SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Boqor Cismaan Buurmadaw oo Si Adag u Dhaleeceyey Dilka iyo Jidgooyooyinka

    Posted by Sawnews.tk on July 13, 2009

    buur-madawHargeysa(Bnn)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw ayaa nasiib daro ku tilmaamay Dagaalkii Ceelbardaale iyo Dhacdooyinkii Xigay ee Todobaankan ka dhacay Jiida Galbeedka Somaliland.

    Boqor Cismaan ayaa Si weyn u dhaliilay Jidgooyooyinka iyo Afduubka Rakaabka ku safrayey Wadada u Dhaxaysay Gabiley iyo Borama, isagoo sheegay in Falkaasi aanu meelna kasoo galin dhaqanka suuban ee Somalida iyo Shareecada Islaamka.

    Boqor Cismaan Buurmadaw wuxu nasiib daro ku tilmaamay sida Bulshada Somaliland uga dhago xidhatay Dhibaatooyinka dhacayey isagoo is barbar dhigay Dhacdadii Buuhoodle oo uu sheegay in yar iyo weyn loo gurmaday, wuxuna intaa ku daray inay tahay wax aan loo dulqaadan karin in Bulshada Somaliland ka aamuska Dhibaatada Dhacday Gaar ahaan Salaadiinta oo uu ku tilmamay qaar ka seexday Hawshoodii.

    Boqor Buurmadaw ayaa ku booriyay Xukuumada Somaliland in talaabo adag laga qaado Cidii geysatay Falalka Waxashnimada ah ee dadka lagu laayey, isagoo dhinaca kale ugu baaqay Kuwa dadka afduubay in lasii daayo cidii la haysto.

    waxa uu Boqorku Canaan aad ah usoo Jeediyey Idaacada Horyaal oo uu ku tilmaamay mid si weyn u buun buunisay dabna kusii shiday Colaada jirtay wuxuna Xukuumada usoo jeediyey in Talaabo Adag laga qaado Idaacada Horyaal.

    Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw wuxu intaa ku daray in Isagu ka qayb qaadan doono Xalinta Mushkilada Jirta uuna tagi doono Meelkasta oo ay la gasho arrintaasi.

    Boqorku wuxu sheegay in Dhibaatada dhacday aanay ahayn Labo Qabiil oo islaayey ee ay tahay Qorshe la doonayo in lagu Mijo xaabiyo Nabada iyo Jiritaanka Somaliland oo uu sheegay in duulaan lagu yahay.

    Boqorku wuxu ugu Baaqay Salaadiinta, Waxgaradka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo Haweenkaba in dhinac looga soo wada jeesto Cidkasta oo waxyeelenaysa Nabada Somaliland loona guntado sidii loo xalin lahaa Muranka dhexyaala dadka Walalaha ah.

    Cabdi Xasan
    Bnn-Hargeysa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: