SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo Beesha Gabiley ugu Baaqay inay Si Deg Deg ah usoo Qabtaan Nimankii Falka Dilka ah Geystay

    Posted by Sawnews.tk on July 14, 2009

    P01215200892425Hargeysa(Sawnews)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in falkii jid-gooyada ahaa  ee lagu dilay afartii nin ee laga qabtay wadada u dhaxaysa Gebilay iyo Boorama in uu ahaa fal fool xun oo ka baxsan dhaqanka, waxaanu uu soo jeediyay in gacan ku dhiiglayaashii falkan geystay si deg-deg ah sharciga loo hor keeno.
    Sidaa waxa uu Suldaan Maxamed  ku sheegay Wareysi uu Xalay siiyey Tifiiga Qaranka Somaliland, Waxa kale  oo uu sheegay in la baadho cidii ka danbeysay in lagu Jeex-jeexo Calanka Somaliland Gobolka Boorame, isla markaana ku tilmaamay inay ahayd arrin lagu duminayo qaranimada Somaliland

    Suldaan Maxamed Cabdiqaadir waxa uu ugu baaqay  labada beelood ee walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhaxmartay Deegaanka Ceel-bardaale in xaalada  lagu qaboojiyo wada jir, isaga oo si gaar ah  uga codsaday Odayaasha dhaqanka Gabilay in ay  gacanta Xukuumada soo geliyaan dadkii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee ku kacay falkii foosha xumaa ee lagu dilay afartii nin ee`safarka ahaa.

    “Odayaasha reer Gabilay waxaan leeyahay arintu idinkay idiin taalaa, ummada reer Somaliland idinka yeeli mayso nimankii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee dilkan geystay la garan maayo.Anagoo Hargaysa joogna ayaanu warka haynaa, rag reer loo aaneeyo waa in aanay ku sifoobin,idinkana dedaal ayay idinka sugayaan reer Somaliland sidii loo soo qaban lahaa nimankaa gacan ku dhiiglayaasha ee loogu dhiibi lahaa Xukuumada.Anagu meeshan uma aragno arinkii ka taagnaa Ceelbardaale in lagu dabaqaayo falkan, waxaan u arkaa arin lagu dhaawacaayo qarannimada iyo dib ula soo noqoshada gobonimada Somaliland, cidii falkan geysatay hadii ay yihiin Xisbiyo ama cid u jeeda heshiiskii Madaxwaynaha iyo Odayaasha reer Gabilay in ay dhaleecayso, oo marka horeba warbaahinta laga sii daayay, markaa maaha arin reerku u dhan yahay”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.

    Suldaan Maxamed Cabdiqaadir  waxa uu u soo jeediyay beelaha ka soo jeeda deegaanka Dila ee Gobolka Awdal in aanay ka ficil qaadan dhac-dadan oo ay cagta u dhigaanwaxaanu yidhi, “Iyadoo arintu sidaas tahay reer Maxamuud Nuur waxaan leeyahay cagta u dhiga oo arinkaa haka ficil qaadanina, hadii ay arintu ka dhici lahayd Ceelbardaale iyada lafteedana nusqaan ayay ku noqon lahayd ee maanta samra, cidii falkaa fulisayna gacan bir ah ayaa lagu soo qaban doonaa, maaha cid qarsoon ee waa rag tilmaaman oo la ogyahay, waana la sheegi doonaa, laakiin waa in ay nooga horeeyaan warka reerka ay u dhasheen cidii falkan geysatay oo nin iyo nin ayaa loo og yahay, arintu maaha mid lagu dabaqaayo shaqaaqadii Ceelbardaale ee waa arin qarannimada Somaliland lagu duminaayo.”

    Suldaanku ayaa wax aan loo dulqaadan doonin ku tilmaamay, isla markaana ku baaqay in deg deg ah loo dhameeyo dirirta beelaha walaalaha ah ku dhex martay deegaanada Ceelbardaale, waxaanu yidhi. “ Taas oo kale u dulqaadan mayno, wiigaa inagu soo socda  hadaan arinkaa wax laga qaban,  anagaa tilmaami doona cida awooda u leh”.

    isaga oo  hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dhacbaa la sameeyay dariiqooyin fool xun  ayaa la galay oo tii Xamar ka dhacaysay ayaa Hargaysa la keenay, waxaana laga yaabaa in raga falkan gaystay ay meel kale ku lug lahaayeen oo ururo ama Axsaab ah, laakiin maaha rag loo aanayn karo qadiyadii Ceelbardaale, waxaanu shacabka reer Somaliland ku guubaabinayaa in arintaasi waa mid manta kaw ah oo u baahan in laga hortago oo laga feejignaado waana midhka aynu u baahanahay, waxaanan leeyahay shacabka reer Somaliland nabadgalyadiina ilaaliya.”

    Suldaan Maxamed waxa uu ka hadlay in intii ay Somaliland gobonimadeeda qaadatay falal badan oolagu dumiyo qaranka Somaliland in la isku dayay waxaanu yidhi. “ Dhawr iyo labaatan sanadood ayaa laga joogaa intii Somaliland qaadatay xornimadeeda waxaana la isku deyay boqol fal oo ka xun oo la tijaabiyay, balse waxa yaab ila noqotay calankii Somaliland ayaa la jeex jeexay, calanka waxa lagu jeex jeexay hala waydiiyo cidii falkaa samaysay, oo waxa laga taagay calankii somaliya, anigu maan rumaysan, balse umada reer Boorama waa halkii calanka Somaliland laga taagay, golihii guurtida ee barigaa taagnaa waa kaa wali taladii haya, umada reer Somaliland waxaan leeyahay wada jirkiina ilaaliya.”

    Source: Saxansaxo

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: