SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Daawo Sawirada:Ergo Balaadhan oo ka kooban salaadiin iyo culimo iyo Ganacsato oo soo gaaray Borama.

    Posted by Sawnews.tk on July 15, 2009

    IMAG0050

    Borama(Bnn)-Salaadiin, Cuqaal Waxgarad Ganacsato waaweyn  oo magac ku leh Somaliland oo tiradoodu kor u dhaafayso Afartameeyo ayaa hadda soo gaadhay Magaalada Borama.

    Ergadan Balaadhan oo kasoo kicitimay Hargeysa ayaa u badan Salaadiinta Gobolka Hargeysa iyo Qaar kale oo iskaga yimid gobolada Somaliland una socda sidii loo dajin lahaa Colaada Ceelbardaale iyo dhibaatooyinkii ka dambeeyey.

    Ergadan Culus ayaa ku dagay Hotel Rays ee Magaalada Borama iyadoo la filayo inay Kulamo la qaataan Salaadiinta Awdal si meel loo dhigo dhibaatadii dhacday xalna looga gadho Arrinta Ceelbardaale.
    Ergadan ayaa  waxaa  qado sharaf  u sameeyey Maamulka iyo salaadiinta Gobolka  Awdal.

    Qadadaaska  dib  wax  halkaas  hadal soo dhawayn ah  ka jeediyeyGudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige iyo Sheekhul Baladaka Sh.C/laahi Sh.Cali Jawhar  oo labadooduba  si fiican ugu  soo dhaweeyeyGobolka.

    Intaaka  dib  waxaa ay  Ergadu  u kacday  Dhinaca Guriga Martida ee (MAANO GUEST HOUSE) oo ay wada hadalo kula yeelan doonaan  cuqaasha iyo wax garadka  Gobolka Awdal.
     
    Waxaa aad  loo adkeeyey Amaanka Guriga Martida ee Maana oo  ay  wada hadaladu  ka socdaan, ciidan xoog  leh ayaa lagu  wareejiyey  si  ay u sugaan amaanka Goobta  wada hadalada.

    IMAG0050IMAG0045ffadadadadadaadadadadad

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: