SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xaflad Xidhitaanka Xarunta Xifdiga Quraanka Ee Imaamu Shaafici Oo Borama Lagu Qabtay. +SAWIRO

    Posted by Sawnews.tk on July 16, 2009

    ma_imaamu_shaafici-2.jpegBorama-(Sawnews) Munaasabad xaflad aheyd oo aad loo soo agaasimay ayaa saaka lagu qabtay xarunta dugsiga Hoose/Dhexe ee Ubaya Binu Kacab ee magaalada Borama, taasoo aheyd xaflad xidhitaanka xarunta xifdiga Quraanka Kariimka ee Imaamu Shaafici ee magaalada Borama.

    ma_imaamu_shaafici-2.jpeg

    Xafladaan waxa kasoo qeyb galay, Arday, Macalimiin, Culumaa’idiin, Ganacsato, Aqoonyaho iyo qeybaha kala duwan ee bulsha weynta ku dhaqan magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal.

    ma_imaamu_shaafici-7.jpeg

    Maamulaha Maskaska xifdiga Quraanka Kariimka ee Imaamu Shaafici ee magaalada Borama Sheekh Cabdilaahi Maxamed Alabari oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay aasaaseen markaskaan sannadkii 2004, isla markaana qol yar oo gudaha Borama ku yaala ka fureen markaasoo ay 30-Arday dhigan jireen, isla markaana sannadkaasi 2-Arday oo kaliya dhameeyeen Qur’aanka Kariimka shahaadooyin guddoonsiiyeen.

    ma_imaamu_shaafici-12.jpeg

    Maamulaha waxuu sheegay 2005 ilaa 2006 inuu markaska usoo korodhay dhismo weyn oo uu sheegay inay Waalidiinka magaalada Borama gacan ka geysteen dhismahaasi, isla markaana sannadkaasi ay Shahaadooyin qaateen 3 Arday.

    ma_imaamu_shaafici-11.jpeg

    Maamulaha waxuu sheegay inay horumar ku talaabsaday sannadkii 2007-dii oo Ardaydii dhigan jirtay ay gaareen 150 Arday isla markaaana qeyb Dumarka ah ay kusoo kordhiyeen isla markaana faracyo kala duwan xaafadaha magaalada Borama ka fureen xiligaasi oo ilaa iminka ay shaqeeyaan.

    Sheekh Cabdilaahi Maxamed Alabari waxuu sheegay inay Arday dhigata xiligaan tiradooda kor u dhaafayaan 150 Arday, halka ilaa aasaaskii ay Shahaado qaateen 45-Arday oo Qur’aanka Kariimka xifdiyeen badankoodana yihiin Macalimiin Qur’aanka Kariimka ardayda da’a yar bara xiligaan.

    Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay Maamule K/xigeenka Maskaska xifdiga Quraanka Kariimka ee Imaamu Shaafici ee magaalada Borama Sheekh Maxamed Faarax Raage waxuuna ugu baaqay Waalidiinta inay caruurtooda ku Koontaroolaan waxbarashada ay dhigtaan gaar ahaan Qur’aanka Kariimka.

    Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha shirkada Dahabshiil ee gobalka Awdal Ismaaciil Cabdi Riiraash oo isaga hadalka u dhibay  Eng. Axmed Xuseen Shaafici oo ku hadlayay magaca Waalidiinta waxuuna u mahadceliyay Macalimiinta Maskaska xifdiga Quraanka Kariimka ee Imaamu Shaafici ee magaalada Borama, waxuuna sheegay inay ammaan mudan yihiin.

    Gaba-gabadii waxaa Shahaadooyin & Abaal-marino lagu guddoonsiiyay ardaydii xifdisay Qur’aanka Kariimka, iyo kuwa ugu aqlaaqda wanaagsan ee dhigta xiligaaan Maskaska xifdiga Quraanka Kariimka ee Imaamu Shaafici ee magaalada Borama.

    Ardayda xifdisay Quraanka Kariimka ee Shahaadooyinka la guddoonsiiyay magacyadooda waxey kala yihiin:

    Cabdiraxiin Axmed Xuseen
    Maxamed Ciise Aadan
    Cabdiraxiin Yuusuf Cumar
    C/laahi Cali Cismaan
    Cumar Ibraahim Khadar
    C/raxiin Saciid Daheeye
    C/raxmaan C/shakuur Maxamed
    Usama Nuur Shaafici
    Cabdilaahi Xasan Kheyre
    Ayaan Cabdilaahi Faarax
    Kowsar Jaamac Kulmiye.


    Abdifitahaam Ahmed

    abdifitahaam@hotmail.com

    2 Responses to “Xaflad Xidhitaanka Xarunta Xifdiga Quraanka Ee Imaamu Shaafici Oo Borama Lagu Qabtay. +SAWIRO”

    1. Adam said

      asc
      walaalayaal waad salaamantihiin

      masha allah illahay ayaa mahad iskal leh alxamdullillaah.

      Ardayda shahaadada la siiyay isku arday ayaan wada ahayn from 2004-2006 markaa waxan leehay ardaydaa hanbalyo hanbalyo meel fiican ayaad gaadheen ee intaa ha kudaynina ee nimcada siiiwada. C/raxiim Ahmed Xuseen intaan isku arday ayan ayaan hor jooge u ahaa markaa Mr Cabdiraxiin waxan kuleehay hanbalyo masha allah

    2. ahmed said

      asc walaal waxa aan inugu faraxsanahay walaal waxa aan ini leenahay khayrkaa sii wada

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: