Selal, Gabiley iyo Gooska Africa intiisa kale ee ku nool dalalka maraykanka iyo kanada waxaan tacsi tiiraan yaleh u diraynaa dadkii sida foosha xun ee waxshinida ah loogu gumaaday jid-gooyada. Waxaanan ka xun nahay dadka laqafaashay iyo hantida laqaatay oo ah wax deegaanka ku cusub.  

    Sidaan wada ognahay ummada aagaas kunool ee walaalaha ah waxay leeyihiin taariikh wadanoolaan sha’ah oo ay qaraabo taxana’ah ku aahayeen deegaankaas. Sida diinteena wanaagsan iyo xeerkeenuba nafarayo waxaa lagama maarmaan ah in cadaalad, sinaan iyo nabad loogu wada noolaado dhulka lawada dagan yahay. Waxaanu shiki ku jirin in qof walba waxa uu xaq uleeyahay aan laduudsiin karin. 

    Hadaba waxaan meesha qaban oo aad u foolxun in koox dabley ah oo kasoo jeeda deegaanka Gabiley ay gawrac, dhac iyo afduub ugu gaystaan dad aan dambi lahayn oo safraayey. Dhacdadaas oo kabaxsan shareecada islaamka, sharciga dawlada iyo xeerka soomalida intaba, waxaa nagu jira in arantini tahay mid hab qorsheysan ku socotay oo xume talis soo abaabulay sida dadka wada dagan ee walaalaha loo dhexdhigo dhibaato weyn oo iil danbe reebta.  

    Hadaba anakoo arintani ay nagu abuurtay murugo qoto dheer waxaan ku baaqaynaa qodobadan hoos kuqoran: 

    1. In dambiilayaashii gacanta lugu dhigo, hantidii ay dhaceena laga soo ceesho iyada oo dhamaystiran.
    2. Waa in gacan ku dhiiglayaasha laga gooyo dambiyada foosha xun ee xaaraanta ah ee ay ku kaceen.
    3. Waxaa  ku qasaba xukuumada iyo inta nabada jecelba inay waajibkookada ka gutaan arintaas fooshaxun ee manta taagan.
    4. Waxaan taageeraynaa dadaalka ay kujiraan dhamaan Salaadiinta, Cuqaasha, Culumaaudiinka, Waxgaradka iyo ururada bulshada qaybaheeda kala duwan ee beesha dhibtu ku dhacday iyo intakale ee reer Somaliland ah ee ka gilgishay falka waxshiga ah ee ka baxsan dhaqanka bulshadeena iyo diinta Islaamka.
    5. Si cawaaqib xumo arintani ka dhalata looga hortago, xukuumadu  waa in abaabul dag-dag ah oo xal uraadin kama-danbaysa ah ugashaa arintani.  
      Arintaasi ilaahay khayrka ha inaga waafajiyo. 
    1. Ibrahim Ahmed Absiye                       – Canada
    2. Ibrahim H. Muhumed Aaye  –  USA
    3. Mohamed Hussein Farid  –  USA
    4. Adan Amin Awil   –  USA
    5. Mohamed Alabari   –  USA
    6. Abdisalam Ahmed Nur  –  Canada
    7. Mohamed Hersi Bahal  –  USA
    8. Omar Abdi Lugweyne   –  Canada
    9. Omar Abdillahi Hande  –  USA
    10. Mohamud Abdillahi Iman  –  USA
    11. Mohamed Aw Elmi Amir  –  Canada
    12. Abdulqadir Sh. Ibrahim  –  USA
    13. Ali Warsame    –  USA
    14. Mohamed Abdi Dhidar  –  Canada
    15. Dr. Omer Mohamed   – USA

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: