SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xisbiga KULMIYE oo War ka soo Saaray Shuruudaha Deeqbixiyayaasha Caalamka

    Posted by Sawnews.tk on July 16, 2009

    kulmiye-flagHargeysa(Sawnews/Bnn)-Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa galabta war-saxaafadeed ay soo saareen waxay daaha ka rogeen shuruudo ay deeq- bixiyeyaashu ku xidheen kharashkii doorashada madaxtooyada Somaliland ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 27-ka Bisha September 2009-ka.

    Sidaa waxay ku sheegeen war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Muuse Biixi Cabdi,waxaanu u qoraalkii oo dhamaystirani u dhignaa sidan:
    “Xisbiga KULMIYE waxa uu maanta soo saaray go’aan cad oo uu ka gaadhay shuruudii deeq-bixiyayaasha ee ahayd in la bedelo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, go’aankaasi wuxuu u dhignaa sidan:

    Iyadoo aynu wada ognahay wadciga Siyaasadeed ee maanta Dalku marayo iyo shuruuda ay ku xidheen deeqbixiyayaashu maalgelintii doorashada, aragtida Xisbiga Kulmiye waxay tahay:

    In Madaxweynuhu isagoo gudanaaya xilkiisa uu raadiyo xalka shuruuda ay deeqbixiyayaashu ku xidheen ee ah eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.

    Xisbiga KULMIYE awood sharci uma laha wax-ka-qabashada, eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.

    Xisbiga KULMIYE wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada. sidaasi darteed, wuxuu ka codsanayaa Madaxweynuhu inuu tixgeliyo wakhtiga yar ee ka hadhay maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada oo ah 27 Sept, 2009.

    Xisbiga KULMIYE wuxuu ka codsanayaa Komishanka Qaranka iyo Hay’adaha doorashada ku shaqada leh oo dhan inay dardargeliyaan hawlihii doorashada, iyagoo tixgelinaaya mudada yar ee ka hadhay.

    Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa inaysan dan u ahayn Qaranka dib u dhac doorasho oo danbe.”

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: