SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Taariikhda Mashruuca C/bardaale Ee Khilaafku ka taagan yahay Mushkiladana Ku noqday Somaliland wakhtigan by Hashim Goth

    Posted by Sawnews.tk on July 18, 2009

     Wariye Hashim Sh. Omer GothBorama(Warkamaanta/Sawnews) Mashruuca Ceel-Bardaale waxa uu ku Aasaasmay Iskaashato Diimeed uu Hoggaaminayay Sh. Muxumed Raage, waxayna ka Aasaasantay 1961kii Goobta Ceelbardaale, ka dib Wadahadal dhexmaray dadkii Deegaankaasi, Sheekha iyo Xertii la socotay.  Sheekhu wuxuu ka yimid ama ka soo Haajirayba Jig-Jiga, waqtigaasi oo ay Soomaalidu ku jirtay jibadii Soomaaliweynta, laguna soo dhaweeyay caadifadaasi, Masharuuca biyo waraabiska Ceel-Berdaale waxa uu ku fadhiyay qiyaas ahaan Dhul-Waraabiskiisu 15 Hektar yahay, kaasi oo loo leexinayay Biyaha, waana meesha la yidhaa Ceel-Berdaale Asal ahaan

    Wariye Hashim Sh. Omer Goth Wariye Hashim Sh. Omer Goth 

    Waxaa jirtay 1962kii baahi loo qabay biyo joojin iyo ka hortaga Nabaad-guurka, kaasi oo ahaa heshiis dhexmaray Dawladdii Soomaaliya iyo Hayadda Caawimmadda ee Maraykanka (USAID), hase yeeshee wuxuu la jaan qaaday qorshihii dhaqaale ee bilowday 1963kii, ahaana qorshihii shanta sanno ee ay dejisay Dawladii Soomaaliya in laga sammeeyo naxarayn Beer-roobaadka Deegaamadda Arabsiyo, Itaysa iyo Xidhinta, sidoo kalana ahaa ka Hortaga Boholaha iyo Laagaha, wuxuuna ku fadhiyay qorshe ahaan Dhul Dhan 10,000 Hectares. Dadweynihii Deegaamadda Arabsiyo, Itaysa iyo Xidhintu si fiican ugama faa`iidaysan, sidaasi darteedna awooddii Mashruuca waxaa loo leexiyay Ceel-Berdaale oo ay Madaxdii W/Beeruhu sidaasi amartay, iyagoo sheegay in ay jirto Iskaashato Diimeed oo Beeralay ah una baahan Mashruucani. W/Beeruhu waxa ay suurto geliyeen in gebi ahaanba Mashruucii Hantidiisii iyo Qalabkiisiiba loo wareejiyo Ceel-Berdaale lagana Dhigo Biyo Waraabin Beerood, Dooxyo xidhis, Ceelal Qodis, Dhul Banayn iyo Waddooyin.

    Xaddiggii caawimadda ee loo leexiyey Ceel-Berdaale , kuna qeexan heshiiskii dhexmaray Dawaladdii Soomaaliya iyo Hayaddii Maraykanka ee caawimadda (USIAD) waxaa ay abuurtay suurto gelisayna in la keeno qalabka Waaweyn ee cagafyada sida D4, D9, cagafyadda wax lagu qodo Baabuur, Shidaal, Daayactirka Qalabka & Khubaro Tababarta Shaqaalaha, iyaddoo Wasaaradii Beeraha ee Soomaaliyana ku Deeqday Shaqaale ka tirsan Shaqaalaheeda oo qabta Hawlaha kala duwan ee Mashruuca iyo ku Shaqaynta Qalabkaba.

    Xaddigaasi caawimo ee yimid goobtii Ceel-Berdaale, waxaa u noqday Dhaqaale iyo Xoog ka Miisaan Weynaaday Bugcadii Ceel-Berdaale, iyaddoo dhulkii ku koobnaaday darteedna waxa Iskaashataddii 1971 xiligii kacaanka lagu fidiyay Dooxaddii Dibiroweyn, sida Boodhka, Buqdhada, Sararka Ina Geedi Same, Seemaal, Xamarta Hogeed oo dhamaantooda ka tirsanaan Jiray Degmadda Borama, imikana hoos yimaad degmada Baki.

    Fiditaanka Barnaamijkaasi waxa uu meel sare gaadhay Xilliggii Kacaanka, markaasi oo ay bilaabantay Iskaashatooyinkii Hanti-Wadaagaysnaa. Wuxuu Mashruucaasi Iskaashato noqday mid la jaan qaaday oo Munaasibay ahdaaftii iyo Ujeedooyinkii Kacaanka ee hamigii isku filaanshaha iyo dhiiri-gelintii Iskaashatooyinka. Kacaankii wuxuu sii xoojiyey Awooddii Iskashatadda, Maal ahaan, Qalab ahaan iyo Muruq ahaanba, waxaana la gaadhsiiyey heer ay Tusaale u noqoto Wax-Soo saarka Iskaashatooyinka ee Goboladda Waqooyi, si gaar ah waxaa loogu sammeeyey Ciidamo khaas ah oo ilaaliya. Dadweynaha Deegaankaasi waxa khasab ku noqotay in lagu qanciyo ka mid noqoshada iyo ku soo biirida Iskaashatadda oo loo bixiyay TACABWADAAG. Ka sakaw Dhulka la Beereeyay ee iskaashatada waxaa la sameeyay Dhul Seereed Dhan 80-90 km oo Iskuwareeg ah oo ahaa daaqsinta xoolaha. waxaana isdhexgal lagu sameeyay dadkii marka horaba Oodwadaagta iyo dhalashadu ka dhaxaysay, oo lagu daray xertii iskugu jirtay dadka kale ee Somaliyeed.

    Hadaba Burburkii ku habsaday Hantiddii Mashruuca Iskaashatadda Tacabwadaag 1988kii wakhtigii dagaaladu ka bilaabmeen waqooyiga, waxaa ka dhashay in Dadkii ku Shuraakadda ahaa uu qof walba Dambaskiisii iyo Deegaankii uu Iskaashatadda kaga mid noqday u hantiyo xaqiisii uu horeba u lahaa mulkigiisa sanadkii 1991kii. Sidaasi oo kale Hoggaamiyihii Iskaashatada Diineed ee Tacabwadaag Sh.muxumed Raage waxaa isna u sugmay Bugcaddii u ka bilaabay Aasaaska ee C/Berdaale, Buqdhada iyo dhulbeereed kale oo ay ka mid tahay Hadhwanaag oo ay qaateen dad kale oo iskaashatada ka mid ahaa, taasi oo ka mid ahayd Hantidda Iskaashatada, isaguna uu kaga mid noqday Xubnaha Iskaashatadda. Aasaaska oo uu lahaa darteedna uu ku noqday Hoggaamiyaha Guud ee Iskaashatadda Tacabwadaag xiligii kacaanku sameeyay Iskaashatooyinka Hanti wadaagaysan. waxa kale oo jira dhul beereed ku yaal degmada Lughaya deegaanka Garbodadar ahna meesha la yidhaa TUURKA oo ay leeyihiin Sheekha iyo dad ka mid ahaa Iskaashatada oo ka soo jeeda degmada Gabilay.

    Si kastaba ha ahaatee xaalku ha ahaadee taariikhda dhulka iyo sida hawlaha muranku ka taagan yahay u aasaasmeen hadii aan ka waranay, waxaa haboon in la dul istaago halka sartu ka leexsan tahay, taas oo ah in dhulkii noocaas ahaa maanta la leeyahay waxaa isku haysta laba beelood, gaar ahaan dhanka ka tirsan G/Awdal ee degmada Baki, balse dhulka iskaashatada ee raacsan dhanka gabilay aanay jirin wax muran ah oo ka taagan iyo weliba dhanka garbadadar ee Tuurka, khilaafkan imika abuurmay wuxuu u muuqdaa 18 sano oo nabad lagu wada degenaa ka dib, mid siyaasadaysan oo ay dabafadhiyaan dad dano leh, waana boogaha la damqo marka ay jiraan loolan siyaasadeed, dhibtii halkaas laga abuurayna waxay noqotay mid keentay Falka ka dhacay Jidka isku xidha Dilla iyo Gabilay, ka dib markii go’aamadii guurtida ee kalabaydhsanaa ay diideen dhinaca deegaanka degmada Dilla. falkaas ka dhacay jidkana wuxuu iftiimiyay in arinku yahay baroortu orgiga ka weyn, wuxuuna waxyeelayn karaa kalsoonidii iyo wada degenaanshihii dadkan oodwadaagta iyo dhiigu ka dhexeeyo, hadaan la helin xal iyo midnimo guud oo lagu islaaxiyo shaqaaqadaas waa mid keeni karta in wada jirkii Somaliland ay mugdi gasho.

    Hashim Goth
    Borama Somaliland

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: