SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciidamo Milatari Oo Gaaf Wareegaya Magaalda Boorama

    Posted by Sawnews.tk on July 13, 2009

    burco-smallBoorama(Sawnews/Bnn) Wararka ka imanaya magaalada boorama ayaa sheegay in guutooyin ciidan oo ka soo kacay xeebta ay soo dageen dhanka galbeed ee magaalada boorama . 

    Ciidan kan ayaa fadhiisin ka sameystay belayga Caro-garanuug iyagoon la garaneyn sobobta loo soo dajiyay goobtaasi . ciidanka ayaa wata baabuurta yar yar ee loo yaqaan 4.5 ka ee ay saranyihiin hubka fudud .

    Ciidanka oo raxan raxan u socda ayaa lagu daadshay magaalada Boorama  iyagoo ay ag socdaan baabuurta hubku yar yar saaran yahay . Ciidankan oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xeebta ee Somaliland Gen. Mahamed Xudhuun ayaa la garaneynin sobobta loo keenay magaalada, iyadoo hore ay u joogeen 200(laba boqol) oo ciidanka amniga ah uuna keenay taliyaha booliska Somaliland kana keenay magaalada Hargeysa habeen sadexaadkii . 

    Dadka magaalada ku dhaqan ayaa caawa socodka yareeyay ka dib cabsi ka abuurantay ciidanka milatari ee gaaf-wareegaya magaalada iyadoo dadku iswaydiinayaan waxay raadinayaan iyo ujeedada loo keenay magaalada ciidankan milatariga ah . 

    Magaalada Boorama ayaa daganeyd maanta iyadoo xaaladeedu caadi  kusoo noqotay maanta ayaa hada waxa dib u bilaabmay cabsi ka abuurantay ciidankan baabuurta hubaysan wata ee wareegaya magaalada .

    Dhanka kale wararka naga soo gaadhaya Ceel- bardaale ayaa sheegaya in maanta wax dagaal ahi dhicin,  goob jooge ku sugan goobta lagu maran sanyahay ayaa noo cadeeyay in labada dhinacba ay heegan ku jiraan, habase ahaatee waxa baajiyay dagaalka buu yidhi waan waan dhexdhexaadineed oo ka socota halkaasi iyo ciidanka dawlada oo la soo dhigay dhexdooda . 

     BNN

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: