SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Waxaad Shalay Diiday Dad Kale Inay Diidaan Xaq Manayn u Lahayn Waa Yaabe?

    Posted by Sawnews.tk on July 15, 2009

    big questionDilka waxshinimada ah ee ka dhacay  jidka Kalabaydh iyo Gabiley  u dhexeeya  waxa ku kacay dad aan aqli badan lahayn lahay oo lagu shaqaysto. waa waxa la yaab leh in dad jid iska maraya oon cidna la dagaalansanayn inta la qafaasho sin xunna loo dilo,  Beeshii ay dhibtu gaadhay dad badan oo nabadd jecel oo tacsi soo gaadhsiiyay way jiraan. Haddana waxa muuqatana inaan dawlad ku sheegga in badan oo xumo ka tallis ihi ay weli qasayaan oo

     

     aanay qaadin tallaabooyinkii loo baahnaa. Qaarkoodna ay ku meeraysanyaan hadallo aan loo haahnayn oo nabadda sii fogaynaya waxan ka mid ah
     
    1. Ilaa hadda waa la ogyahay dadkii dhibtan gaystay iyo wixii ka danbeeyay. Daawada iyo dadka degaankaasi  waa la wada garanyaa oo maxaa loo xallilli waayay ee loo soo qaban waayay. Awalba waxa xeer ahayd in qolada dhibta gaystaa ay  keeni jirtay danbiilaha. Mar baa la wada aasi jiray danbiilha iyo ka dilay.
     
    2. Waxan maqlayaa waxa suldaan ku sheeg ah ama in yar garad ah oo hadal haya calan laga qaatay Boorama.  Waddanka dadka lilhi xaq bay u leeyihiin waxay ka waddankooda ku dhex samaynayaan. Kuwaasi waa kuwii shalay diiday calankii Somalida markay ku tiriyeen calan qabiil ama calan aan caddaalad ku dhisnayn. Maxaa dadka Boorama maanta u diiday inay sidoo kale ka gilgishaan calanka ee ku eedaynayaan inuu caddaalad ku dhisnayn. waxaad shalay diidanayd dad kale ha ku samayn. intaa miyay garan waayeen kuwan noo diidaya inaan waddankaya ku haysanno waxaan doonno. mar labaad kuwaa aan xusuusiyo ee shalay bay ahay markaad diideen calankii aad eedaysaan. Anna kan waan eedeeyay.
     
    3. waxa la yaab leh saddexdii xisbi ku sheeg ee siyaasiyiinta isku sheegayay midna ma canbaarayn foolxumadii ugu waynayd ee dhacday intay jirtay Somaliland. Taasina waxay muujinaysaa inay axsaab qabiil yihiin ee aanay ahayn kuwo dadka ka dhexeeya.
     
    4. Dadka xumo-ka-taliska  sida Muuse Biixi oo yidhi reero dagaal dhexmaray.  wuu ogaa in dad aan waxba galabsan jid laga qaatay oo waliba la qalay sidii xoolaha. kaa soo kale ayaa ka taliya waddanka la rabo in lagu wada noolado mana suurtoobayso.
     
    5. Waan soo wada aragnay waxay dawlad iyo qabiil keenaan. waan soo aragnay dagaal dhibtiisa. Maantaa dib loo bilaabay waxana bilaabmay burburkii beenta la dhisay. Haddii dawlad run ah la gaado maxay samayn lahaayeen ku maanta durba sidan samaynayaa

     

    Ugu dabayn waxaan ku talinayaa inta aan taalabo kale la qaadin in dadkii falkan gaystay degdeg loo hor keeno caddaalada waa hadii ay jirto caddaaladi .

     

    Jamac Caynaan

    London UK

    jaamacyare99@hotmail.com

     

    Sawnews kama masuul ah waxii aragti ah ee ay akhristashaasu soo gudbiyaan waa mid ku kooban aragtida qofka qoray maqaalka.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: