SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Tuhunka Reer Awdal ee kulankii Ergada iyo saladiinta Reer Awdal iyo Jawaabtii Sheikul-Baladaka

    Posted by Sawnews.tk on July 18, 2009

     baldkaBorama(Sawnews) Sida  aynu  wada  ognahay   waxaa  yimid  magaalada  Borama Ergo  balaadhan oo  ka socotay Gobolada S/land kana  koobanayd  Saladiin, culimo iyo Ganacsato waxayna  wada hadlo la  qaateen  culimada  iyo salaadiinta  gobolka Awdal.

    Kulankaas  ayaa  waxaa  lagu  falanqeeyey  dhacdadii  fooxsha xumayd  ee  ay  sameeyeen  beesha Gabaliyey , waxaana  ay  sheegeen  Ergadu  in  ay  aad  uga  xun yihiin  ayna  ka  tacsiyadaynayaan dadweynaha  reer  Awdal.

    Sidoo kale  Ergada  Reer Awdal  ugu  qayb  gashay  Kulankaas  ayaa    soo  dhaweeyey Ergada  ka  socotay  Gobolada S/land  waxayna  ka  aqbaleen  wada  hadalada iyo  tacisada  waxaanay   fareen  ergada  inay  soo  dhiibaan  ragii Jidgooyada  sameeyey si  loo mariyo  sharciga Islaamka.

    Kulanka  ayaa  waxaa  ka  soo  baxay  sadex qodob  oo  looga  fadhiyo reer Gabiley iyo labo qabob  oo looga  fadhiyo  reer  Awdal sadexda  qodob  ee  looga  fadhiyo reer Gabiley  ayaa  waxay  ahaayeen  sida :

    1-     inay  soo  dhiibaan  ragii  jigooyada  sameeyey

    2-     inay  soo  dhiibaan  hantida  maqan

    3-     inay  ciidanka  qaadaan

     Sidoo  kale  waxaa  looga  fadhiyaa  reer  Awdal  labo  qodob oo  midkood  fulay  waxayna  kala  ahaayeen  sidan :

    1.      inay aqbalaan  tacsida  ay  sideen Ergadu  waanay aqbaleen
    2.  inay  ciidanka qaadaan .
       

    ka  ka dib  markii  uu  dhamaaday  kulankaasi  ayaa  dadweynaha  waxaa  soo  gaadhay sheeko kuturi kuteen  ah aan  la  xaqiijin  oo  sheegaysay  inay  Ergadii  Reer  Awdal  uga  qayb gashay  kulankaasi  ay  qaadatey  MAG.

    Sheikh C/laahi sh.Cali Jawhar  oo  ka  mid  ah  culimada ugu  caansan  Awdal  iyo s/lanba  Isla markaana ah Sheekhul badalka Borama, ayaa  waxaa  uu  ka  mid  ahaa  Ergadii  Reer  Awdal   waxaanu  jawaab  kulul  ka  bixiyay  wararka  aan  la  xaqiijin ee  la  isla  dhex marayo  ee  lagu  kicinayo  dadka.

    sheikha  oo ka  hadlay  salaadii Jimcaha  ee  shalay  ayaa   waxaa  uu  sheegay  in  aanay  jirin  wax  MAG  la  qaatay  aanay  ku  heshiina  ee  ragii  jidgooyada  sameeyey  la  marin  doono  shareecada  islaamka  lagu  daldali doono jidka  mudo  sadex cisho  ah  ay ku daldalnaan doonaan  halkaasi.

    sheikha  oo ka   jawaabay  inay  ay  qaateen  wax lacag ah  ayaa  waxaa  uu  sheegay  inay  ay  jirto lacag dhan 12,500$ oo dollar  oo  ay  bixiyeen  sadex nin  oo  ganacsato ah  oo  aanay  ogayn  ergada  kale  ee la  socota  taasi oo  laagu  tala galay in  tacsi ahaan  loo  siiyo  afartii nin ee la dilay iyo  wiil kii yaraa  ee  ku geeryooday  rabshadaha ,  waxaa kale  oo  uu  sheekhu  intaas  ku  dar  inay  lacagtaas  loo  dhiibay  isaga  iyo sheekha maxkamada  oo  ay  ku dardaarmeen  sadexda nin  ee lacagtan  bixiyey  in  aan  loo  dhiibin  saladiinta  iyo odayaal midna  oo Gacanta  laga saaro shantii xafadood ee   geeridu ku dhacday  ee  aanay  ahayn  Mag.

    Isku  soo  wada  duboo,  Dadweynaha  reer  Borama  ayaa  waxay  tuhun xoog leh  ka  qabaan  soo  qabashada  ragii  jidgooyada  sameeyey  iyada  oo  manta  laga joogo 9 maalmood  maalintii  raga  la  laayey  Waxaan  se la  garanayn  halka  ay  ku danbayn doonto arintu.

    BNN

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: