SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudomiyaha Kulmiye Ahmed Siilaanyo, Ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii dhaawucu soo gaadhay qirtey in uu dhaawac culusi soo gaadhay, oo uu Dhakhtar Dibadeed U Baxayo.

    Posted by Sawnews.tk on July 17, 2009

    siilaanyo1 Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maalinta Jimcaha ee barri uu u socdaali doono dalka Kenya oo uu u tagayo hawlo caafimaad, waxaanu yidhi “Waad ogaydeenoo waa tii dhibaato yari  isoo gaadhay ee aan salaanka ka dhacay, arrintaasi jug weyn ayay ii geysatay Anigoo markayga horena culays yara lahaa. Nabaro xoogaaya ayay ii gaysatay.

    “Allxamdulilaah aad iyo aad ayaan imika u ladan nahay, waxaan gaadhayaa Nairobi oo aan barrito u baxayo haddii alle idmo, oo aan doonayo inaan ayaamo ku maqnaado, oo aan iyadana illaa heerka  u sareeya aan ka gaadho wixii la ii qaban karo, sidaad imikaba arkayseen waxaan ummadda u sheegayaa in caafimaadkaygu aad iyo aad u wanaagsan nahay oo aan olalaha si buuxda uga qeyb geli karo, waan isku soo giigiijinayaa. Baabuurtaba Geerash baa la Gashaa, dhibaato kalena meesha ma jirto, waxaan doonayaa in aan shacbi weynaha aadka u tirada badan ee halkan (Guriga ) iigu yimid ama siyaabo kala duwan dareenkooda iigu muujiyay halkan uga mahad naqo, sidii shucuurtooda iyo niyadooda ii muujiyay iyo dadnimo, saaxiibtinimo, ehelnimo iyo qaranimaba.” Sidaa wax yidhi gudoomiye Axmed Siilaanyo.

    Md. Axmed Siilaanyo , oo la weydiiyay aragtidiisa ku wajahan shuruudihii deeqbixiyeyaashu ku xidheen dhaqaalaha doorashada oo ahaa in wax laga bedelo xubnaha Komishanka qaranka, wuxuu yidhi “Arrintaas mowqif cad ayaanu iska  taagnay haddii aanu xisbiga KULMIYE nahay, Komishanka doorashooyinku sharci ayay meesha ku fadhiyaan, haddii ay muddo badan dhaliili ka jirtay oo ka jirtay Anagu ilaa wakhtiyo hore anagoo eegayna cadaadiska wakhtiga iyo doorashooyinka canaan baanu ka soo jeedin jirnay tiina way socon wayday imikana haddii ay wax iska bedelayaana mar walba way iska bedelaan sida isbedel ku imanayaana haddii aanu xisbiyada nahay awood gamachayaga  ku jirta ma aha, qaab bay leedahay, sharci bay leedahay, oo dastuur bay leedahay. Ambo qaadkeeda waxa leh marka ugu horreysa Madaxweynaha, haddii cid dhaliili ka timaado ama wax ku yimaadaan wax kasta dariiq sharci ah ayaa loo maraaye, waa inuu isagu cid u saaro, oo haddii cid xumaato lagu arko sidii dhici jirtay loo gudbiyo Golaha Wakiilada.

    Baarlamaanka ayaa diidi kara ama aqbali kara wax xisbi  KULMIYE ahaan ama xisbi kaleba u yaala ma aha, taas lafteedana waa in deeq bixiyeyaasha lagala hadlaa oo dhamaan loo sheegaa  oo ay ogaadaan.”

    “Cida kaliya ee awoodaasi leh ee cid u saari karta arrinta Komishanka waa  Madaxweynaha dalka, dastuurka iyo sharciga ayaa awoodaha kala bixinaya oo kala caddaynaya, arrintaasi waxay u taalaa inuu talaabo ka qaado, waa Madaxweynaha uma taalo xisbiyada KULMIYE iyo UCID toona,”ayuu yidhi Md. Axmed Maxamuud Maxamuud Siilaanyo.

    Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu intaasi ku daray in  liiskii kama damaysta ahaa ee diiwaan gelinta codbixiyeyaasha laga sugayo in 27-ka Bishan July ay soo saarto, oo ay  eegayaan waxa ka soo baxay.

    Ahmed Ismail

    Email: xaaji810@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: