SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • SAMADOON: BAAQ NABEED‏ by. Dr Elmi M. Nur

    Posted by Sawnews.tk on July 13, 2009

    shibirMarka hore waxaan halkan tacsi uga dirayaa ehealadii iyo ummadda nabadda jecel ee Soomaalilanba, shacabka afduubka lagu laayey iyo inta kale ku dhimatey dagaallada kasoo cusboonaadey degaanka ceel bardaale.

    Dhacdada naxdinta leh ee cusubi waxey dhaawac culus u geysatey geeddi socodka xasiloonida, iyo wadajirka ummadda Somalilaand ay ku naaloonaysey. Shaki kuma jiro in ficilka noocan ahi u adeegayo kuwo ay dhibeyso deganaanshaha iyo wadajirka shacabka walaalaha ah iyo horumarka dalkan curdinka. Waa nasiib darro in xilli Soomaliland isu diyaarineyso iney dhammeystirto nidaamkeeda dawladnimo uu falkan arxan darrada ahi dhaawac culus u geystey dhaqanka suubban iyo ehelnimada ummadda wada deggan.

    Waxaase ayaandarrada ugu weyni ey noqoneysaa marka budhcadda xasuuqan foosha xun geysatey ee argagax ku ridey dhammaan inta samaha iyo wanaagga rabta lagula galgasho qabiil iyo isir wadaag ammaba siyaasad iyo kursi doon gaaban. Si gaar ahaaneed salaadiinta, waxgaradka iyo maamullada ay khuseyso waxaan u xasuusinayaa in dulmiga oo lala duubto ammaba caddaaladda lagala gabbado ay tahey dhuxula dab ah oo kula nool, aakhirkina gubi doona if iyo aakhiroba inta ku taageertey falkaasi. Taariikhda iyo waxa hareeraha ka dhacaya waa darsi lagu cibro qaato marka fal dambiyeedka sida kanserka u faafaya la iska qaban waayo, kuna dambeyso in cidwalliba itaalkeeda ku ciil baxdo. Sidaa darteed waxaan codkeyga ku biirinayaa dhammaan inta taladu ka go’do ee nabadda iyo wanaagga, waxaanan xukuummada hoggaan dhaqameedka iyo waxgaradka  mashaqadani gaarka u khuseyso kula talinayaa:

    1. In Ilaahey loo laabto lagana wada baryo inuu samaha iyo wanaagga kusoo celiyo inta wali ololaha ugu jirta colaad sokeeye oo laga qoomameyn doono.

    2. In aan marnaba la simin ammaba la isu xidhin shuftanimada iyo dilka waxashnimada ah ee dadka shacabka ah ee abriyada ah lagu xasuuqey xoolohoogiina lagu qaatey iyo qaddiyadda beeraha lagu muransan yahey. Waligeed Soomalidu beer iyo daaqsin wey isu qaban jirtey mararka qaarna isu dirir ijirtey dabadeedna laga heshiin jirey. Qaddiyadda Ceel bardaalena in kabadan 15 sano ayey taagneyd, hase ahaate marna kamey soo tallaabin soohdinta la isu hayo iyo beeraleyda ay ka dhaxeyso. Falka maantu waa mid ugub ku ah diinta dhaqanka iyo sooyaalka mandiqada, una baahan in wada jir wax looga qabto fitnada ay horseedka ka taheyna laga gaashaanto.

    3. In marka koowaad budhcaddii falkaa geysatey sida ugu dhakhsaha badan sharciga loo horkeeno. Waa in xukuumad ahaan iyo salaaddiinta ay khuseyso si wada jir ah uga tacsiyeeyaan ehaladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadka jidka lagu laayey lagana samirsiiyo.

    4. Waa in ammaanka waddooyinka halbowlaha u ah socodka gaadiidka iyo dadweynaha  si mas’uulidi kujirto loo ilaaliyaa, waxaana mudan in maamullada ay hoostagaan goobta falkani ka dhacey lagula xidsaabtamo.

    5. In si caddaaladi ku dheehantahey  wadajir loogu howlgalo sidii xiisadda ka taagan dhulbeereedka Ceelbardaale iyo degaannada labada gobol (Awdal iyo Gabiiley) ku moronsanyiihiin  xal waara looga gaadhi lahaa, taasi oo aragtideyda ay lagama maarmaan tahey in saddex dhinac laga eego:

     

    §  Dejinta xiisadda iyo nabdeynta beelaha: Shaki kuma jiro doorka nabadeynta iyo dhexdhexaadinta golaha guurtida iyo mas’uuliyadda baaxadda leh ee saaran, hase ahaatee, la iskama indha saabi karo in muhimmadda guurtidu tahey iyagoo adeegsanaya khibraddooda dhaqan iney damiyaan colaadaha iyo khilaafka beelaha, isfaham iyo isusoo dhaweeyaan oo heshiis dhexdhigaan dhinacyada is haya. Hase ahaatee ma aha muhimmaddoodu iney maxkamad ka noqdaan ammaba hay’addii fullinta oo dhinac xoog ku oggeleysiyaan go’aannadooda. Haddii labada daraf ee is haya midkood ku qanci waayo go’aannada guurtidu gaadho waa iney dacwaddu u gudubtaa hay’adaha sharciga marlabaadna dib loo eegaa, go’aannada kama dambeysta ahna la dhaqan geliyaa. Mana aha guurtidu iney ka garnaqaan wax shraciaddiisa leh ammaba hanti mulkiyaddeeda leh sida dhul beereed ammaba iney ka garsooraan xuduud goboleedyada. Muhimmadda guurtidu waa mid dhaqan oo ku saleysan walaaleyn, dibu heshiin iyo xaqsoor is cafis iyo saamaxaad ku saleysan oo la isu waafaqsan yahey, go’aankooda ugu dambeeyaana ku dhisan yahey qodobada dhinacyada is hayaa heshiiska ku wada yihiin.

     

    §  Qeexidda lahaanshaha dhul beereedka: Mar haddey qaddiyadda ceelbardaale daba dheeraatey go’aannadii guurtidana lagu wada qanci waayey, waxey u baahan tahey in dib loo eego beeraha la isku haysto iyo lahaanshahooga shakhsiga ah iyadoo loo eegayo mulkiyadda sharci ahaaneed ee lagu bixiyey si waafaqsan xeereraka lahaanshaha beeraha. Qofkastana loo calaamadeeyo beertiisa shakhsiga ah ee uu gaarka u leeyahey. Waana hawl u baahan iney hay’adaha dawladda ee ku shaqada lehi iyagoo la kaashanaya cidkasta oo ay khuseyso degdeg u xalliyaan.

     

    §  Kala xadeynta gobollada iyo degmooyinka: Sidoo kale waa in la qeexo xuduudda maamul ahaaneed (adminstrative borders) ee degmooyinka wadaaga dhulka lagu moronsanyahey sida Baki iyo Gbiiley oo muddo dheer dadka degaanka ku riddey jaha wareer, iyadoo shacabka degaanka lagu wacyi gelinayo waxa ay ka dhigan tahey xadeynta maamul ahaaneed ee gobolladu iyo sidaaney haba yaraatee noloshooda wax ka beddeleyn ammaba saameyn ugu laheyn degmo kasta oo ay beertoodu ammaba dhuldaaqsinkoodu raacsanyahey. Masuuliyaddani waa mid ay ka gaabiyeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamullada hoos yimaadda, waxaanan ugu baaqaya xukuumadda iyo masuuliyiinta ay khuseyso xalwaara ka gaadhaan iyagoo raacaya xeerarka u yaalla ee kala xadeynta goobollada iyo degmooyinka dalaka.

     

    Gunaanad aahaan waxaan xukuumadda, golaaysha dawladda, salaaddiinta dhaqanka ee Sommaliland ugu baaqayaa in si wadajir ah oo ka fog caadifada qabiilka iyo xamaasadda beeleed loogu guntado sidii nabadgelyada loo ilaalin lahaa, kuwa geystey faldambiyeedkan ee jecel in doonta nabbaddu ku qarqoonto mawjadaha halaagga badan ee hareeraha ka dhacayana gacan adag oo wadareed lagu qaban lahaa. Guushu waxey ku jirtaa in fal dambiyeedkan lagu koobo ciddii geysatey, fashilka ugu weynina wuxuu ku jiraa in laladuubta dambiilayaasha iyo in aargoosi lagula kaco shacab abriya ah. Waa in maanka lagu hayo in shakhsigu dambiga uu faley keligiis mas’uul ka yahey oo aan magac tolnimo lagu banneysan karin dhiigga ruux aan waxba geysan ’nafina ma xambaarto dambiga mid kale’ sidoo kalena magaca reerka iyo tolnimada yaan lagu wasakheyn dulmi dhowr qof geysteen. Taariikhda aan ka baranno in nabaddu dhammaanteen u baahan tahey, oo aanan cidnaba looga maarmi karin, colaadda iyo fitnadana tiro yari ku filaan tahey iney huriso.

     

    Tawfiiqda Eebbe

     

    Dr. Elmi M.Nur

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: