SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Maanta Ka Warbixiyay Xaalada Magaalada Boorama Ka Dib Dhacdooyinkii Is xigay

    Posted by Sawnews.tk on July 14, 2009

    dsc04996.JPGBorama-(Lug)-Badhasaabka gobolka Awdal ayaa maanta faahfaahin ka bixiyay dhacdooyinkii isxigay ee 11 iyo 12 bishan, xaalada amniga ee magaalada isla markaana cambaareeyey cidii gaysatay dhacdadii lagu qafaashay dadka aan waxba galabsan isla markaana lagu laayay.

    dsc04996.JPG

    Badhasaabka oo shirkaasi jaraa’id ku qabtay Xarunta Qaybta Booliiska ayaa waxaa hareero fadhiyay taliyaha Ciidanka Xeebaha Gen.Maxamed Xudhuun iyo ku xigeenkiisa, Taliyaha qaybta Booliiska C/laahi indha Qarsho iyo taliyeyaal kale.

    dsc04998.JPG

    Badhasaabku isagoo shirkaasi jaraa’id ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan cambaaraynayaa kuwii wax qafaashay kana qafaashay qoolka u dhaxeeya Dila iyo Kalabaydh waxaan leeyahay waa niman iimaankoodu daciif yahay, caqliga ka foolxun oo Fulayaal ah oo aan cidna u tudhayn, waxaan tacsiyaynayaa umadda reer Awddal iyo reer Somalilandba waxaanan leeyahay ragaa waxa lagu dilay baadil”.

    dsc05000.JPG

    Mar uu ka waramayay dhacdadan waxa uu badhasaabku yidhi “ waa arrin xaaraan ah oo aan xeerka islaamka, dhaqanka suuban iyo kan Somaliland ba ku jiran horena aan reer Somaliland looga aqoon in dariiq cid socota lala dego oo la gowraco, dadka sameeyey falkan reer qabiil u nisbayn maryno waxaanan leeyahay waa budhcad caqli xun oo afraad ah”.

    dsc05002.JPG

    Badhasaabku mar uu ka waramayay talaabooyinka ilaa iyo hada xukuumadu qaaday ayaa waxa uu yidhi “ dowladu waxa ay balan qaaday in la soo xidhxidho oo maxkamad la hortaago budhcadaasi waxaanan ku celinayaa in Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliand Md.Daahir Rayaale Kaahin uu amar cad ku bixiyay in maxkamad la horkeeno ragaasi, goobta mashaqadu ka jirtana laga dhigo Sona Biridaale (Dhul aanan cidna lahayn).

    Waxaa kale oo uu badhasaabku ka hadlay Mudaharaadadii ka dhacay magaalada Borama waxana uu yidhi “Horta maalin dhawayd caruur yar yar ayaa na rabishtay, booliisku wuu naga maqnaa oo waxa uu tagay xaga ay mashaqadu ka dhacday  waxana joogay magaalada 25 Askari, Niman waawayn oo caqli xun oo la mid ah kuwa budhcada ah ee raga qafaashay ee rabay inay fidiyaan fariintay wateen dadkaasi budhcada ah ayaa caruur yar yar dhagaxaan iyo Maro buluug ah usoo dhiibay oo na rabishay, booliiskuna way dadaaleen inkastoo aad loo dhagaxeeyey oo uu askari xabad kaga fakatay ilmo yar isagiina aan soo qabanay oo gacanta ku hayno”.

    Badhasaabku mar uu ka waramayay xaalada imika waxa uu yidhi “way dhamaatay rabshadaasi dhulkuna waa nabad, Awdalna cidna wax laguna yeelin , laguna yeeli karo, cidii is lahayd halkaa dadka jooga hala laayo marka aad halkan wax ku samaysaan waxaan leeyahay kuwani dambi ma galin cidna wax ba uma dhimayso.

    Kuwa caruurta daba joogana waxaan leeyahay fulaynimada daaya hasoo dirina caruurta dalku waa dimuqraadi, barxada yimaada oo mowqifkiina cadeeya, waalidka caruurta dhalayna waxaan ku adkaynayaa inay caruurtooda ceshadaan.

    Badhasaabku waxa uu u mahad naqay ciidanka qaranka xeebaha iyo Taliye Maxamed Xudhuun oo uu sheegay inay soo gurmadeen isla markaana gacan ka gaysteen xasilida iyo sugida amniga.

     

    Wariye:-
    Abokor Hasan Affi
    Lughayanews-Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: