SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warsaxafadeed Madaxtooyada kasoo baxay: Xilka Qaadis iyo Magacaabis Xil

    Posted by Sawnews.tk on July 15, 2009

    kafadWar-saxaafadeed

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray Afar Digreeto Madaxweyne oo isugu jira Xil ka qaadis iyo Magacaabis.

    Digreetooyinkaasi Madaxweyne ee isugu jira Magacaabis iyo xil ka qaadis waxa ay kala yihiin sidan:-

    1.Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda ganacsiga Mudane, Cismaan Qaasim Qodax, isla markaana waxa uu Wasaaradda

    Ganacsiga u Magacaabay Madaxweynuhu Mudane, Abiib Xasan Fil-fil in uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga.

    2.Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xilkii Wasiirnimo ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane, Nuur Aamin Ismaaciil, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu faray in uu si ku meel gaadh ah xilka ugu wareejiyo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Xasan Axmed Ducaale inta cid loo soo magacaabayo.
     

    3.Waxa kale oo uu Madaxweynuhu u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Mudane, Xuseen Caynaan Faarax oo uu ka geeriyooday Ilaahay ha u Naxariistee Marxuum Cabdi Xasan Buuni.

    Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu masuuliyiintaasi xilka loo magacaabay faray in ay sida ugu dhakhsaha badan xilka ula kala wareegaan.

    Alla Mahad leh

    Axmed Maxamed Ciise
    Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha,
    Ahna Ku-simaha Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: