SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dhambaal codshaso iyo Cabmaareyn isgugu jira oo ay Jaaliyada Awdal iyo Salal ee Sweden u dirayaan xukumada Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on July 17, 2009

    War saxafadeed Ku Socota  16kii Juyi, 2009
    KU:    MADAXWEYNAHA .JAM.SOMAALILAND, MR RIYAALE, HAR
    KU:    GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE, HAR
    OG:    GUDOOMIYAHA  GOLAHA  GUURTIDA , HAR
    OG:    GUDOOMIYAHA  GOLAHA BAARLAMAANKA, HAR
    OG:    GUDOOMIYAYAASHA 3da XISBI EE JAM. SOMAALI-LAND, HAR

    Ujeedo: Tacsi, Canbaareyn iyo codsasho

    Jaaliyadda gobolada Awdal iyo Salal ee ku nool dalka Sweden waxey si aada u canbaareynayaan falkii waxashnimada ahaa ee lagu gawracey marxuum Cali Bagaashle, marxuum Daa’uud Xaashi, marxuum Mawliid iyo marxuum Cali Aw Cumar, marinka u dhexeeya  Gabiley iyo Dila iyo dadkii kale ee la afduutey iyo gawaadhidii iyo xoolihii saarna ee la qaatey. Waxan iyana canbaareyneynaa dadka qabiil ahaan u difacaya gacan ku dhiiglayaasha oo ka hor jooga in sharciga la horkeeno. Waxan iyana si aad u adeg u dhaleeceyneynaa ninkii booliska ahaa ee sida badheedhka ah u toogtey marxuum Cabdifataax Maxamed Qamaan oo jirey lix iyo toban sanno wax danbiya uu ku muteystey toogashana ayna jirin haba yaraatee.

    Jaaliyadda gobolada Awdal iyo Salal ee ku nool dalka Sweden waxey tacsi tiiraanyanleh u dirayaan dhamman qoysaskii afarta marxuum ee kor ku xusan iyo wiilkii dhalinyarta ahaa ee booliska Somaliland ku toogteen magalaada Borama.

    Waxan leenahey waa nasiib darro aad u weyn in arintan aadka u foosha xun ka dhacdo maanta Somaliland oo loo heysatey meel dadku nabad kuwada noolyihiin, kana jirto sharci iyo kala danbeyn.  

    Su’aasha ilaa imika la isweydiinayo waxey tahey: Maxey xukuumada somaliland ka qabatey arintan foosha xun?

    Jawaabtii dawladda somaliland ka bixisey waxey aheyd in dadkii baroordiiqa ku jirey ee magaalada Borama loo diro ilaa labo boqol oo askari, ilaa imikana ciidanka milatariga somaliland ku gaaf wareegayo magaalda Borama. Booliska Somaliland waxey si arxan darroleh oo badheedha rasaas ugu fureen dad mudaharaadayey kuna toogteen wiil yar oo lix iyo toban sanno jirey.

    Waxa la yaab leh in gacan ku dhiiglayaashii dadkan laayey ay wali guryahooda joogaan.
    Su’aashu waxey tahey ciidamada Borama la dulgeeyey maxaa loogu diri waayey iney soo qabtaan gacan ku dhiiglayaashan?

    Dadka reer Awdal iyo Salal way ka warqabaan dadaalka odayasha iyo waxgaradka reer somaliland ay wadaan iyo tacsiyadihii isdaba jooga ahaa ey soo gaadhsiyeen dadka reer Awdal iyo Salal, weyna ku mahadsanyihiin.

    Dadka reer Awdal iyo Salal waa dad lagu yaqaano nabadd jaceyl, nafta qofka baniaadimiguna la weyntahey. Kollaba kama suurta gasho iney gawracaan dad masaakiina oon danbi galabsan. Sidaa awgeed, Jaaliyadda reer Awadal iyo Salal ee ku nool dalka Sweden waxey codsanayaan:

    Si loo badbaadiyo dhiilo kale iyo dagaalo qabiil oo dhaca; 
    Si loo badbaadiyo dad kale oon waxba galabsan oo dhinta;
    Si loo dabaqabto arinta oo loo joojiyo colaad dheer oyna ciddina ku liibaani doonin;
    Si loo badbaadiyo magaca iyo nabadda ay ku faaneyso somaliland;

    waa in si degdega loo fuliyo qodobadan hoos ku xusan:  

    1. In dadka reer Borama laga dulqaado ciidamada la dulkeeney, cabadudhaadana laga daayo, loona ogolaado iney u baroor diiqaan wiilashoodii la qawracey;
    2. In dawladda Somaliland muujiso sidey uga xuntahey arintan, tacsina gaadhsiiyo qoysaskii dadkan la laayey;
    3. In sida ugu dhaqsaha badan lagu soo qabto, maxkamad caadilana lagu saaro raggii dilalkan geystey iyo kuwii soo abaabuleyba;
    4. In ninkii booliska ahaa ee toogtey Marxuum Cabdifataax Maxamed Qamaan  oo lix iyo toban jir ahaa shaqada laga fadhiisiyo, maxkamdna lasoo taago, dawladuna magdhaw siiso waalidkii wiilkan laga diley. 

    Waxan ka digeynaa cawaaqib xumada ka dhalan karta arintan, haddii codsigan siduu yahey loo fulin waayo, la iskana dhego tiro.
     
    Wa billaahi tawfiiq,

    Jaaliyadda reer Awdal iyo Salal ee dalka
    Sweden, Stockholm.

    Samatar Hassan
    Secretery of Awdal and Salal Community
    Stockholm,Sweden
    Tell: +46858356229
     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: