SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Baaq Ay Soo Saareen Qurbo Joogta Reer Awdal Iyo Salel Oo La Xidhiidha Arinta Jidgooyada Ee Ka Dhacday Inta u DHexaysa Dilla Iyo Gabiley

    Posted by Sawnews.tk on July 13, 2009

    Qurba jooga reer Awdal iy Salel waxay aad uga tiiraansan yihiin falkii jidgooyada ahaa ee ka baxsanaa islaamnida walaalnida iyo wadani nimada  ee lagu laayay iyagoon waxba galabsan qaar kamida gacansatadii iyo aqoonyahadii reer Awdal   waxayna tacsi u dirayaan Ogoontii iyo haweenkii ay aabayaashood iyo ragoodii ku geeriyoodeen falkani naxdin ta badan. 
     
    Sidoo kale waxay aad ug xun yihiiin dagaalada dib uga soo cusboonaaday deegaanka ceelbardaale iyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay dagalaadaas .
     
      Anagoo ka shidaal qaadanayna damiirkayga , dareenkayga , diintayada iyo dadnimadayada , waxaan si qoto dheer u canbaaraynaynaa una  hiifaynaa dhiig miiratadii sida naxariis darada ah falkaasi u filisay  , Sidoo kale waxay qurba joogtu aad u canbaaraynayaan ergooyinkii guurtida ka socday  ee bilihii dhawayd kala dhex galay labada beelood  iskagana dhex tagay intay hawl qabyo ah soo dhoobdhoobeen.
     
     
     
     Qurba jootu waxay ugu baaqaysaa Xukuumada Somaliland
     
    1- In ay sharciga hor keenaan dhiig maratiida ka danbaysay falkan naxdin ta badan
    2-In degdeg loo soo daayo dadka afduubka ku maqan
    3- In ay salka u dhigtaan sidii ay mushkiladan uga gaadhi lahaayeen xal waara
    4- In ay dadka ku kala saaraan kitaabka Alle Isaga ayaa cadaalad ahe
    5- In ay dhexdhexaad u noqdaan labada beelood , oo aanay dhinacna u xaglin , cidoo la duri karo dhex dhexaad nimadooda ama dana siyaasadeed lagu tuhmaayo laga saaro ergooyinka .
    6- In ciidamada hubaysan ee lagu argagixiyay dadka reer boorama laga dulqaado laguna celiyo halkay ka yimaadeen ama goobta dirirtu taal
     
     Qurba joogtu waxay ugu baaqayaan dadka reer Awdal 
     
     1- In ay ka foojignaadaan in ay falal aargoosiya kula kacaan xamasta dhex dagen iyo dadka musaafirka ah .
    2- In ay ka foojignaadaan falal kasta oo abuuri kara xasilooni daro
     
     
     
     
    Xubanaha baaqa soo saarey
     
     Cabdi kariim Cabdrahmaan Osman
     Cabdilaahi Xaaji saciid Sh Maxamuud
     Xaaji cumar faarax
     Eng Qaasim Xaaji Saciid Sh Maxamuud

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: