SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Booliska Boorama oo Haweenay 33 Jir ah ku Qabtay Khamri iyo Xashiishad Wada Socda

    Posted by Sawnews.tk on July 16, 2009

    no-drugs-480Borama (Jam)- Ciidanka saldhigga dhexe ee Booliiska magaalada Boorama, ayaa xalay gacanta ku dhigay khamri qiyaastiisu dhan tahay 89kg iyo Xashiishad wada socda oo ay wadatay Haweenay Magaceedu yahay Suleekha Cabdi Cawad oo da’adeeda lagu qiyaasay 33jir kaasi oo lagu waday gaadhi noociisu yahay Surf numberkiisuna yahay 32313, kaasi oo ka yimi dhinaca Hargeysa.

    Sidana waxa Jamhuuriya u xaqiijiyay taliyaha Saldhiga dhexe ee Borama Muuse Cabdillaahi Hanfi oo Jamhuuriya ku marti qaaday gudaha saldhiga dhexe, isaga oo taaliyuhu sheegay inay khamrigan qabteen ka dib markii ay heleen war gurmad lagaga dalbanayo ciidamada Booliiska si ay u gacansiiyaan gaadhiga qamriga siday oo ku rogmaday goolada Sheekh Yuusuf oo wax ka yar 5km u jirta magaalada Borama.

     

    Taliyaha oo arrintaas faahfaahinayaa waxa uu yidhi; “Markii aan goobta gaadhnay waxaanu ugu tagnay khamri lagu soo shubay caagadaha biyaha iyo Xashiishad kale oo loo soo duubay sida Cuudka oo kale.”

     

    Waxa kale oo uu taliyuhu intaasi daba dhigay in gaadhigan ay waday Suleekha Cabdi oo kaliya isla markaana uu shilgalay, Taliyuhu waxa uu sheegay in caafimaadka Haweenayday uu fiican yahay isla markaana ay dhakhaatiirtu cadeeyeen in wakhtigii ay shilka gashay ay uu maankeedu doorsoonaa.

     

    Sida uu Taliye Muuse u xaqiijiyay Jamhuuriya ayaa haweenaydan waxa ay u sheegtay Booliiska inay u shaqayso hayada UNHCR markii laga waayay aqoonsigii hayadaasna waxa ay markale ku dacwootay inay u shaqayso hayada UNICEF, isaga oo Taliyuhu cadeeyey in aanay hay’addahaas u shaqayn, kana timid Norway oo ay dalka fasax ku joogtay, waxa kale oo ay sidatay oo aan ka helnay Cajalado CD-yo ah aad tiro badan oo aanu taliyuhu xusin waxa ku duuban, isaga oo xusay in ay sida ugu dhakhsaha badan maxkamad u horgaysn doonaan.

     

    Haweenaydan ayaa waqtigii Jamhuuriya booqday saldhigga Borama hoos fadhiday geed cidhif ku yaalla oo loogu talogalay inay maxaabiistu hadhsadaan maalintii, waxana ay ku hadlaysay Luuqada English-ka, iyada oo aanay noo suurto galin aanu wax waraysi ah la yeelano.

     

    Jamhuuriya Online

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: