SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Maxay ka Wada Hadlayn Rayaale iyo Saleebaan Gaal

    Posted by Sawnews.tk on July 13, 2009

    riyaale_saleebaan_2Hargeysa(Sawnews)-Ilo xogogaala oo aanu ka halnay qasirga madaxtooyada ayaa noo sheegay in maalintii arbacadii todobaadkan ay madaxweyne Rayaale iyo guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) ay kulan wada hadal ku yeesheen qasriga madaxtooyada

     taas oo sida ay tibaaxuhu sheegeen uu kulan kaasi ka dhashay hindise xildhibaano ka tirsan oo uu hormood u yahay xaaji Cabdi Xuseen (cabdi waraabe) oo baryahan dambe iskaga dab qaadayey isku soo dhaweynta labadoodda dhinac la sheegay inay ku qanciyeen sidii ay kulan wada hadal uga yeelan lahaayeen khilaafka dhexdooda, taas oo tibaaxuhuna sheegeen in madaxweyne Rayaale iyo gudoomiye Saleebaan ay ka aqbaleen dadaaalka Xildhibaanada haseyeeshee madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay in maalintii salaasadii khadka telefoonka kula soo xidhiidhay guddoomiye Saleebaan Gaal taas  darteedna la sheegay inuu ka codsaday in kulan ay iskugu yimaadaan.

    Kulankan madaxweyne Rayaale iyo guddoomiyaha golaha Guurtida  ay ku yeesheen qasriga madaxtooyada oo aan si rasmiya loo ogayn ajandaha ay ka wada hadleen iyo in wax is afgarad ay ka gaadheen khilaafkii  dhexyaalay ayaa hadana waxay ilo xogogaala oo u dhuun daloola Qasriga madaxtooyadu ay noo sheegeen in kulankaasi ay si guud iskaga xogwaraysteen qaabka ugu haboon ee ay u xalin karaan una turxaan bixin karaan ismaandhaafka iyo wada shaqayn la’aanta ka dhex jirta taas oo tibaaxuhu  sheegeen in si guud ay iskula afgarteen in meesha laga saaro wixi khilaafaada ee dhexyaala taas oo ilo xogogaal ahi noo sheegeen in madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha golaha Guurtidu Saleebaan Gaal ay iskula qaateen kulan dambe oo ay u balameen todobaadka danbe sidii ay u guda gali lahaayeen xalinta wixii khilaafaada ee jira

    Waxaanay toddobaadkii u dambeeyey mudanayaasha golaha Guurtida oo ka soo doogay khilaafaadkii ka dhashay muddo kordhinta madaxweyne Rayaale oo goluhu laba garab ugu kala qaybsamay ayuu si taxadir leh isha ugu hayaan kulana dhex maray madaxweyne Rayaale iyo guddoomiyahooda taas oo ay su’aalo iska waydiinayaan natiijada ka soo bixi  doonta wada hadalada u furmay madaxtooyada iyo hogaanka shirgudoonkkooda, kaas oo khilaafkooduna saameyn weyn ku lahaa kala qaybsanaantii golaha dhexdiisa ka jirtay oo loo arkay mid asal kiisu ka yimid, khilaafaadka cakiran ee u dhexeeyey madaxweyne Rayaale iyo guddoomiye Saleebaan gaal.

    Haatuf.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: