SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xil kaqaadistaydu Waxay la Xidhiidha Arrinta Ceelbardaale oo aanu Madaxweynaha ku kala Aragti Duwanahay” Wasiirka Xilka laga Qaaday ee Madaxtooyada.

    Posted by Sawnews.tk on July 15, 2009

    news-iconHargeysa(Sawnews)-Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Mudane Nuur Aamin Ismaaciil, oo Madaxwayne Rayaale xilkii ka qaaday, ayaa ka hadlay asbaabaha keenay xilka qaadistiisii oo uu ku macneeyay in ay madaxwaynaha ku kala aragti duwanaayeen qaabka loo waajahayo xal u helida shaqaqaadada iyo collaada ka taagan deegaanka Ceelbardaale.

    Mudane Nuur Aamiin oo maanta saxaafadda ugu waramayay Hoteelka Imperial ee magaalada Hargaysa ayaa sheegay in aanu ka xumayn in xilka laga qaado waxaanu yidhi “Waxaan maanta halka idiinku yeedhay in aan idiin sheege in madaxwaynaha Somaliland Daahir Riyaale uu xilkii ummadda aan u hayay igala noqday, kamana xumi oo xilku waa meerto haddii loo dhiibayo cid hanan karta.”

    “Waxaan ummada Somaliland gaar ahaan dadwaynaha gobolka Gebilay ka soo jeeda aan ku boorinayaa in ay nabadgelyada ilaaliyaan oo ay ka wada shaqeeyaan sidii shaqaaqada beelaha walaalaha ah loo dhamayn lahaa, si xal looga gaadho,” ayuu yidhi mudane Nuur Amiin,waxaanu intaa raaciyay “Haddii aan u soo noqdo arrimaha keenay xil ka qaadistayda, waxay salka ku haysaa arrimaha ka taagan galbeedka oo aanaan isku aragti ka ahayn horayso iyo dambaysaba Madaxwaynaha Somaliland.”

    Wasiirkii hore ee Madaxtooyadu wuxuu canbaareeyay tallaabadii horaantii todobaadkan ay dablay hubaysani ku dileen jidka u dhexeeya Dila iyo Kala-baydh afar qof oo socoto ah, waxaanu falkaasi ku sifeeyay mid aanay dhaqan u lahayn bulshada Somaliland, waxaanu xukuumadda uu ka tirsanaan jiray ugu baaqay in ay sharciga hor keento kuwii dilkaas fuliyay.

    Mudane Nuur Aamiin oo la waydiiyay waxyaabaha madaxwaynuhu u cuskaday xil ka qaadistiisa ay ka mid ahayd in uu ku lug yeeshay sii hurinta collaadan ama uu wax ka qaban waayay, ayaa sheegay in Madaxwaynuhu

    saluugay oo uu xilkii ka qaaday, balse waxa uu ka gaabsaday in uu tafaasiil intaa ka badan ka bixiyo xil ka qaadistiisa.

    BNN

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: