SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Faallo:Waa maxay Sababta ay Reer Borama U qaateen Calanka Somalia ?

    Posted by Sawnews.tk on July 13, 2009

    ist2_6212280-orange-man-and-the-big-questionsida aynu wada  ognahay waxa uu dagaal ka soo cusboonaaday Dhul beereedka Ceel-Bardaale ee  u  dhexeeya Dilla  iyo  Gabiley.

    Hadaba  colaadahaa  ka sakow  waxaa  ayaguna  jidgooyo  sameeyey  beel ka  mid  ah labada beelood  ee isku  haysata dhulbeereedkaa Ceel-Bardaale gaar ahaan beesha ka soo  jeede Gobolka Gabiley.

    Jidgooyadaas waxaa ku  dhintay  Afar nin  oo  aan  waxba  galabsan  kana  mid  ahayn  beelaha isku  haya dhulbeerkaas ceel-bardaale oo iyagu ku  jiray  safaro  ay  ku fushanayeen  hawlahooda.

    Sidoo  kale  waxay  qaafaalasho  ku  hasytaan dhawr Baabuur iyo  waliba  ilaa todoba  nin  oo kale  oo  ilaa  hada  aan la garanayn  halka ay ku sagan  yihiin.

    Xukuumada S/land  ayaa  go’aano  ka  soo  saartay  in  la  soo  qabqabto  dadkii  jidgooyada  sameeyey  ee  dadweynaha aan  waxba galabsan  afduubay  ka  dibna  dilay, ilaa  iyo hada  lama  soo  qaban dadkii jidgooyada  sameeyey  afarta nina dilay,dilkan  loo  gaystay  dadweynaha  isticmaalayey jidka  isku xidha Borama iyo Hargaysa  ee  aan  waxba  galabsan  ayaa  ahaa  mid   aad  uga  cadhaysiiyey dadwenaha Reer Borama ee  shalay lulayey  Calanka Somalia.

    Hadaba dadweynaha reer Borama waxay is waydiinayaan  aaway Go’aankii  xumkuumada ka soo saartay dadka jidgooyada  sameeyey ?
    maxaa  loo soo qaban  laayahay ? markii  laga  soo  qaadayey  Maydka  afarta nin  waxaa ka  dooney  ciidanka booliska  iyo Maamulka Gabiley iyo salaadiin  maxay  u  soo  qaban  waayeen dadkii  falkaas foosha xun leh ku kacay ?  Xukunka  dawladu ku dhawaaqday ma waxaa ka xoog roonaaday Qabiil ? . Dadweynaha reer Borama ayaa is weydiinaya Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan oo la nooc ah oo aanay Jawaab saafiya u ahayn.

    Dadka Mudaharaadayey ee Dhalinyarada u badnaa waxa ka cadhaysiisay sida dhibta yar ee loo laayay raga iyo waliba iyadoo aan cidna loo hayn nimanka dhintay, taas baa keentay baa la odhan karaa in Cadhadu ka tan badatu Dhalinyarada ayna qaataan Calanka Somaliya.

     

    Abdiaziz Mohamed Elmi

    Xaaji7777@hotmail.com

    Borama News Network

     

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: