SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Taliyaha Ciidanka Qaranka oo laga Wareejiyey Dajinta Colaada Ceelbardaale, Yaase lagu Wareejiyey?

    Posted by Sawnews.tk on July 14, 2009

    taaniBorama(Sawnews/Bnn)- Taliyaha Ciidamada Qaranka JSL Md Nuux Taani ayaa laga wareejiyey Xalinta Colaada Ceelbardaalle kadib markii eedeymo badan losoo jeediyey.

    Mr Taani ayaa si weyn loogu eedeyey Tamardari iyo inaanu waxba ka qaban Colaada Aloosnayd, iyadoo sida wararku xaqiijinayaan uu Taliyaha iyo Ciidankuba ku sugnaayeen Jiida dagalku ka qarxay, oo aanay wax talaabo ah ka qaadin dagaalko maalin dhan socday.

    Shir ay shalay ku yeesheen Magaalada Borama ayaa odayaasha Borama si weyn ugu eedayeen Nuux Taani inuu waxba qaban oo uu ahaa saxaafad oo kale uuna soo tabinayey waxa dhacayey, balse aanu talaabo Qaadin.

    Sida wararka nagu soo gaadhayaan,  waxa hogaaminta Ciidanka ee Dajinta Colaada Ceel Bardaale lagu wareejiyiey Taliyaha Ciidamada Xeebaha Somaliland Gen Maxamed Xudhuun kaas oo Ciidan badan keenay Magaalada si ay uga hor tagaan warar la helay oo xaqiijinaya inay jirayn Ciidan Beleedyo iska abaabulayey Magaalada Borama iyo Hareeraheeda.

    Ciidanka Xeebah oo wata Gawaadhida yaryar ee dagaaalka ayaa ilaa xalay gaaf wareegayey Magaalada Borama kuwaas oo amaanka sugayey waxana jira wada hadalo la filayo inay maanta ka furmaan Magaalada Borama kuwaas oo la sugayo Ergo Balaadhan oo dhinaca Hargeysa ka imanaysa.

    waxa isa soo taraya Eedemaya loo jeedinayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cirro iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Md Taani oo lagu eedenayo inay ka soo bixi waayeen hawshii qaran ee saarnayd kadib Dagaalka oo socda aan loo dirin ciiddan xoogan oo kala dhex gala, iyo iyadoo raga jidgooyada sameeyay ay  Habeeenkii oo dhan ku suganayeen jiddka u dhexeeya Borama iyo Gabiley oo aan hal askarina isku dayin inuu wadada ka qaado ama ay wax ka qabtaan.

    waxa intaa dheer in ilaa hadda  aan la hayn Cidii dishay Afarta nin iyo waliba Raga iyo Gawaadhida wali maqan oo aan meel lagu sheegin waxana Sallaadiinta Borama oo shalay Shir ku qabtay Borama ay canaan kala dul dhacayn Wasiirka iyo Taliyaha.

    Isku Soo wado Duubo waxa la eegaya halkay saldhigato arrinta Ceelberdaale oo Ceeb weyn ku noqotay Dowlada gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka.
    taani

     

     

     

     

     

     

     

    Tani taliyaha ciidanka qaranka

    Borama News Desk

    2 Responses to “Taliyaha Ciidanka Qaranka oo laga Wareejiyey Dajinta Colaada Ceelbardaale, Yaase lagu Wareejiyey?”

    1. Mohamed Mousa said

      Haddi Bisada iyo jiirku u saaxiibaan guriga, gurigaasi u xumaadaa. Taliyaha ciidamada iyo Wasiirka Guduhuba iyo qabiilka ku falka xunba waxay ku saaxiibeen arintaas.

    2. TALO said

      TAANI BAASTO MADHEERA U DIRA,CUSURIGA CAADIFADU KA BUUXDO EE QADHMUUNKA WAYN.

      CIRANA WAA NIN WACAN BALSE ARINTAN KU FASHILMAY HA NOOLADO INTUU QABTAA BADANE
      KALIYA HALA BADALO

      HANA LAGU BADALO GEESIGA SOOOMA JEESTAHA CIMAAN HINDI, NINKAASAA U QALMA WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: