SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Xubintii Cusbayd Ee

    Posted by Sawnews.tk on July 18, 2009

    golaha%20wakiiladaHargeysa(Sawnews)Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod gacan taag ah ku ansixiyay xubinta cusub ee  xisbiga mucaaridka ah ee UCID ay u soo xushay Komishanka doorashooyinka kaasi oo ah Md. Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar). Oo buuxinaya xubintii uu baneeyay Md. Axmed Maxamed Xaaji Daahir,oo todobaadkii hore aqalkaasi kala noqday kalsoonidii markii ay Komishanku ay ku eedeeyeen inuu bixinayo sirtii xafiiskooda isla markaana aanu la shaqayn karin.

    Fadhigii maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), madashana ay fadhiyeen 46 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Aqalkaasi ka kooban yahay, waxaana ogolaaday xubintan cusub 45 Mudane, may jirin cid diiday iyo cid ka aamustayba, Guddoomiyuhuna muu codayn.

    Ka hor intii aanu goluhu ansixin xubintan waxa Golaha loo akhriyay digreetadii uu Madaxweynaha Somaliland uu Golaha ugu soo gudbiyay Md.Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar).

    Sidoo kale, Guddi Hoosaadka Arrimaha Gudaha  Wakiilada, ayaa golaha warbixin ka siiyay baadhitaan ay ku sameeyeen in xubintani ay buuxisay shuruudihii laga doonayay waxaanay Golaha u soo jeediyeen inay ansixiyaan masuulkan.

    Warbixintii Guddidaasi oo uu fadhiga ka jeediyay Guddoomiyahooda Md. Siciid Cilmi Rooble, waxay u qornayd sidan:- “Mudaneyaal, Guddiga arrimaha Guduhu iyada oo ka duulaysa Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanada iyo Madaxtooyada  iyo Komiishanka ee  Xeer Lr.20/2001. Qodobkiisa 11aad,faqrada 3aad  ee tilmaamaysa  in guddi-hoosaadka Arrimaha Guduhu soo hubiso in xubintani ay buuxinayso shuruudaha looga baahan yahay xubinimada Komishanka.
    waxay halkan ku soo gudbinaysaa tallo soo jeedintan, Guddida Arrimaha Guduhu kadib: Markay Xaqiijisay :In  xubintani ay buuxisay dhammaan shuruudaha ku xusan Qodobka 12aad ee Xeerka Doorashooyinka Xeer.Lr.20/2001.

    Markay ku Qanacday : In aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo  ee uu leeyahay hawlaha Komishanku u xilsaaran yahay, Md. Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) uu u qalmo  inuu hanan karo xilkaas loo magacaabay.

    Markay  Tixgeliyeen: Baahida loo qabo in la dar dar geliyo, hawlaha Doorashada Madaxtooyada  ee 27.September  2009.

    Markay Garawsadeen: ahmiyada weyn ee loo baahan yahay in la dhammaystiro xubnaha Komiishanka Doorashooyinka oo ay xubintii xilka laga qaaday Kaalinteedii banaantay. SOO JEEDINTA GUDDIDA ARRRIMAHA GUDAHA.

    Waxay Guddida arimaha Guduhu waxay  soo jeedinaysaa in Mudane : Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), loo ansixiyo Xubinimada Komishanka

    Doorashooyinka Qaranka.”

    Dhinaca kale, waxa goluhu fadhigii maanta ansixiyay  is waafajinta xeerka diiwaan gelinta Codbixiyeyaasha  iyo Xeerka doorashooyinka

    Goleyaasha deegaanka iyo Madaxtooyada, waxaana lagu kaabay Qodob ka kooban laba fiqradood oo la xidhiidha diiwaan gelinta codbixiyeyaashu ay ka  muuqdaan xeerka doorashooyinka, qodobkaasi oo ka mid ahaa

    shuruudihii deeq bixiyeyaashu ay ku xidheen dhaqaalaha doorashada madaxtooyada Somaliland.

     Waxaana wax ka bedelkaasi  ogolaaday 39 Mudane, 1 Mudane ayaa diiday, shan Xildhibaan ayaa ka aamusay Gudoomiyuhuna muu codayn.

     

    ilo wareedka :Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: