SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Natiijada Hordhaca Diiwaangalinta oo Maanta loo Gudbinayo Xisbiyada Qaranka

    Posted by Sawnews.tk on July 18, 2009

    electionHargeysa(Sawnews)-Hay’adda Interpeace ayaa maanta gelinka hore la filayaa in ay Axsaabta Siyaasadda ku wareejiso Natiijadii hordhaca ahayd ee Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka, taas oo ay muddo toddobaad ku siman Axsaabtu soo dersi doonaan natiijadan.

    Aqoonyahanno ka socda saddexda Xisbi ayaa shalay Hay’adda Interpeace tustay, isla markaana indho-indheeyay sida ay u socoto hawsha Server-ku. Kuwaas oo maanta gelinka hore lagu wareejin doono Natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashada Madaxtooyada.
    Ku-simaha guddoomiyaha, ahna guddoomiye-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo xalay Wargeyska Ogaal Khadka Telefoonka wax kaga waydiiyay arrintan, ayaa sheegay in muddo toddobaad ah la siiyay si ay uga soo baaraan-degaan, isla markaana u soo naaqishaan natiijada hordhaca ah oo maanta lagu wareejin doono, ka hor inta aan la gaadhin waqtiga Natiijada dhabta ah la filayo in lagu dhawaaqo oo ah 27-ka bishan. “Cajaladihii ay ku jireen natiijooyinkaa hordhaca ahi berrito (maanta) 10:00 subaxnimo, ayaa Interpeace iyo Deeq-bixiyayaasha gacanta ku hayay nagu soo wareejinayaan ee maanta (shalay) waxa aqoonyahanno iyo farsamo-yaqaano ka socda Xisbiyada ayuun baa la tustusay siday u shaqaynayso. Marka berri (maanta) nalagu soo wareejiyo natiijada hordhaca ah, inta aan la gaadhin tii rasmiga ahayd, waxa nala siiyay shan ilaa lix casho in aanu kaga soo baaraan-degno, dabadeedna wixii markaa dhaliilo ah ama ka soo baxa aanu ku celino ka hor inta aan la soo daabicin, maadaama 27-ka bisha la soo saarayo natiijadii rasmiga ahayd.” Ayuu yidhi Mr. Waqaf.

    Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiga Kulmiye ayaa hore u shaaciyay in Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah iyo Hay’adda Interpeace ay ballan-qaadeen in natiijada Diiwaangelintu aanay caqabad ku noqonaynin Doorashada, isla markaana natiijada kama-dambaysta ah lagu dhawaaqi doono 27-ka bishan.

    Ogaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: