SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Baaq Nabadeed Iyo Fariin Ku Socota Beesha Jibril Yoonis

    Posted by Sawnews.tk on July 17, 2009

    u_2d_2009-4-27-19-9-37f_handwritenWaan aad uga xumahay falkan xun ee fullaydu gaysatay ee lagu xasuuqay waxgarad, aqoonyahan, iyo dhalinyaroba.

    Waxaan tacsi u dirayaa ummada Gadabuursi meel kastoy joogaan. Samir iyo imaan Eebbe ha innagga siiyo raggii caqli gaabku gawracay.Waxaan ummadda Gadabuursi ku bogaadinayaa in ay marwalba nabadda doorbidaan, xalna ku raadiyaan.

    Waxaa haboon in shaqaaqa kastoo dhaca nabad lagu dhameeyo. Laakiin odayaasha iyo waxgaradka Isaaq dariiqii nabadaynta masoo marin markay Borama yimaaddeen. Waxa haboonayd inay Gabiley ergayntooda ka bilaabaan, soona qabtaan fullaydii falkan fullay nimadda ah ku kacay ( Ninka xinniinyo isku hubaa wuxu soo badheedhi lahaa duhurka cad, fullayguse habeenkiibuu meeraystaa).  Iyagoo fullaydii gacanta ku hayaa Borama nabad raadin u yimaadaan baa toosnayd. Taa ma yeelin waxgarad iyo cuqaashhii Isaaq. Markaa waxay Borama ka soo dooneen weli maan garan. Bal waxay Borama ka soo dooneen ha u sharaxaan ummadda Gadabuursi.

    Beesha Jibril Yoonis ee talada haysaa, Madaxweyne iyo Gudoomiyaha gobolka, cuqaasha, waxgarad iyo dhallinyarada, waxaan kula talinayaa inay nabad xal ku raadiyaan iyagoo xasuusan inay “In dhacdadan haween ku goblamay, ubad ku aabo waaayaya, aaboyaalna ku weelal beelay.” Waa inaanay marna dhayalsan shaqaaqan, xooggana saaraan sidii fullaydii shaqaaqa abuuray sharciga loola tiigsan lahaa.

    Waxaan kula talinayaa inay u dheganuglaadaan dareenka beelaha dhibaatadu sida gaarka ah u taababay, qaboojiyaan dhamacda iyo hadawga ku shidan, una balanqaadaan ( si daacad ah) in fullaydii lasoo qaban doono.

     Ugu dambayn, shaqaaqu Gabiley buu ka dhacay, marka ciidamadda Borama jooga waan in goobtii shaqaaqu ka dhacay lageeyaa si ay fullaydii u raad guraan, unna soo qabtaan intaanay foogaan. Borama maxay ka qabanayaan ileen hawl badan baa u taalee.

    Hussein D Obsiye
    hdobsiye@msn.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: